Home » 4:05 am Entries posted on “August, 2014”

Erdogan Oo Noqday Madaxweynaha Turkiga Taariikh Cusubna Dhigay

Ankara:Aug,11,2014(SDN/QJ)-Recep Tayyip Erdogan oo Hore u ahaa Ra’isal wasaaraha Dalka Turkiga, ayaa Natiijooyinka Guddida Doorashooyinku muujiyeen inuu  noqday Madaxweynaha Dalkiisa. Erdogan ayaa doorashadii shalay  dhacday ka Helay Codad gaadhaya 52.3% tirada guud ee codadkii ay shacabka dalka Turkigu dhiibteen sida goor-dhow ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka Turkiga. Arrintan ayaa waxay ka dhigaysaa in Erdogan uu ku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dhaqaalaha Somaliland Waxaa Kaalinta 3aad ka Galay Xabkaha iyo Faleenka Warbixin Xiiso leh

Hargaysa 11.Aug 2014 (SDN/QJ)- Kulan lagu soo bandhigay heerka uu soo gaadhay iyo Buugga Warbixin laga diyaariyey Mashruuc tijaabo ahaa oo uu Maal-geliyey Baanka Adduunka oo lagu horumarinayey wax-soo-saarka iyo Suuq-geynta Xabkaha iyo Faleenka Somaliland oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa lagu shaaciyey in Xabkaha iyo Faleenku kaalinta saddexaad kaga jiraan Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.   Wasiirrada […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Natiijo Lagu Daahfuray Khataraha HIV/AIDS ee Dhallinyarada Somaliland dul hoganaya

Hargaysa 11.Aug 2014 (DN/QJ)- Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo kaashanaysa Hay’adda ay wada shaqaynta leeyihiin ee OXFAM waxa ay  Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ku soo bandhigeen Daah-furka Natiijada Ka Soo baxday Cilmi-baadhis ballaadhan oo la xidhiidha Cudurka HIV/AIDS iyo dhallinyarada Somaliland taasi oo noqonaysa Cilmi-baadhistii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Warbixin Wadooyin la Hagaajiyay hadana Burbur ah oo laga Cabanayo DAAWO

Hargaysa 11.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wadada Hargaysa iyo Berbera ayaa Xukuumada Somaliland ay Wax badan ka qabatay hadana waxaa soo baxaya dhibaato ay ka cabanayaan dadka inta badan isticimaala oo sheegaya in Meelaha qaar uu Burbur ku yimid taasina ay Sababto in Shilal ka dhashaan. Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij gaar ah oo uu Weriye […]

Posted in Uncategorized | Read More »

`Waa Maxay Ujeedada uu daranaa Kormeer uu Wasiirka Maaliyada Somaliland ku tagay Xarumaha Maxkamadaha Daawo

Hargaysa 11.Aug 2014 (SDN/QJ)-  Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ee Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale ayaa  Kormeer ku tagay Xarumaha Maxkamada Racfaanka iyo Ta Gobolka Maroodi Jeex  ee Caasimada hargaysa. Wasiirka ayaa Waxaa Wehelinayay Saraakiil ka tirsan Wasaarada Maaliyada Waxaanu Kulan la qaatay Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Gobolka Maroodi Jeex Hargaysa SDN/QJ contact@qurbejoog.com

Posted in Uncategorized | Read More »

Xukuumada Somalia Ma Tahay Mid ka Hor tagi karta Cudurka Ebola?

Muqdisho 11.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe looga hor tagayo halista cudurka dilaaga ah ee Ebola oo ay la il daran yihiin waddammo ka tirsan qaaradda Afrika. Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku howllan tahay sidii looga hor tagi lahaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Maraykanka oo Meel Mariyay Xeer ay Soomaalidu aad u soo Dhawaysay

Washington 11.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dawladda Mareykanka Barack Obama, ayaa saxeexay dhaqan-galka sharciga horumarinta Xawaaladaha oo uu dhawaan ansixiyay Aqalka Senateka ee Sharci-dejinta Maraykanka Sharcigan ayaa khafiifinaya sharciyadihii hore ee dawladda Maraykankanku ku Maamulli jirtay Shirkadaha Xawilaadaha Lacagaha kala duwan ee Maraykanka, oo ay aad uga faa’ideystaan Soomaalida iyo Qowmiyadda Hmongka. Sharcigan ayaa dhigaya in […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Sidaan warka ku hayo ninka dhintay ciidankiisaa xagga dambe ka toogtay. Qofka Habeen Aqalkaaga soo weerara isaga oo aan kusoo wargelina….”Xildhibaan Qanyare

Muqdisho:Aug,11,2014(SDN/QJ)-Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Nabad-sugidda somalia ayaa ku dhintay Hawlgal ay Ciidamadu Nabad-sugiddu xalay ku qaadeen Aqalka Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare  oo ku yaalla Muqdisho. Israsaasayn mudddo socotay ayaa sida lagu soo waramayo ka dhacday hareeraha iyo wajahadda guriga uu xildhibaanku Deggen yahay, waxana Xabadaha is weydaarsanayey Ilaalaga gaarka ah ee Xildhibaanka iyo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Raxan Ka Tirsan Booliska Burco Oo Xalay Xabsiga Loo Dhaadhiciyey iyo Sababaha Keenay

Burco:Aug,11,2014(SDN/QJ)-Wararka ka Imanaya Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Xabsiga loo taxaabay Tiro ka mid ah Ciidanka Booliska ee Magaaladaas ka Hawlgala. Ciidanka la xidhxidhay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa Toddoba Askari, iyadoo lagu daba jiro xubno kale oo isla booliska ka  mid ah. Waxana Ciidankan la xidhxidhay ka mid yihiin Booliska deggen […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xisbiga Kulmye oo ka soo jawaabay soo jeedintii Mucaaridka ee in la dhiso dawlad KMG ah

Hargeysa Aug 11,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaciil Cige(jaamac shabeel) ayaa daadifeeyay soo jeedimihii xisbiyada mucaaridka ee Wadani iyo UCID oo ay weheliyeen Madasha wada tashiga Somaliland oo ku wejehnaa dhisida dawlad KMG ah hadii ay qabsoomi waayaan doorashooyinka madaxweynaha iyo Gollaha Wakiilada. “Horta dalku sharci ayuu leeyahay dawladnimaduna ma aha wax nin […]

Posted in Uncategorized | Read More »