Home » 10:54 pm Entries posted on “August, 2014”

Golaha Wasiirada oo ku baaqay in laga wada qayb-qaato gurmadka abaaraha dalka

Muqdisho, August 21, 2014 — Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira dalka, waxana Xukuumaddu sheegtay inay qaadanayso hoggaaminta dadaalka wax loogu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Maareeyaha Dekedda Berbera oo ku Biiray Madaxda Somaliland ee Saarka Dhaantada laga tumay

Berbera 21Aug14(SDN/QJ)Waxa muddooyinkii u dambeeyey dalka ku sugnaa qaar ka tirsan Fannaaniinta ku caan-baxday ciyaarta la casriyeeyey ee Dhaantada, kuwaas oo ka yimi magaalada Jijiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Waxa ay fannaaniinta Dhaantoyahannada ah oo ka soo ciyaar-guday magaalada Jigjiga ay ka qayb-galeen munaasibad xukuumaddu ku marti-qaadday Qurbejoogga dalka ku sugan oo magaalada Hargeysa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali ayaa maanta kulan qado ah la qaatay xildhibaanda baarlamaanka ee ku sugan magaalda Nairobi

Nairobi, 21, August, 2014 (SDN/QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa maanta la qaatay kulan qado ah oo ay ku kala warqaadanayeen xidhibaanada baarlamaanka ee ku sugan magaalada Nairobi. Kulankan qadada ah ayaa Ra’iisul Wasaaruhu warbixin ka siiyo xildhibaanada xaalada dalka, iyo shirkii looga hadlayey qaxootiga Soomaaliya ee ka dhacay shalay magaadlada Addis […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xeer Ilaalinta Guud ee Somaliland oo u Yeedhay Xog-hayaha Guud ee Golaha Wakiilada iyo Isagoo ku Gacan Saydhay Waa Maxay Sababtu?

Hargaysa 21.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xoghayaha Guud ee Golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa si kulul oo degdeg ah uga jawaabay Warqad Xafiiska Xeer ilaalinta Guud looga soo diray. Xoghayaha oo warqadan lagu faray inuu yimaado Xafiiska Xeer ilaaliyaha ayuu ku tilmaamay mid mad-madaw lagu galinayo Kiiska Walaashii Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo hore si […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Nasiib darrada haysata maamulkan Siilaanyo waxa weeye , wax Allaale iyo waxii codka siiyey ayuu ugu daran yahay” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargaysa 21.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland, islamarkaana ah Xildhibaan Kulmiye ah, ayaa Dadweynaha Somaliland u soo jeediyay inaanay Codkooda siin Kulmiye oo uu sheegay inuu majarahabaabiyey horumarkii dalka.   Xildhibaan  Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Xildhibaanada ugu cad-cad Kulmiye ee Golaha wakiilada ugu jira ayaan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Cabsi Iyo Walaahoow la Soo Deristay Maayaro badan oo ka Mid ah Golayaasha Deegaanka kadib markii la fasaxay In Xilka laga qaadi karo

Hargaysa 21.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in golayaasha degaannada dalku u fasax u yihiin fadhiyo ay xilka kaga qaadi karaan maayarradooda ama guddoomiyeyaasha ay doorteen. Sidaa waxa uu Cali Warancadde ku sheegay shalay mar uu warbaahinta la hadlay kadib markuu dhammaaday kulan uu la […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Bulshada ku Nool Muqdisho oo Digniin lagu siiyay in aanay ka Hadal Siyaasada Dawlada

Muqdisho 21.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir ayaa maanta  sheegay in dadka ku nool degmadiisa uu uga digayo inay wax ka sheegaan siyaasadda dowladda iyo dadaallada ay waddo ee lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga. Cabdiqaadir ayaa xusay in hay’adaha amniga dalka ay ku soo wargaliyeen in la xiri […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Sannadka 2016 oo Amisom ay Gebi ahaanba Somalia ka baxayso

Muqdisho 21.Aug 2014 (SDN/QJ)- Ku-simaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Lydia Wanyoto Motende ayaa shaacisay in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ay ka bixi doonaan Soomaaliya marka la gaarayo sanadka 2016. Lydia Wanyoto oo la hadashay Wargeyska New Vision  ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku wareejin doonaan gacan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wiil Somaliyeed Oo Ku Eedaysan Xasuuqii Xeebta Kenya Ka Dhacay Oo Maxkamad La Soo Taagay

Nairobi:Aug,21,2014(SDN/QJ)-Maxkamad ku taalla Dalka Kenya, ayaa maalintii shalay la soo taagay Muwaadin somaliyeed oo Magaciisa lagu sheegay Omar Abdurahman oo 26 jir ah, laguna eedeeyey inuu lug ku lahaa Dilal dhawaan Ka dhacay Gobolka Xeebta Kenya. Eedeysanaha ayaa la sheegay in bishan August 13-dii lagu qabtay Galbeedka Degmadda Lamu, waxaana loo gudbiyey Saldhigga Boliska ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Boliska Somalia Oo Bahdilaad iyo Xaqiraad Kala Kulma Ciidamada AMISOM Ee ay Wada-shaqeeyaan

Muqdisho:Aug,21,2014(SDN/QJ)-Ciidamada ka tirsan Boliska somalida ee ka Hawlgala Garonka Muqdisho, ayaa bahdilaad iyo xaqiraad baahsan kala kulma Ciidanka AMISOM ee Isla halkaas ku sugan. Boliskan ka tirsan somalida, ayaa subax kasta marka ay shaqada soo gelayaan waxa si joogta ah u baadha Dhiggooda AMISOM, oo muujiyey inaanay ku kalsoonayn shaqada ay Halkaas ka hayaan, isla-markaana […]

Posted in Uncategorized | Read More »