Home » 3:35 am Entries posted on “September, 2014”

“Dhuxul Xilka Waxa uu Ku Helay Nacaybka Reer Abtigii iyo Dhiiggii Ku Daatay Warkii…….” Muj. Cali Gurey

Hargeysa:Sep,22,2014(SDN/QJ)-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Gurey) oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid, ayaa saluug ka Muujiyey Meeqaamka ay Bulshada ka joogaan ragga xukuumaddu u dirto daminta arrimaha Halkaas kasoo Cusboonaada. Mujaahidka oo war qoraal ah soo dhigay Bartiisa Internet-ka uu ku Leeyahay, ayaa sheegay inaan kooxda Madaxweyne Siilaanyo Gabiley u diray ahayn qaar awood u […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xeebaha Somalia Oo Lagu Qabtay Daroogo Qiimaheedu Dhanyahay$280-Milyan

Kismayo:Sep,22,2014(SDN/QJ)-Ciidamada ajaanibka ah ee la dagaallanka Budhcad-badeeda u jooga Xeebaha somalia, ayaa Gacanta ku dhigay Doon yar oo ay saarnayd Xashiishad aad u culus oo qiime sare lagu kala iibsadaa. Ciidanka Doonidan qabtay ayaa ahaa kuwa Dalka Australia kasoo jeeda, waxana Culayska Xashiishaddan ay qabteen lagu sheegay inuu gaadhayo , waxana doonida sidday ka Baxday […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo Markii 1aad ka Hadlay Dilkii Labadii Sarkaal iyo Halkay Hawshu u Marayso DAAWO

Hargaysa 22.Sep 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa  ugu baaqay Guud ahaan Shacabka Somalilannd inaan La Siyaasadayn Dilkii labadii Sarkaal ee Ka Tirsanaa Ciidamada Qaranka ee Geeriyooday Qori Lugud . Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo u Waramay Warbaahinta Dawlada ayaa Sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Gudidii uu Madaxweynuhu u Saaray Tabashada Reer Awdal Ilaa Iminka Wax Kulan ah May Yeelan” Gudoomiyaha Madasha Wada Tashiga DAAWO

Hargaysa 22.Sep 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Madasha Waddatashiga iyo toosinta Qaranka Mujaahid Xassan Guure ayaa ka hadlay Kulan ay Madashoodu kaga hadlayeen Xaalada dalka. Xasan Guure oo ugu horeyn ka hadlay Shirkaasi jaraa’id ayaa waxa uu Xukumada ku eedeyey in illaa Wakhtigan si cad aanay uga jawaabin Cabashadii odeyaasha Reer Boorama ay madaxweynaha Soo gaadhsiiyeen waxanu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Sadex Harimo Cad oo Sifo Sharci daro ah looga Ganacsanayay oo Madaarka Hargaysa lagu qabtay iyo Wasiirka Deegaanka oo ka Hadashay DAAWO

Hargaysa 22.Sep 2014 (SDN/QJ)- Ciidamada Booliska ee Rugta Madaarka Hargaysa ayaa Gacanta ku dhigay Sadex Harimo Cad Kuwaas oo dad Shakhsiyaad ahi ay ka ganacsadaan iyadoo lagu soo dhex qariyay Sadexdan Harimo Cad Kartoon dusha ka dahaadhan iyo Nin la sheegay inuu Sitay. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Rugtii Kowaad ee Boolis oo laga Hirgalinayo Deegaanka Ina Guuxaa ee Degmada Sallaxley DAAWO

Hargaysa 22.Sep 2014 (SDN/QJ) Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Maroodi Jeex oo ay Weheliyaan Maamulka Golaha Deegaanka ee Degmada Sallaxley ayaa  Waxay Dhagax dhigeen Rug Boolis oo laga Hirgalinayo Tuulada Ina Guuxaa oo hoos tagta Degmada Sallaxley Isla markaana Ku Yaala Xadka ay Wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya. Kulan loo sameeyay Dhagax dhigida Xaruntan Boolis ayaa Waxaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Haweenayda Keliya ee Baarlamanka Somaliland ku Jirta oo ka Dayrisay Xaalada Dalka DAAWO

Hargaysa 22.Sep 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Baar Siciid oo ah Haweenayda Keliya ee Madiga ku ah Aqalka Baarlamanka Somaliland ayaa ku dooday in Siyaasada Somaliland ay Haatan Ku Jirto Marxalad Jahawareer dhinac Walba ah. Xildhibaan Baar Siciid oo u Waramaysay Telefishanka Star Tv ayaa Sheegtay inay fooda inagu soo hayaan doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Wakiiladda isla markaana […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Mudo Kordhintii Waxay Noqotay Mid ay Heshiis ku Yihiin Sadexdii Dhardhaar ee dalka,Madaxweynuhuna Kaanbayn Ma Geli Karo” Eng Maxamed Xaashi DAAWO

Hargaysa 22.Sep 2014 (SDN/QJ)- Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi oo Haatan Xubin ka ah Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka Isla markaana Caan ku ah Dhaliilaha Dawlada iyo Soo Bandhigida Galdaloolooyinka Maamul ee Xukuumada Talada haysa oo uu u soo Noqday Wasiirkii Maaliyada ayaa ka hadlay Xaalada dalka . Maxamed Xaashi Cilmi ayaa Sheegay in Sadexda […]

Posted in Uncategorized | Read More »

R.W Cabdiweli oo la kulmay Jaaliyadda Norwey, kana codsaday inay qeyb ka qaataan dib-u-dhiska dalka

Oslo Sept 22,2014(SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ayaa magaaladda Oslo ee dalka Norwey kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, waxana uu warbixin ka siiyay xaaladda uu dalku marayo iyo kulamadii uu la qaatay madaxda dalka Norwey iyo shirkii ka dhacay dalka Ingiriiska ee looga […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ra’iisul Wasaare-ku​-xigeenka Soomaaliya​: “Qarankeen​nu waxa uu istaahilaa nabad, horumar iyo in uu la jaan-qaado adduunka

Muqdisho Sept 22,2014(SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta shacabka Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan sannad-guurada 30-aad ee Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda.Mudane Ridwaan ayaa tilmaamayay in maalintan ay dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta adduunka xusuusinayso qiimaha ay leedahay nabadda iyo […]

Posted in Uncategorized | Read More »