Home » 3:23 pm Entries posted on “August, 2014”

“Somaliland Hub uma baahna Hub ku filan way haysataa, Sallaxlay iyo Balli-gubadle Xad aan la siin degmooyinka kale ee dalka ” Wasiirka Arrimaha Gudaha DAAWO

Hargaysa 09.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa maanta faahaahin ka bixiyey arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin Ciidanka loo samaynayo ilaalinta goobaha laga baadhayo Shidaalka ee dalka Somaliland oo ay Qaramada Midoobay iyo Hay’ado ka soo hor-jeesteen, diiwaangelinta Muwaaddiniinta oo qalabkeedi dalka imanayo iyo kala-xadaynta Hargeysa iyo […]

Posted in Sports | Read More »

Muqdisho oo lagu qabtay Tababar ku Wajahan ka Hortaga Cudurka Ebola

Muqdisho 09.Aug 2014 (SDN/QJ)- Tababar lagu baranayey sida ugu habboon ee looga hor tagi karo cudurka dilaaga ah ee Ebola ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Tababarka oo socdey maalin waxaa soo qaban qaabiyey ururrada dhakhaatiirta Soomaaliyeed, waxaana ka faa’iideystey ilaa 50 xubnood oo ka tirsan ardayda barata culuunta caafimaadka ee ku sugan Muqdisho. Khuburada […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Soomaaliya ma samayn karto, xaq sharci iyo awood ay ku maamusho biyaha iyo xuduudaha maamul ee badda Jamhuuriyadda Somaliland ma laha” Wasiirka Arrimaha Dibada

Hargaysa 09.Aug 2014 (SDN/QJ)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaadhsiisay beesha caalamka go’aan adag oo ay ka soo saartay qorshe dawladda taagta daran ee Muqdisho ku diiwaangashatay xuduudaha badda oo ku darsatay biyaha Somaliland. Madaxweynaha maamulka Muqdisho Mr. Xasan Sheekh ayaa warqad uu u diray Qarammada Midoobay dabayaaqadii bishii July ee dhammaatay ku sheegtay xuduudaha badda […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Tacsiyadeeyay Mudane Ka Geeriyooday Golaha Wakiilada

Hargaysa 09.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Golayaasha Guurtida iyo Baarlamaanka  Jamhuuriyada Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum, Xildhibaan Cali Aadan Qalinle oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa 08.08.2014, laguna aasay.   Xildhibaanka oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Guurtida kana mid ahaa dadka fara ku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Buule Burde oo ay Alshabaab Weerar ku Qaaday iyo Khasaaraha ka Dhashay

Buule Burde 09.Aug 2014 (SDN/QJ)- inta la og yahay lix qof ayaa ku dhintay dad kalena way ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhashay weerar ay dagaal yahano Alshabab ahi ku qaadeen fariisomo ciidanka AMISOM & DF ay ku lahaayeen demada Buulobarde ee Gobalka Hiiraan. Masuulkan degmadaasi oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Weheliye ayaa warbaahinta Muqdihso […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Maayirka Degmada Bali-gubadle Oo xabsiga u taxaabay Wariyihii HCTV

Balli Gubadle 09.Aug 2014 (SDN/QJ)- Maayirka Degmada Bali-gubadle ayaa maanta xabsiga u taxaabay  Wariyihii Uga soo warami jiray Xarunta Gobolka Hawd ee Baligubadle  telefeeshinka HCTV iyo Shabakada Wararka DhambaalMedia Wariye Cabdi Samriye   Xidhiga Wariye Cabdi Samriye ayaan hada ku xidhan Saldhiga Magaalada Bali-gubadle  lamana garanaayo ilaa hada u jeedada dhabta ah ee ka dambaysa xadhigiisa,balse Wariye Cabdi […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Jabuuti oo noqday masuulka qura ee Afrikaana ee Aqalka Cad iska Xaadiriyay kiyoon Xaaskiisu wehelin(SAWIRO)

Washington Aug 09,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa todobaadkan ka qeyb galay munaasibad uu madaxweynaha Mareykanku aqalka cad uGu qabtay madaxweyneyaasha dalalka Africa kiyoon aanay la socon marwadiisa Khadra Xeyd. Marwada Madaxweynaha Jabuuti ayaa bilihii u danbeeyay aan ka soo xaadirin goobaha bulshada ee caadiyaan aan laga waayi jirin. Marwada ayaa sidoo kale awood siyaasadeed […]

Posted in Uncategorized | Read More »

DAAWO:Soo dhaweyn Guulwadeyn ah oo Ismaciil Cumar Minneapolis loogu sameeyay

Minneapolis Aug 09,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ku tagay booqasho uu kula kulmay jaaliyadaha reer Jabuuti iyo kuwa Soomaalida ee magaaladaa ku nool. Kulankan oo ka dhacay Hotelka Hyatt ee ku yaal bartamaha magaalada Minneapolis ayaa waxa ka qeybgalay da u badnaa Guulwadeyaal iyo weji ku macaasheyaal durbaan beena u […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Somalia:Wasiirkii hore ee Caafimaadka Oo La Eryey iyo Mid Cusub Oo La Magacaabay

Muqdisho:Aug,09,2014(SDN/QJ)-Ra’isal wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh, ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday wasirkii hore ee Caafimaadka Somalia, isla-markaana cid cusub magacaabay. General Axmed Maxamed Maxamuud oo hore u ahaa Wasiirka Caafimaadka  Somalia, ayaa xilkiisii waayey, halka xilkiisii loo dhiibay Cali Maxamuud oo loo yaqaano (cali-xareed). Wasiirka Cusub Wasaaradda Caafimaadka Cali Xareed ayaa hore xilal […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Daruuro Colaadeed Oo Markale Dib Uga Curtay Deegaanka Kalshaale iyo Isku dhac Dhimasho Keenay Oo Beelaha Halkaas dhex maray

Qorilugud:Aug,09,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo Deegaanka Kalshaale ee Gobolka Buuhoodle, ayaa sheegaya in Labadii Beelood ee Halkaas isku dili jirey ay mar kale isku dhaceen, isla-markaana ay dhacday dhimasho Hal qof ahi. Sida uu sheegayo warka Qurbejoog.com haysaa, waxa shalay gelinkii hore isku  dagaal koobani dhex maray laba maleeshiyo oo beelahaas kasoo kala jeedda Deegaanka Kalshaale, iyadoo […]

Posted in Uncategorized | Read More »