Home » 7:56 am Entries posted on “December, 2014”

Xogyahihii Hore Ee Ururka SOLJA Oo U Geeriyooday Dhaawac Kasoo Gaadhay Shil Baabuur Oo Uu Galay

Nairobi:Dec,29,2014(SDN/QJ)-Allah ha u naxariistii waxa saaka aroortii hore geeriyooday Xogyahihii guud ee Hore ee Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Maxamed Faarax oo maalintii shamiistii shil gaadhi ku galay Waddada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa. Sida ay xaqiijiyeen qaarka mid ah Ehellada iyo saaxiibadda Marxuumka, ayaa saaka ku naf baxay Cisbitaal Nairobi ku yaalla, ka hor intii aan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo kormeer ku tagay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga iyo Isbitaalka Ciidamadda Xoogga

Muqdisho Dec 29,20149SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F.Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Isbitalka ciidamadda XDS, waxana kormeerka ku weheliyey Sii-hayaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, kuxigeenadiisa iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga S/G Daahir Aaden Cilmi, waxana uu ugu horreyn booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo uu kula […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ururka Xamaas Oo Hor istaagay Carruur Agoon ah Oo Booqanaysay Israa’iishii Aabayaal Tirtay

Qaza:Dec,29,2014(SDN/QJ)-Ururka Xamaas ee Gacanta ku Haya Marinka Qaza, ayaa dib u celisay Tiro carruur  agoomo ah oo reer Qaza ah, kuwaas oo doonayey inay Booqdaan Dhinac Israa’iil. Carruurtaasi ayaa walidkood waxa ay ku dhinteen dagaalkii dhawaan dhexmaray Xasaas iyo Israa’iil, waxana ay ku jihaysnayeen Cadawgii aabayaashood laayey. Gaadhi Bas ah oo waday kooxda carruurta ah […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Meydka Sheekh Hore Ciidanka Kenya u Kaxaysteen Oo Laga Helay Goob Biyo Mareen ah Oo Mombassa ku Taalla

Mombassa:Dec,29,2014(SDN/QJ)-Magaalo-xeebeedda Kenya ee Mombassa, ayaa waxa laga helay Meydka wadaad muslim ah oo la sheegay in hore ay ciidanka Boolisku u kaxaysteen. Wadaadka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Qeyr ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay goob biyo badan fadhiyaan oo ku taala deegaanka Embu oo 150 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Aniga waligay warwar baa iga hayey, taladuna waa halla maro sunihii aanu mari jirney ee madaxweyne Rayaale mari jirey”Gud. Faysal Cali Waraabe.

Hargeysa:Dec,29,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka Hadlay arimo ay kamid yihiin hannaanka  xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u gashay Wada-hadalladii ay la lahayd Somalia iyo waliba xaaladda siyaasadeed eek a taagan Gobollada Galbeedka Somaliland. Guddoomiye Faysal oo la Hadlay BBC-da, ayaa sheegay in xukuumada looga Baahan yahay inay dhegaha u furto Talooyinka ka imanaya […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Cabsi Iyo Warar Laga Qabo In Sirdoonka Ethiopia iyo Kenya Ee Gudaha Somalia Ku Sugani Xoog Kula Wareegaan Sakariye Ismaaciil

Ceel Waaq:Dec,29,2014(SDN/QJ)-Waxa Soo Baxaya Cabsi xooggan oo laga qabo in Ciidamada Kenya iyo Ethiopia ee Gudaha Somalia ku sugani ay si  awood ah kula wareegaan Madaxii Sirdoonka Al-shabab oo dhawaan Gacanta Ciidanka Dawladda Soo Galay. Ibraahim Guuleed, oo ah Gudoomiyaha Degmada Ceel-Waaq ayaa Qaar kamid ah Warbaahinta u sheegay shalay isniintii  Sirdoonka Kenya & Ethiopia […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Nuxurka Kulamo La Filayo Inuu Xasan Sheekh Qahira Kula Yeesho Dhiggiisa Masar iyo Waxyaabaha Laga Wada-hadli Doono

Caira:Dec,29,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheekh oo Haatan ku sugan Dalka Masar, ayaa la filayaa inuu Kulamo gaar ahla qaato dhiggiisa Dalkaasi C/fatax Azizi iyo Waliba madaxda Sare ee Jaamacadda Carabta oo halkaas fadhigoodu yahay. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah Sii hayaasha Wasaaradaha xukuumadii la riday, Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Falaqeynta shirkii Jabuuti ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo Aqoonayahanada Maxamed Haruun iyo Maxamed Xaaji, ka bogo

Waxa dhawaan boga Facebook ee aqoonyahanada Maxamed Haruun iyo Maxamed Xaaji Maxamuud la isku weydaarsada tafsiir aqoon ku saleysan oo ay garwadeen ka ahaayeen labada aqoon yahayn isla markaana ay bulshadu u garnaqeysay. Dooda ayaa ku saabasaneyd wadahadaldii dhawaanta ku dhexmaray madaxda Somaliland iyo Soomaaliya dalka Jabuuti, iyadoo kulamadii dabadood ay labada madaxweyne ee labada […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xukuumada Siilaanyo ee ishuwan waxay shacabka badey waa ka sii daran waxay bartey

Xukuumadan talada haysa waxaa adhaxda ka jebiyey musuq-maasuq cunsuriyadeysan oo xidideystay oo xadhkihii goostey waxaana madaxdeeda qaarkood lagu suntey qaar aan laheyn aragti siyaasadeed oo mideysan kuwaas oo iyagu aheyn isbedel-doon ama hadaf-doon laakiin ku caan baxay is-nuug iyo khiyaamo qaran. Xukuumadani marna  lama ay iman hami, hindise iyo hal-abuur wax-qabad oo buuran oo ay shaqooyin ugu abuurto 30-ka kun […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Caddaalada UCID waa sidda cadceedaa, dacaayado riqiis ahna xisbiga waxba udhimi mayso

Salaan sare waxaan hawada u marinayaa saxaafada Somaliland. Waxaan jeclaystay inaan jawaab yar oo kooban uga celinyo shaqsiyaadka caadeystay (gaar ahaan qof qarannews ku soo qorey been aan jirin) inay warar iyo dacaayado riqiiska oo aan jirin kolba xisbiga Cadaalada iyo Dalyeelka UCID ka qoraan, iyaga oo adeegsanaaya mareegaha ama Websites-ka larabay inay iska hubiyaan […]

Posted in Uncategorized | Read More »