Home » 4:56 pm Entries posted on “April, 2014”

Wasiirka Maaliyada ee Punt land oo Qallinka Ku Duugay Mashruuc lagu dhisayo Garoonka Garowe iyo Jaamacada Badhan

Garowe 14.April 2014 (SDN)- Wasaradda Maaliyadda Puntland ayaa maanta  magalada Dubai heshiis kula gaartay Shirkad la yiraahdo Marco oo qaadatay qandaraaska lagu dhisayo madaarka diyaaradaha magalada Garowe iyo waliba Jaamacadda magalada Baran ee Gobalka Sanaag. Dhaqaalaha lagu dhisayo labadaasi xarumood ayaa waxaa ku deeqday dowladda Kuweyt wuxuna gaaraya toban malyan sida uu sheegay wasiirka Maaliyadda […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Somalia oo ka qeybgalay baroor-diiqda weerarkii maxkamadda

Muqdisho 14.April 2014 (SDN)- Madweynaha Jamhuuriyada Federal-ka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb-galay baroor-diiq loo sameynayay weerarkii argagixiso ee sanad kahor lagu qaaday xarunta maxkamadda gobolka Banaadir. Dad kor u dhaafaya soddon qof ayaa ku dhimatay weerar ay al-Shabaab 14-kii April sanadkii hore ay ku qaadday xarunta maxkamadda gobolka ee degmada […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xadhig iyo xabadi xal miyaa? Xeer miyaa? Ma idiin xalaal baa? Mujaahid Cali Guray

Hargaysa 14.April 2014 (SDN)- “Hadii uu jiro cashar keliya oo xiligii Siyaad Barre aynu ka baranay waxay ahayd inu noqdo in xadhig iyo xabadi aanay marna xal u noqon karin dhibaatooyin qaran”. Sidaas Waxaa Sheegay Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka Somaliland ee Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray. Qoraalkan oo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland oo Beeniyay in Hay’aduhu ay Lacag Siiyaan Gacan ku dhiiglayaasha ay Xabsiyada ku hayaan {DHAGAYSO}

Hargaysa 14.April 2014 (SDN)- Taliye ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Gaashaanle Sare Xasan Cali Cawad “Xasan Cali Dheere” ayaa Maanta sheegay inaanay Waxba ka Jirin Warar bulshada lagu dhex faafiyay ee lagu sheego in Maxaabiista dilalka Gaysta lagu Naaxiyo Xabsiyada isla markaana aan la marin Qisaastii ku waajibtay. Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Waxaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Waa Xaaraan Waana Arrin Naxdin Leh In Ardayda Loo Adeegsado Rasaas Nool Iyo Jeel Sidii Cadaw Shisheeye Ah”

Hargaysa 14.April 2014 (SDN)- Xoghayaha Waxbarashada Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Axmed Cabdilaahi Maxamed (Dhagayare) oo shirjaraaid ku qabtay xarunta guud ee xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa si ba’an u cambaareeyey rasaastii noolayd ee loo adeegsaday ardaydii jaamacadda hargeysa. Xoghaye Dhagayare ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “ waxanu maanta halkan ka cambaaraynayanaa falka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Fanaanada Nimco Degan oo soo saartay hees Cusub oo la magac baxday ( Garan`waa) oo lagu xusayo Madaxwaynaha Somaliland daawasho wacan soo saristii qurbejoog

LondonApril14(SDN) Fanaanada Nimco Degan oo soo saartay hees Cusub oo la magac baxday  ( Garan`waa) oo lagu xusayo madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud Silaanyo heestan oo weka qurbejoog iiyo somdaily news ay qayb libaax ka qateen oo loogu talagay shacab waynka reer soomailand ee reer Uk Nimco oo ka hadlaysa dareenkeeda ayaa waxay qurbejoog u […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Doorka Saxaafada ee Xuska 18 May,Iyo Tabashada Shaqaalaha Wasaaradiisa {DHAGAYSO}

Hargaysa 14.April 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir oo Kulan la qaatay Shaqaale weynaha Wasaarada Warfaafinta ayaa ka Waramay kaalinta Wasaarada Warfaafinta iyo Saxaafada Madaxa banaani ay ku leeyihiin Xuska Wasiirku waxa uu ka hadlay Xuska Munaasibada Qaran ee 18 May iyo Doorka kaga beegan Wasaarada Warfaafinta iyo Saxaafada […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ra’isal Wasaare Cabdi Weli Sheekh oo Maalintii 3aad Kismaayo Jooga iyo Kulamo uu la qaatay Duqayda Jubooyinka

Kismaayo 14.April 2014 (SDN)- Raysu wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed  oo maalintii saddexaad booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta la kulmay odayaasha dhaqanka ee deegaannada Jubbooyinka. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba, waxayna madaxda dhaqanku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Yemen:Laba Gabdhood oo Soomaali ah oo nafta iska Jaray

Al-Jawf April 14,2014(SDN/QJ)-Laba gabdhood oo Soomaali ah qoxooti ku ah dalka Yamen ayaa la sheegay in ay nafta iska qaadeen. Labada Gabdhood ayaa la sheegay in mid ka mid ahi ay dab isqabadsiisay halka ta kalena ay xabad isku dhufatay. Gabdhahan oo ku noolaa degaanka Al-Jawf Ayaan  la garaneyn sababta ay isku dileen police-ka ayaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Maamulka Jaamacadda Hargaysa oo iska Fogeeyay Eedaha loogu jeedinayo inay Fee-gii Ardayda laga qaadi jiray ay kordhiyeen

14,Apr.2014(SDN/QJ)-Maamaulka sare ee Jaamacadda Hargaysa,ayaa sheegay inaanay jirin wax lacag oo ay kordhiyeen.iyaga oo intaas ku daray inay lacagtan haatan laga qaylinayaa tahay tii bilawgii Semistar-ka ayaa ahady inay ardaydu bixiyaan.waxaana sidaa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Maamulka Jaamacadu oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakadda Caalamiga ah ee Somalidiasporanews.com.waxaana uu u dhignaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »