Home » 3:42 pm Entries posted on “July, 2014”

AMISOM oo soo dhawaysay qaabkii loo fashiliyay weerarkii shalay

Muqdisho 16.July 2014 (SDN/QJ)- Qoraal kasoo baxay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Somalia ayaa maanta 16.July.2014 lagu sheegay in lagu soo dhawaynayo werarkii shalay lala damacsanaa in lagu bartilmamaysto garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaasoo amaankeeda la adkeeyay. Ciidanka DF ayaa shalay gacanta ku dhigay gaari lagu soo xiray walxaha qarxa iyadoona wadihii gaarigaasi lagu sheegay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbad Kooban Kaga Falceliyey Soo Dhaweyn Diirran Oo London Loogu Sameeyey DAAWO

London:July,16,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo oo Goor dhaweyd Gaadhay Magaalada London, ayaa  hadal kooban u jeediyey Xubno  ka mid ah shacabka reer Somaliland ee Uk ku dhaqan oo Halkaas soo dhaweyn ugu sameeyey. Madaxweyne Siilaanyo iyo Waftigiisa, waxa si gaar ah soo dhaweyn ugu  qaabilay xubno ay ka mid yihiin safiirka Somaliland ee Uk Cali Aadan Cawaale, Safiirka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xildhibaan Siciid Maxamed Siraadle Oo Xisbiga Wadani Ku Edeeyay In Ay Hafar Iyo Habaar Xukuumada La Dabo Taagan Tahay

  Harageisan 15/7/2041(SDN/QJ) Xildhibaan Siciid Maxamed Siraadle Oo Xisbiga Wadani Ku Edeeyay In Ay Hafar Iyo Habaar Xukuumada La Dabo Taagan Tahay. isagoo sheegay in xukuumada maanta jirta ninkii muwadinka ahai uu arkaayo waxqabkeedana indhaha muwadinka ahi ay ka makhraatikacayan

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasaaradda Khaarajiga Somaliland oo Faahfaahisay Nuxurka Qoddobo Madaxweyne Siilaanyo iyo Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya isku afgarteen In Xuduudka Somaliland Etopia la Furo

Hargeisa 15/7/2014 (SDN/QJ)- Dawladda Itoobiya, ayaa ka hadashay nuxurka kulan dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ra’iisal-wasaarahooda Mr. Hailemariam Desalegn. Madaxa Arrimaha Afrika u qaabilsan Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya Mr. Solomon Abebe oo warbaahinta dalkooda u warramay shalay, ayaa sheegay in kulanka dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Ra’iisal-wasaare Hailemariam Desalegn uu aad mid […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xulalkii Uga Qeybgaley Africa Koobka Kubadda Cagta ee Aduunka oo Lagu Shaambadeeyey Hal Talaabo Horey u Qaad & Talaabooyin Badan Dib U Qaad. (By Jaahuur)

Qurbejoognews.com-16-July-2014- Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ku soo qaadaneynaa waxyaabihii xulalka Afirka u matalayey ka qabsadey koobkii kubadda cagta ee aduunka ee ka dhacay dalkaa Brazil 2014. Marka ugu horeysa waxaa ayaan daro ah laba xul oo ka mid ahaa xulalkii qaaradda Afrika u matalayey iney dhexdooda isku qacan qaadaan ciyaarta dhexdeeda iyo lagu nasbeynayo iney […]

Posted in Sports | Read More »

Dawladda Libiya Oo Dalbatay Farogelin Shisheeye iyo Maleeshiyo-Beeleedyo Halis Ku Haya Jiritaanka Dalkaas

Tripoli:July,16,2014(SDN/QJ)-Golaha Wasiirrada Dawladda Libiya ayaa kal fadhi ay yeesheen iskula gartay  in dalku dalbado Farogelin shisheeye. Wasiirka arrimaha dibadda Liibiya ayaa  isagu ku dhawaaqay inay qaramada Midoobay iyo iyo Beesha caalamkaba ka dalbadeen in si deg deg ah looga soo gaadho maleeshiyooyinka Faraha baas ku haya Dawladda aan cagaha adag u taagnayn ee Haatan Libiya […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Al-shabaab Oo Iska Fogaysay Dilkii Nafiisa Cismaan, Kana Hadashay Dhallinyaradii Shalay Lagu Qisaasay Muqdisho

Muqdisho:July,16,2014(SDN/QJ)-Xoogga Al-shabaab ayaa markii ugu horraysay ka Hadashay Dilkii qisaasta ahaa ee shalay lagu fuliyey Labadii Wiil ee Dhallinyarada ahaa iyo waliba Dilka Haweenayda iyagu ku eedaysnaayeen ee Nafiisa Cismaan. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), ayaa wuxuu sheegay inaanay Al Shabaab ka mid ahayn labadii nin ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Qoraagii Caanka ahaa Ee Cabdiqaadir Aroma Oo Xalay Geeriyooday

London:July,16,2014(SDN/QJ)-Allah Ha u Naxariistee waxa Habeenkii Xalay Magaalada London ee Carriga Ingiriiska ku Geeriyooday Qoraagii Soomaaliyeed ee Caanka ahaa ee Cabdiqaadir Cismaan (Cabdiqaadir Oromo). Canbiqaadir Oromo ayaa ka mid ahaa Qoraayada Somaaliyeed  Hibada u lahaa Qoraalka iyo Soo Bandhigidda Taariikhaha iyo dhacdooyinka soomaalida dhexdeeda ka dhex dhaca, waxana uu u geeriyooday Xanuun uu in muddo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hogaaminaayo Oo Xalay Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay ga’gida Diyaaradaha Ee Heathrow Airport Ee Magaalada London

  Hrageisa 16/7/2014 (SDN/QJ)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hogaaminaayo ayaa Xalay Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay ga’gida Diyaaradaha Ee Heathrow Airport Ee Magaalada LondonMadaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Iyo Wafti Uu Hogaaminaayo ayaa Xalay . Weftiga Madaxweynaha oo Socdaalkooda Uk ku Jihaysan yahay Arrimo Gaar ah Waxaana Soo dhawayntiisa ka qayb galay Jaaliyada Somaliland […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ciidamo Gurmad Ah Oo Loogu Tallo-galay In Ay Hawl-galo Milatari Oo Degdeg Ah Ka Fuliyaan Bariga Afrika Oo Lagu Dhawaaqay

  Hargeisa 16/7/2014(SDN/QJ)- Dawladaha dalalka bariga Africa, ayaa shaaca ka qaaday in bisha December ee fooda inugu soo haysa ee sanadkan aynu ku jirno la diyaaran doono ciidamo awood leh oo ku hubaysan hub culus oo ka kooban Shan kun oo askari oo loogu tallo galay in ay si degdeg ah uga jawaabaan khilaafyada ka […]

Posted in Uncategorized | Read More »