Home » 3:43 am Entries posted on “September, 2014”

“Amar si toos ah ama si dadban la iisiiyey oo aan diiday ma jiro, xildhibaan aan xidhayna ma jirto markii aan….” Sanbaloolshe

Muqdisho:Sep,21,2014(SDN/QJ)-Cabdilaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay xilka-qaadista uu ku sameeyey ra’isal wasaare Cabidweli oo muran dhalisay. Mudane salbaloolshe oo u warramay TV-ga Universal, ayaa sheegay inaanu waligii diidin amarro la siiyey, isla-markaana xilka-qaadistiisa dambe ee uu madaxweynuhu sameeyey tahay mid mudan in loo hoggaansanaado. Waxa uu sheegay inay tahay xilka qaadistiisu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Raxan Wasiirro ah u Dirtay Boorama iyo Ujeeddada Laga Leeyahay Oo Ka Baxsan Rabitaanka Shacabka Reer Awdal

Borama:Sep,21,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa tiro kamid ah wasiirradeeda u dirtay Gobolka Awdal, iyadoo ujeeddaduna tahay sidii ay Halkaas uga aloosi lahaayeen Jawi ay odayaasha Gobolku ku shaacin lahaayeen inay Diiwaangelinta raalli ka yihiin. Arrintan ayaa la sheegayaa inuu qorshaheeda iska lahaa wasiir Xirsi, waxana  ay daba socotay Baaqyo xukuumaddu ka gubatay oo waxgaradka Reer Awdal […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xaraaradii Khilaafka Xukuumadda iyo Axsaabta Oo Hoos u Dhacday iyo Kulan Ballaadhan Oo Maanta La Isku Arki Doono

Hargeysa:Sep,21,2014(SDN/QJ)-Waxa Hoos loo dhigay Xaraaradda Khilaafkii dhexyaallay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Labada Xisbi-mucaarid, kaas oo salka ku hayey arrimaha Diiwaangelinta Madaniga ah iyo xeerarka xukuumaddu kasoo saartay. Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay kulan aqalka madaxtooyada kula qaatay Labada Hoggaamiye ee Xisbiyada waddani iyo Ucid, waxana la isla faaqiday halka ay sartu ka qudhuntay iyo siyaabaha dhinacyadu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Anigu waxaan leeyahay Nidaamkani ha dhaco, halla rido,Midaan Al-Taxriir baynu sideennii u keenaynaa, Rasaasta ha wadaan, hadday dayn waayaan waynu la soo baxaynaa innaguna.” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble DAAWO.

Hargaysa 21.Sep 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga doorto gobolka Saaxil, kana soo baxay Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa ugu baaqay dadweynaha gobollada iyo degmooyinka dalka ku dhaqan inay ka soo horjeestaan Diiwaangelinta Madaniga ah oo uu sheegay in Tunka lagu sito, isla markaana ay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasiir Maqaar Saar u ah Kooxda Khaatumo oo ka Hadlay Abaar baahsan oo ka Jirta Deegaamadooda

Saax dheer 21.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Khaatumo, Kayse Cabdi Yuusuf, ayaa sheegay in abaar darani ay ku dhufatay gabi ahyaanba deegaannada maamulka. Wasiirka ayaa tilmaamay in xaalad bani aadannimo ay ka dhalan karto abaarta oo saamaysay dadka iyo xoolaha, kuwaas oo haddii aysan helin gargaar deg deg ah ay dhici […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Canbaareeyay Falkii Gebilay ka Dhacay Sheegayna inaanu Madaxweynuhu waxba ka Ogayn DAAWO

Hargaysa 21.Sep 2014 (SDN/QJ)- Qaar ka Mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa wax aan loo dulqaadan Karin ku tilmaamay falkii ay Ciiidamada RRU ka Gaysteen Magaalada Gebilay,Kaas oo Sababay Khasaare dhaawac u badan oo loo Gaystay Dhallinyaro ka Mudaharaadaysay Dilkii laba Sarkaal oo Ka Tirsan Ciidanka qaranka loogu gaystay Degmada Qorilugud. Mudanayaashan waxay ku doodeen […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wareegii Shanaad ee Cidhib tirka Cudurka Dabaysha oo Maanta Somaliland ka Bilaabmaya DAAWO

Hargaysa 21.Sep 2014 (SDN/QJ)- Agaasimaha Waaxda caafimaadka guud ee wasaarada cafimaadka ayaa shaaciyey bilawga wareega 5aad ee ololaha cidhibtirka cudurka dabaysha , kaas oo si rasmiah uga bilaamaya 21,09,014 dhamaan gobolada iyo dagmooyinka somaliland waxaanu soconayaa 21_24 bishan Hargaysa SDN/QJ contact@qurbejoog.com    

Posted in Uncategorized | Read More »

“Saraakiil baa la laayay Ciidanka Qaranka ka tirsan oo waajibaadkoodii guddanaya. Maxaa loo laayay lama odhanayo” Mujaahid Aadan Ruush

Hargaysa 21.Sep 2014 (SDN/QJ)- Mujaahid Aadan Maxamuud Diiriye (Aadan Ruush), ayaa Dilkii Askari Ciidanka ka tirsani u gaystay Abaanduulihii iyo taliyihii hawl galinta ee Guutada 17-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland ku tilmaamay Shirqool laga soo shaqeeyay islamarkaana baxsashadiisu ahayd mid hore loo qalqaaliyay. Siyaasi Aadan Ruush Oo Warbaahinta Kula hadlay Xarunta Xisbiga Waddani oo uu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gudoomiyihii Iyo Tifaftirihii Wargayska Hubaal oo Lagu Xidhay Gebilay

Hargaysa 21.Sep 2014 (SDN/QJ)- Ciidammada Ammaanka ee magaalada Gabiley, ayaa Maqribkii Xalay loo taxaabay Saldhigga Booliska Gabiley Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Warbaahinta online-ka iyo Wargeyska ay bilawgii sannadkan xayirtay Xukuumadda Siilaanyo ee Hubaal Maxamed Axmed Jaamac Caloolay, Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef), Guddoomiyaha Ururka Jiidali Faysal Cumar Madar (Faysal-Qumuj) iyo laba qof oo kale oo la socday, […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gantaal iyo Qaybo Ka Mid Ah Bur Bur Diyaarad Millatari Oo Xeebta Ceel-sheekh Ku Caaryay iyo Taliyaha Ciidanka Xeebaha oo ka Hadlay

Hargaysa 21.Sep 2014 (SDN/QJ)-Hargaysa Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland sareeye guuto Axmed Aw Cismaan,ayaa ka war bixiyay  qalab millatari oo badda ka soo caaryay oo ah gantaal  diyaaradeed oo aan qarxin iyo qaybo ka mid ah bur bur diyaaradeed wax loo malaynayo oo ku soo caaryay xeebta badda deegaanka ceel sheekh. Taliya ciidanka ilaalada Xeebaha […]

Posted in Uncategorized | Read More »