Home » 12:31 pm Entries posted on “April, 2014”

Lix dariiqo oo aad ku xoojin karto xasuustaada Deeqa Cali Saalax.

Culimada dhinaca cilmu-nafsiga ee caalamku waxay maalinba ta xigta sii daah qaadayaan dariiqooyin cusub oo aadamaha jidhkiisu awood ugu leeyahay inuu daweeyo ama buuxiyo waxyaabaha uu tebayo  ruuxa bani’aadamka ah ee caafimaadka qaba. Halkan waxaanu idiinku haynaa todoba dariiqo oo lagu xoojin karo xusuustaada isla markaana aan maskaxda dib ugu soo celin karto  waxyaabihii iyo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xisbiga Ucid oo ka Hadlay Dhacdadii Habeenkii Xalay ka dhacday berbera ee dhimashada sababtay,Sheegayna Cidii Mas’uulka ka ahayd

Hargaysa 12.April 2014 (SDN)- Xisbiga Mucaaradka Ee Ucid Ayaa Maanta Shir Jaraaid Oo Ay Ku Qabteen Magaalada Hargaysa Waxa Ay Si Adag Uga Hadleen Falkii Xalay Ka Dhacay Magaalada Berbera Ee Lagu Dilay Gabadhii Shicibka Ahayd Isla Markaana Lagu Dhaawacmay Wiil Uu Dhalay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile. Shir Jaraaid Oo Masuuliyiinta Xisbiga Ucid Ku Qabteen […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Korontadda Laga Dhalinayo Dhaamka Renaissance oo Somaliland la soo Gaadhsiinayo

Hargaysa 12.April 2014 (SDN)-Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Janaraal Berhe Tesfaye ayaa sheegay in aanay jirin wax dhaqaale ah oo uu dibadda ka helay dhaamka weyn ee balaayiinka doolar ku kacaya ee  dab dhalinta Itoobiya,  balse  uu adduunkaasi ka imanayo  oo keliya dadka Itoobiya gudo iyo dibadba iyo muwaadiniinta dalal Afrikaan ah. Janaraal Tesfaye waxa uu sheegay in uu […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Hobolada Caanka ah ee Ikraan Jaamac oo Maanta Xoriyadeedii dib u heshay Shan Cisho oo Xadhig ah kadib

Hargaysa 12.April 2014 (SDN)-Ciidamadda Booliiska ayaa sii daayey Fanaanada Ikraan Jaamac oo ay xidheen iyada iyo Guddoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska kadib markii ay ka soo laabteen safar ay ku tageen magalaadda Muqdisho. Ka hor sii daynta Fanaanadan waxa Xukuumadda ka dalbaday in la sii daayo Afhayeenka kooxda fanka ee Xidigaha Geeska Maxamed Miyir X. Cigge […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Maydkeeda oo laga Helay Maqaaxi ay ka Shaqaynaysay oo Berbera ah

Berbera 12.April 2014 (SDN)- Alla Ha U Naxariistee Waxa Magaalada Berbera Ku Geeryootay Gabadh Magaceeda Lagu Sheegay Xamda Dheer Taas Oo Maydkeeda Sida Wararka Aanu Ku Helayno Laga Helay Makhaayad Ku Taal Magaaladaaasi. Waxa Kale Oo Wararku Sheegayaan In Uu Falkii Gabadhaasi Ku Geeryootay Uu Sababay Dhaawaca Sacad Maxamed Faarax Qabiile Oo Dhaawiciisu Culus Yahay. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ra’iisal Wasaaraha Somalia oo ka hadlay Xaaladda Cakiran ee ay ku suganyihiin Somalida laga qabqabanayo Xaafadda Islii iyo Waxa uga meel yaala Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay

12,Apr 2014(SDN/QJ)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay howlgallada ay ciidamada Kenya ku qab-qabanayaan Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay qab-qabashada ay ciidamada Kenya ku hayaan Soomaalida xaafadda Islii. Wareysi uu ra’iisul wasaaruhu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay in arrintan uu si gaar ah […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasiirka Arrimaha bulshada iyo xildhibaano Booqday Dilla

12,Apr.2014(SDN/QJ)-Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland mudane Maxamuud Axmed Bare Garaad oo ay wehelinayeen xildhibaanada degmada kaga jira golayasha qaarkood ayaa shir balaadhan la qaatay maamulka degmada iyo gudida horumarinta ee Dilla. masuuliyiin ta degmada iyo gudidaasi ayaa uga waramay wasiirka waxqabadka dhanka horumarka ah ee qurbajoogta iyo dadka deegaanku ka qabanayaan magaalada, waxaanay xuseen […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ciidamada Kenya oo laba cisho ka dib xabsiga ka sii daayay ciyaaryahan Soomaaliyeed oo u ciyaara Koox Kenyan ah

Nairobi April 12,2014(SDN)-Ciidamada dalka Kenya ayaa hawlgaladii ay ku qabqabanayeen Soomaalida Nairobi ku nool ayaa ku qatay ciyaaryahan caalemi ah oo Soomaaliyeed. Ciyaaryahan Sadiiq Cabdiqaadir oo ka mida xulka Qaranka Soomaaliyeed ee da’adoodu ka hooseyso 21 ka sanadood ayay ciidamada Kenya Xabsiga dhigeen mudo laba maalmood. Ciyaaryahan Sadiiq Cabdiqaadir ayaa u ciyaara kooxda heerka kowaad […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Kenya releases Somali star footballer

NAIROBI – An international Somali football star who plays for a top Kenyan team has been released by Kenyan authorities after being detained for two days following a security swoop conducted in Nairobi’s predominantly-Somali Eastleigh district. “I am happy to be out. I am looking forward to go back to training,” AFC Leopards striker Sadiq […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gollaha Degaanka magaalada Miineapolis oo Maalin u Qoodeenyay Soomaalida

Minneapolis April 12,2014(SDN/QJ)-Gollaha degaanaka ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa maalin u qoondeeyay Somalida Magaalada ku nool. Qaraarkan oo uu golluhu u codeeyay ayaa waxa soo jeediyay hogaamiyeyaasha  Soomaalida ee magaalada Minneapolis sida uu sheeegay Xildhibaan Cabdi Warsame. Gollaha degaanka ayaa maalinta 1da July u qoondeeyay maalinta Soomaalida Mareykanka. Maalintaa ayaa ku began maalintiii […]

Posted in Uncategorized | Read More »