Home » 4:00 am Entries posted on “August, 2014”

Danjire Nicholes Key oo ka Jawaabaya Dalab uga Yimid Xukuumada Somaliland Lana Filayo inuu Maanta soo Gaadho Hargaysa

Hargaysa 18.Aug 2014 (SDN/QJ)- Nicholas Kay oo ah Ergayga Qaramada Midobay u Qaabilsan Somalia iyo Somaliland, ayaa la filayaa inuu Maanta Soo Gaadho Caasimada Somaliland ee Hargaysa Isagoo ka Soo Kicitimi doona Magaalada Garowe oo uu Kulamo kala duwan la leh Hoggaanka maamulkaas. Nicholas kay Sida ay sheegayaan wararku booqashada Punt land ayaa la xidhiidha […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Mashruuca Qaabaynta Magaalooyinka Waaweyn oo Berbera lagu Ibo furi doono {DHAGAYSO}

Hargaysa 18.Aug 2014 (SDN/QJ)- Waasaradaha Arrimaha Gudaha iyo Hawlaha Guud iyo Guriyayta ayaa si wada jir ah u daah furay Mashruuc qaabaynta Magaalooyinka waa weyne ee Somaliland kaasi oo afka qalaad loo yaqaano Master plan waxaanna Mashruucani Lagu Bilaabi doonaa Magaaladda Berbera ee Caasimadda Gobolka Saaxil. Wasiirka hawlaha Guud iyo Guriyaynta Mudane Cabdirisaaq Khaliif Ahmed […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Saddex Wariye Oo Gacanta Nabadsugidda Somalia Ku Jira iyo Wasiirro Ka Qaybgalay Su’aalihii La Weydiinayey

Muqdisho:Aug,18,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Nabadsugidda Somalia ayaa wali xabsiga kula hadhay saddex ka mid ahaa wariyayaal 20-ku dhawaa oo muddo saddex cisho ah u xidhnaa kana tirsanaa idaacadaha Shabelle iyo Sky. Saddexdan wariye ayey ciidanku diideen inay sii daayaan, waxana ay tirada kale ee wariyayaash u sheegeen inay iska baxaan, balse aan saddexdaas loo ogolayin inay jeelka kasoo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Taliye Fadal iyo Xildh. Nacnac Oo Ku Guulaystay Inay Xabsiga Ku Guraan Cuqaasha Beesha Cabdale Arab oo Kasoo Horjeestay Go’aankii Muranka Deegaanka Balli Diiriye

Burco:Aug,18,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Boliska Deegaanka Burco ayaa habeenkii xalay Xabsiga u taxaabay Xubno ka tirsan Beesha Cabdale Arab oo ka mid ah Beelaha isku Haya Deegaanka Ballid Diriye ee Gobolka Togdheer. Xadhiga Waxgaradkan ayaa la sheegay inay Xukuumaddu ka Dambaysay, isla-markaana uu daba socda Hadallada iyo Ficillada ay Waxgaradka Beesha kaga Fal Celiyeen Go’aanadii dhawaan laga soo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweyne Siilaanyo oo Saacado Kooban kadib ka soo Huleelay Boorama Xili aanu Xalin Tabashada Shaqaalaha Caafimaadka Cisbitaalka Boorama oo 8 Bilood aan Wax Mushahar ah arag

Boorama 18.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Isla Xalayba ku soo laabtay Caasimada hargaysa kadib markii uu Magaalada Boorama kaga qayb galay Qalin jebinta Dufcadii 13 aad ee ka baxda Jaamacada Camuud iska markaana uu Xadhiga ka jaray Mashaariic ay dawlada hoose ee Magaaladaasi Hirgalisay. Geesta kale Shaqaalaha caafimaadka ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

R.W Cabdiweli oo maanta kulan qado ah la qaatay ururada bulshada rayidka

Muqdisho Aug 18, 2014(SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kulan qado ah u sameeyay qeybaha bulshada Rayidka ah isaga oo la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo Amniga Caasimadda iyo Hiigsiga 2016. Waxana kulanka goobjoob ahaa xubno ka socday labada gole ee dowladda. Sidoo kale intii uu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Safarkii Madaxweyne Siilaanyo ee Boorama iyo Caawa oo uu dib ugu soo laabtay Caasimada SAWIRO

Hargaysa 17.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa saaka u amba-baxay Gobolka Awdal gaar ahaan Caasimadiisa Boorama, ujeedada safarkan ayaa ahayd inu madaxweynuhu ka qaybgalo Qalin-jabinta Jaamacada Amoud University oo ay maanta ka qalinjebisay Dufcadii 13aad, Ardaydaasi oo dhamay 621 Arday.   Madaxweynuhu waxa uu safarkiisa ku soo maray Gobolka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Socdaal Xubno Wasiiro ahi Maanta ku Tageen Magaalada Baydhaba iyo Ujeedada uu daaran yahay

Baydhaba 17.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wafdi wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Wafdiga oo uu hogaaminayay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha , Khaalid Cumar Cali ayaa waxaa ka mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga, Cabdalla Xuseen Cali. Wasiirrada ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweyne Gaas iyo Danjire Nicholos Key oo ka Wada hadlaya Xidhiidhka Punt land iyo Dawlada Federaalka

Garowe 17.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland . Soo dhaweyn loogu sameeyay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ayaa waxa ka qayb qaatay Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland,Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland,Maamulka Gobolka Nugaal iyo Dadwayne […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Hogaankii Hagi lahaa Qaban qaabada Shirweynaha 5aad ee Ururka Solja oo Maanta la Doortay

Hargaysa 17.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddida qaban qaabada Shirweynaha shanaad ee Ururka Suxufiyiinta Solja ayaa manta doortay hogaanka hagi doona Hawlaha guddida qaban qaabadda. Guddida qaban qaabada Solja waxay gudoomiye u doorteen Maxamed Maxamud (Ilkacase), Ku-xigeen Najax Aadan Cunaaye,Xoghayana Yaxye Sh Ismaaciil. Guddidan oo manta ay u ahayd maalintoodii koowaad waxa laga rajaynayaa inay shirweynaha Solja […]

Posted in Uncategorized | Read More »