Home » 7:45 am Entries posted on “August, 2014”

Dood Xiiso badan oo uu soo diyaariyiey Wariyey Cabdilahi Maxamed Cali oo ka hadlaysa Khaatumo State samayn intee leg bay ku ledahay Somalialnd Dawasho Wacan

London25Aug14(SDN/QJ) Baraamijka qurbejoog ee uu daadihiyo wariye Cabdilaahi Maxamed Cali oo ka hawlgala Tvga Star horena uga tirsana Tvga qaranka Somaliland ayaa waxa uu soo bandhigay Dood Xiiso badan oo dhex martay qurbejooga Beesha Gobolka Sool Eng:Cabdi Nasir Garaad Abshir halkan ka daawo baraamijka oo dhamays tiran.   Xafiiska Wararka qurbejoog Uk London,,,,,,,

Posted in Uncategorized | Read More »

Hubka Dawladda Federal-ka Somalia La Soo Degayso Oo Golaha Ammaanku Dib u Eegi Doono

New York:Aug,25,2014(SDN/QJ)-Danjiraha Dawladda Britain uga Wakiilka ah Qaramada Midoobay, ahna Madaxa Golaha Ammaanka Mark Grant, ayaa sheegay in xubnaha ammaanka qaramada Midoobay dib u eegis ku samaynayaan Hubka Dawladda Federlka Somalia ay helayso. Mark Grant ayaa hadalkaasi bixiyey, kadib, markii ay isaga iyo 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM booqasho xaqiiqo-raadin ah ku yimaadeen […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Khilaaf Ba’an Oo Soo Kala Dhex galay Xisbiga Mucaaridka Kenya Ee ODM

Nairobi:Aug,25,2014(SDN/QJ)-Xubnaha ugu sarreeya xisbiga Mucaaridka dalka Kenya ee ODM, ayaa waxa soo kala dhex galay khilaaf la xidhiidha Qabashada Doorashada Xisbigu ku dooranayo Hoggaankiisa. Khilaafka iyo is qabqabsiga xisbiga ODM, ayaa sii xoogaystay ka dib markiii Ababu Namwanba uu sheegay in Raila aanu xaq u lahayn inuu u ololeeyo afti xili lagu guul daraystay iyo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Sirdoonka Ingiriiska Oo Qarka U Saaran Inuu Aqoonsado Ninkii Gawracay Wariye James Foley

London:Aug,25,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Sirdoonka Dalka Ingiriiska ayaa ku dhaw inay Aqoonsadaan Ninkii gawracay Saxafigii maraykanka ahaa ee James Foley. Safiirka dowlada Maraykanka u fadhiya Maraykanka peter Westmacott ayaa u sheegay taleefishinka CNN in ay u adeegsanayaan tiknoolajiyada casriga ah sidii ay u aqoonsan lahaayeen ninkii gowracay saxafigii Maraykanka ahaa ee James Foley kaasoo la hayo cod uu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

DAAWO:Mayorka Jabuuti iyo ku-xigeenkiisa oo Hargeysa booqanaya,maxey tahay sababtu?

Hargeysa Aug 25,2014(SDN/QJ)-Duqa magaalada Jabuuti Xuseen Cabdilaahi iyo ku-xigeenkiisa ayaa booqasho ku jooga magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Halkan hoose ka daawo Mayorka Jabuuti oo ka warbixinaya safarkooda Hargeysa iyo xiriirka labada Magaalo iyo Shacabka labada umaddood.

Posted in Uncategorized | Read More »

General Indha-cadde Oo Qaaday Tallaabooyin Uu Ku Difaacayo Hubka Gacantiisa Ku Jira Iyo Dawladda Oo Amar Siisay

Muqdisho:Aug,25,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka Muqdisho laga Helayaa, waxa ay Dawladdu Gudo-gashay Tallaabooyin ay hubka General Indha-cadde hasto kula wareegayso, iyadoo General-ka Laftiisuna  uu u holladay siduu u difaaci lahaa Hubkaas uu haysto. Saraakiisha ammaanka ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in general Yuusuf indhacadde loo qabtay muddo kooban oo uu hubka gacantiisa ku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

DAAWO:Fuaad Aadan Cade”Walaahi weligeey in aanan ku fikirin in aan maalina Somaliland ka tago,Taleex baan Joogay Taleexna waa Somaliland

Hargeysa Aug 25,2014(SDN/QJ)-La-taliyaha madaxweynaha Somaliland ee gobolada Bariga Md Fuaad Aadan Cade ayaa shir jaraaid oo uu uqabtay saxaafada waxa uu ku soo afjaray tuhuno ku xeeranaa in isbedel ku yimi mawqifkiisii ku wejehnaa qadiyada Somaliland. Md Fuaad Aadan Cadae ayaa dhaliilay damaca Cali Khaliif Galeydh, waxaanu sheegay in ay aheyd in uu si kale […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ganacsatada Bakaaraha iyo Dawladda Federalka ah Oo Heshiis Ka Gaadhay Murankii Shalay Dhacay

Muqdisho:Aug,25,2014(SDN/QJ)-Fadhi kedis ah oo ay xalay iskugu yimaadeen Xubno Dawladda ka tirsan oo uu hoggaamiyo Ra’isal wasaare ku xigeenka Dalka Ridwaan Xirsi Maxamed oo ay qayg ka ahaayeen Xubnaha Ganacsiga waaweyn ku leh suuqa Bakaaraha, ayaa si weyn loogu lafo guray muranka Ka  Dhashay Cashuuro ay cabanayaan Ganacsatada Suuqa Bakaaruhu. Bayaan laga soo saaray xafiiska […]

Posted in Uncategorized | Read More »

DAAWO:Waxa la yidhi waad dhimanaysaa Kabacdi Waxa Niyadayda Ku Soo Dhacday Waddada Ceerigaabo

Hargeysa Aug 25,2014(SDN/QJ)-Wasiiru dawlaha wasaarada Maaliyada Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa ka yaabiyay umadda ka dib kolkii uu sheegay in dhawaan loo sheegay in uu dhimanayo balse halkii uu ka towbad keeni lahaa uu qalbigiisa ay ku soo dhacday Wadada Ceerigaabo. Hadalkan ayaa noqonaya mid taariikhda siyaasadeed ee Somalida ku soo biira isla markaana […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Askar Ka Tirsan Ciidanka Puntland Oo Lagu Laayey Deegaanno Hoos Yimaadda Gobolka Bari

Isku-shuban:Aug,25,2014(SDN/QJ)-Laba ka mid ah ciidanka  Puntalnd ayaa Maalintii shalay lagu dilay deegaanka Isku-shuban ee Gobolka Bari, iyadoo dilkaas ay geysteen Kooxo Hubaysani. Taliyaha Booliska ee Gobolka Bari Col. C/xakiin Yuusuf Xuseen, ayaa xaqiijiyay Dilka Askarta, waxaana uu tilmaamay in Labada skari ay kamid ahaayeen Ciidan Illaalo u ahaa Odayaal Degmada Iskushuban u joogay  Waan-waan ay […]

Posted in Uncategorized | Read More »