Home » 6:18 am Entries posted on “July, 2014”

Weriyeyaasha Reer Galbeedka ah ee Ku Sugan Magaalada Gubanaysa ee Qasa oo Xarumaha ay u Shaqeeyaan Dhibsadeen Tebintooda Tooska ah ee Wararka Dagaalka Israa’il Iyo Falastiin

Gaza 21.July 2014 (SDN/QJ)- Telefishinka NBC Al-Ikhbaariyah ee Mareykanka laga leeyahay ayaa waxa ay ku amartay wariyihii uga soo warramayay magaalada Ghaza in uu sii deg deg ah kaga soo baxo magaalada kadib markii uu si isdaba joog ah usoo tabiyay caruur aad u da’ yar oo ku waxyeeloobay qaarna ku Shahiiday duqeymaha arxan darro […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Muqdisho Oo Xalay Lagu Dilay Shan Qof Oo Shacab ahaa

Muqdisho:July,21,2014(SDN/QJ)-Dad tiradooda lagu sheegay ilaa iyo shan qof ayaa Habeenkii xalay siyaabo kala duwan loogu laayey Gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia. Dilalka dadkan oo shacab ahaa ayaa la sheegayaa inay Fuliyeen Kooxo Budhcad ah oo aan Haybtooda la aqoonsan, kuwaas oo si gaadmo ah ku laayey Dadkaas. Saddex qof, ayaa waxaa xalay lagu dilay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Sucuudiga Oo Dabagal Ku Haya 17-Wadaad Oo Khudbadahoodii ku Cambaarayn Waayey Kooxda ISIS

Riyad:July,21,2014(SDN/QJ)-Xukumadda Waddanka Sucuudiga ayaa ku Hawllan Baadhitaano ka dhan ah Imaamyada 17-masjid ooo ku yaalla Caasimadda Riyaad, kuwaas oo khudbadoodii jimcaha ku Cambaarayn waayey Xoogaga islaamiyiinta ah ee Daacish. Sida lagu baahiyey wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters , dawladda Sucuudiga ayaa si gaar ah indhaha ugu haysa culimada masaajidada, siiba imaamyada, iyadoo la sheegay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Taliyaha Cusub ee Booliska Somalia oo Xilkii la Wareegay Iyo Muuqaal ay Canada Ku Tilmaamayso Dagaal ooge oo Shaaca laga qaaday Daawo

Muqdisho 21.July 2014 (SDN/QJ)- Taliyaha cusub ee ciidanka boliiska Soomaaliyeed, Gen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa si rasmi ah xilkii ugala  wareegay taliyihii hore ee ciidanka, Gen. Cabixakiim Daahir Siciid. Xaflad loogu talagalay xil-wareejinta oo lugu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda , saraakiisha ciidanka boliiska iyo xubno ka tirsan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Weerar Cusub Oo Xalay Laga Fuliyey Gudaha Kenya iyo Tirada Dhimashada

Mombasa:July,21,2014(SDN/QJ)-Magaalada Dalxiiska loo tago ee Mombassa, ayaa waxa Xalay ka Dhacay Dilal Loo Geystay Dad Shacab ah, kadib markii ay Kooxo Hubaysani weerareen. Sida ay sheegayaan wararka halkaas laga Helayaa, waxa weerarka geystay Tiro Rag ah  oo Hubaysnaa, kuwaas oo Saarnaa Mooto dheeranaysay, iyagoo Halkaas ku dilay Dad tiradooda lagu sheegay ilaa 4-qof, halka ay […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Kooxaha Falastiin oo Shaaciyay Askari Israa’ili ah oo ay Gacanta Ku dhigeen,Yuhuuda oo beenisay Iyo Tiradii ugu badnayd ee Askarta Israa’il kaga dhigta afar cisho oo dagaal qadhaadh ah

Gaza 21.July 2014 (SDN/QJ)- Maalinimadii Shalay iyo Habeenkii xalay, ayaa aha saacadihii ugu darnaa ee ay Yuhuudda Isra’iil laban-laabeen weerrarada ay ku hayaan Shacabka Muslimiinta ah ee reer Falastiin ee ku dhaqan Qasa iyo hareereheeda, isla markaana ahayd ayaantii ugu dhimashada iyo dhaawaca badnayn 14 cisho oo ay socdeen duqaynta iyo dagaalka Yuhuuddu ku hayso […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Garoon diyaaradeed oo yar oo aad xidhataan waxba idiin tari maayo, waana calaamadaha lagu garto dawlada sii dhaceysa” Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid

Hargaysa 21.July 2014 (SDN/QJ)-Murrashaxa Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md.Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa sheegay inuu caalamku u yaqaano xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, dawlad uu hadheeyey musuqmaasuq,isla markaana waxa uu ku eedeeyey xukuumadda inay ku fashilantay amnigii guud iyo wada-shaqeyntii aynu la lahayn waddamadda Jaarka. Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa waxa uu u mahad-celiyey masuuliyiinta xisbiga […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gudoomiye Ku Xigeenka Waddani “Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkii dalka, ee laga rabay inay dalka hogaamiyaan, wax talo ah oo gacanta ugu jirta ma jirto”

Hargaysa 21.July 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in Xukuumadda hadda taladda haysa ee Madaxweynaha uu ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) tahay Xukuumaddii ugu liidatay ee dalka soo marta, isaga oo sheegay inay ku fashilantay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin Siyaasada Arrimaha Guddaha, Siyaasada […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Muqdishow iyo Ibnu Battuuta Qaybta Labaad

Socdaalkii Ibnu Batuuta: 1325-1354 Qaybta Labaad Maamuus iyo Marti-galin Markii aan galnay Guriga Martida ayaa wiilkii dhalintayaraa waxuu guriga Sheykha nooga keenay cunto. Waxaa wiilka la socday nin ka mid ah wassiirada Sheykha oo ah wassiirka u qaabilsan marti-soorka, oo isagoo isoo dhaweynaya, igu yiri, “Waxaa ku salaamaya, (Mawlaanaa Sheykh) [-6], waxuuna ku leeyahay: imaanshahaagu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Xisbiga UCID Yusuf Budle oo Ka tanaasulay dhamaanba xubinnimaddii Xisbiga UCID

Minneapolis July 21,2014(SDN/QJ)-Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda ee xisbiga UCID Md Yusuf Budle ayaa gebi ahaanba iska casilay xilkii uu xisbiga u hayay iyo xubinimadii xisbiga mucaaridka ah. Qoraal uu internetka ku baahiyay ayuu ku yiri : Waxa aan u sheegayaa dhamaanba madaxda, xubnaha iyo dhamaanba taageerayaasha Xisbiga UCID meelkasta oo ay joogaanba in laga […]

Posted in Uncategorized | Read More »