Home » 3:25 am Entries posted on “September, 2014”

“Wasiir Ma Adigaa Bixiyey Amarka Maayarrada Loogu Diiday inay Guddida Musuqmaasuqa Golaha Hortagaan” Xildh. Siciid Cilmi Rooble.

Hargeysa:Sep,09,2014(SDN/QJ)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si adag ula Hadlay wasiirka Arrimaha Gudaha, isagoo ka biyo diiday Xeerka Diiwaangelinta Muwaadiniinta Somaliland oo Xukuumaddu Golaha Horkeentay. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxa uu tilmaamay inaan xaq loogu lahayn Wakiillada in loo sheego in xeerarka Horyaalla la iska muddaysto in xilli […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Muxuu Wasiir Warancade kaga Jawaabay in Koox Gurigiisa laga soo abaabulay ay Afduubeen Weriye DAAWO

Hargaysa 09.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in aanu Ka Warqabin Afduub koox la sheegay inuu soo diray ay u gaysteen Weriye Cabdi Shakuur Maxamud Heer sare oo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgala Somaliland haatana u shaqeeya Idaacada Hirad oo Xarunteedu tahay Magaalada Hargaysa. Sida uu Weriye […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Qurbejoogtu Maxay dareemaan Kolka ay Somaliland iyo Dalkoodii Hooyo ku soo laabtaan DAAWO Barnaamij Xiiso Badan

Hargaysa 09.Sep 2014 (SDN/QJ)- Inkastoo ay Mudo badan Ku Noolaayeen Duruufaha Nolosha Ku Gayaysiisa inaad ku dhaqanto dal aan ahayn kii aad u dhalatay isla markaana ay Yihiin Dhuun Waraabisa dhaqaale ahaan Waddankooda ayaa Sannad kasata waxaa Xiligan oo kale Yimaada Deegaanada Kala duwan ee Somaliland Qurbejoog Tiro badan oo u dhashay dalka ,Kuwaas  ka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Marwada Madaxweyne Siilaanyo oo Berbera Tagtay iyo Laash Gargaarka Caafimaad lagu fulin doono oo ay furtay DAAWO

Berbera 09.Sep 2014 (SDN/QJ)- Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Maxamud Jirde oo ay  Weheliyaan Wasiirada Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Caafimaadka Dr Saleeban Ciise Axmed ayaa Kormeer Shaqo ku tagay Magaalada Berbera. Marwada Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxda Wehelinaysay Waxay furtay Laas Loogu talo galay in lagu fuliyo Gargaarka Caafimaadka Maadaama Xeebta Somaliland deegaanada ku teedsani […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Waxay ahayd in Wasiirka Xalay Xilka laga qaado Maantana uu Xidhnaado oo Maxkamad la Geeyo” Mas’uul u hadlay Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 09.Sep 2014 (SDN/QJ)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay fal Koox la sheegay inuu Soo Abaabulay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ay Tacadi ugu gaysteen Weriye Cabdi Sakuur Maxamud Heer sare oo ka mid ah Suxufiyiinta ka hawl gala Somaliland Isla markaana ay qaab afduub ah Magaalada Hargaysa uga Kaxaysteen […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasiir Warancade oo Wakiiladu Soo Gole Joojiyeen Kuna Daran dooriyeen Su’aalo uu Ku Haftay iyo Is maandhaaf ka dhashay {DHAGAYSO}

Hargaysa 09.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Cali Waran-cadde, ayaa  hortagay Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu ka warbixiyey xaalada amaan ee dalku marayo iyo u diyaargaroowga diiwaangelinta muwaadinka. Wasiirka ayaa halka xildhibaannadu ku waydiyeen su’aalo kala duwan oo la xidhiidha xaaladu dalku ku sugan yahay.Halkan ka dhegsayo wasiirka iyo xildhibaanada oo su’aalahan isaga jawaabaya. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Nicholas Kay oo Socdaal ku tegay Baydhabo & Guddoomiye Jawaari oo Qaabilaad dhaqan u sameeyay

Baydhaba 09.Sep 2014 (SDN/QJ)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku qaabbilay, kuna soo dhaweeyey Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay iyo Wefti uu hoggaaminyo booqasho shaqo ku tegay Baydhabo. Ujeeddada Socdaalka Danjire Kay iyo Weftigiisa, sida […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xaflad Lo Qabtay Tageerayaa​l Badan Oo Ku Soo Biiray Xisbiga Wadaani Laanta Sweden

Stockholm 08,2014(SDN/QJ)-waxa shalay xaflad sii weyn lo so agasiimay lo qabtay tageeryal badan oo ka so diga rogtay xisbul xakimka ee kulmiye logu qabtay magaalada stcokholm ee dalka sweden ,xafladasii oo aay ka so qeyb galeen marti sharaf badan iyo tageerayasha xisbiga wadani ee dalka sweden oo ka kala yimiid gobalada dalka oo dhan ayaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

RW Cabdiwali; “Markasta oo la wiiqo awooda argagaxisada, waxay fuliyaan weeraro shacabka lagu gumaadayo”

Muqdisho, 08, Sebteembar, 2014…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa cambaareeyay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee kooxda Al-shabaab maanta ka fulisay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dilay dad shacab ah oo waxba galabsan kuwa kalana lagu dhaawacay. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay inuu si adag u cambaareynayo falka, […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha oo cambaareeyey is-qarxintii maanta ka dhacday degaanka Xaawa Cabdi

Muqdisho- 08 September 2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey is-qarxintii maanta kooxda arga-gixisada ka geeysatay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. qaraxa ayaa lagu dilay laguna dhaawacay dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Madaxweyanaha ayaa yiri “ Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan […]

Posted in Uncategorized | Read More »