Home » 12:09 pm Entries posted on “April, 2014”

Asbaabaha Dhaliyay in Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranku uu isku Casilay

Hargaysa 22.April 2014 (SDN)- Guddoomiyihii komishanka doorashooyinka Qaranka ciise Yuusuf Maxamed    “Ciise Xamari” ayaa iscasilay maanta, waxaana guddoomiye cusub loo doortay afhayeenkoodii maxamed axmed geele. Shir ay maanta isugu yimaadeen Xubana uu ka kooban yahay Gudiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa lagu shaaciyey is casilaada Gudoomiyihii Hore iyo kan Cusub. Waxaanay Sidaasi ku Sheegeen War saxaafadeedkan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Afhayeenka Madaxtooyadda oo ka Hadlay Xildhibaano la sheegay in laga Mamnuucay Madaxtooyada

Apr.22, 2014(SDN/QJ) – Af-hayeenka Aqalka Madaxtooyada Somaliland Md:Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa waxba kama jiraan ku tilamaamay warar sheegaya in Madaxtooyada laga mamnuucay Shan Xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland. Af-hayeenka oo u warmaayey wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in madaxtoyadu ay ku mashquul santahay horumarinta arimaha qaranka balse aanay ku mashquulsanayn shaqsiyaad. Mr:Dhuxul […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Dalka Burundi ayaa Maanta Booqasho aan Hore loo sii Shaacin Ku Tegay Magaaladda Muqdisho,Kulan la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh

22,Apr.2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa booqasho aan horey loo shaacin maanta oo Talaado ah ku tegey Muqdisho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku soo dhaweeyey Pierre Nkurunziza garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana kulankoodu ka dhacay Saldhiga ciidamada AMISOM ee ku yaala Garoonka diyaaradaha. Ciidamada dalka Burundi ee AMISOM […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Tolaay yaa muslimaay! Qallinkii: Sayid Balayax

Allahayawnin I tumay, nin ii taliyay, iyonin I tabaaleeyay. Allahayawtiirbiraankacuskaday, tamardaraantooda.   Badhtimihiiiqarnii 19 ayaawaxasoocaanbaxayxaajooyinugubooaandunidamuslimka ah horeloogaarkijirin, waxyaaboquusgaliyayumadiikudhaqnayddeegaanadamiyiga ah eekuteedsanbarigaiyogeeskaafrika, waxa ay la yaabeenhorumarkiiiyohanaqaadkiiqalabkatignoolojigaeecasrigaa ay ikhtiraaceenculimadii u badnaareergalbeedkaeefikradoodasooraacinayaygumaystayaashiikatalinayaygayigasoomaalidukuidishay. Ta kale ee ay la yaabeenwaxayahaydmakii ay isbadaleendhaqaniyocaadooyin ay kufaanijireenamaixtiraamijireenooqiimahoodiihoos u dhacay, kolaymarka ay noqotowixiikahoreeyay 1972dii markii la xardhayafkasoomaaliga, iltaariikheedkaqudhaee wax lagugaranjirayamalagusugijiraywaxayahaydgabayoamageereeroinagasoogaadhayabwaanadiimagacaiyomaamuuskakulaaabulshadii ay markaakudhexnoolaayeen. Waxaka mid ahaaMaxamuud […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gudoomiyhii Gudiga Doorashooyinka Qaranka oo Iscasilay

22,Apr.2014(SDN/QJ)-Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka qaranka Md. Ciise Yuusuf Xamari ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii guddoonka guddiga doorashada, waxase uu ku sii hadhay xubinimadiisii. Guddiga doorashada ayaa guddoomiye u doortay afhayeenkii guddiga doorashada Md. Axmed Xirsi Geele. Guddoomiye Xamari ayaan si rasmi ah loo garanayn sababta uu isku casilay, laakiin guddiga doorashada ayaa saaka saxaafadda […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dilkii labaad ee Xildhibaan lagu Khaarajiyo oo Muddo 24 sacaadood ah ka dhacay Magaaladda Muqdisho

22,Apr.2014(SDN/QJ)-Warar haatan ka imnaya Magaaladda Muqdisho Caasimadda dalka Somalia,ayaa sheegaya in Xildhibaan labaad lagu dilay maanta Magaaladaasi. Xildhibaanka ayaa lagu sheegay in lagu magacaabi jiray Cabdicasii Isaaq Ibraahim,iyada oo la sheegayo inuu dilku ka dhacay Guriga uu Xildhibaanku ka deganyahay Magaaladda Muqdisho oo ku yaalay Xaafadda Dhenkirlay.waxaana Masuuliayada Dilkaas Tuurta u ridatay Kooxad Al-shabaab ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Baadhista Danbiyada gobolka Saaxil oo Toddoba cisho u xidhan Kiiskii gabadha lagu Dilay

Berbera,22,Apr.2014 (SDN/QJ)- Taliye ku-xigeenka Ciidanka Baadhista Danbiyada Gobolka Saaxil ayaa muddo toddobaad ah u xidhan baadhista Kiiskii Dilka ahaa ee magaaladda Berbera ay ugu gaysteen Haweenayda Ninkii Xildhibaan Qabile Rasaaseeyey iyo Booliisku. Dilka loo gaystay Haweenaydaas isla markaana lagu dhaawacay Wiil uu xildhibaan Qabile dhalay ayaan wali wax go’aan ah laga soo saarin, waxaanay wararku […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Mucaaridka Syria iyo reer Galbeedka oo qaadacay Doorashooyinkaa lagu wado in ay ka dhacaan June

Dimishiq April 22,2014(SDN/QJ)-Mucaaridka dalka Syria ayaa qaadacay doorashooyinka madaxtooyada ee dalkaas oo lagu wado in ay qabsoonto bisha June ee inagu soo fool leh sadexdeeda. Mucaaridka ayaa sheegay in iyada oo dalkaasi uu ka socdo dagaal ka dhan ah madaxweyne Bashaar Al Aasad aaney macquul aheyn in hadana loo dareero doorashooyin. Mucaaridka ayaa sheegay in […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Jaaliyada West Midland iyo Safiirka Somaliland ee Britain oo ka wada arinsaday Wadada Ceerigaabo(SAWIRO)

Birmingham April 22,2014(SDN)-Jaliyada oo maanta la kulantay Safiirka Somaliland ee UK mudane Cali Aadan Cawaale kulankan oo ahaa mid uguba kaaso odayada iyo gudida wadada Ceerigaabo ee magalo madaxda labaad ee uk Birmingham kaga wada hadleen sidee loo dardar gelin lahaa arrimaha ay kamid yihiin 18 may 2014 iyo Qaadhaan ururintii wadada Ceerigaabo waxa kaloo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ethiopia Oo Muddo Toban Cisho Gudahood ah Addis Ababa Ugu Yeedhay Masuulkii Saddexaad ee Somaliland ah Si Wax Looga Weydiiyo Dhacdadii Gabiley

Hargeysa:22-April-2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa Noqday Masuulkii Saddexaad ee Muddo Toban Cisho Gudahood ah looga Yeedho Addis Ababa si wax looga Weydiiyo Dhacdadii dhawaan Gabiley kaga kaga Dhacday Saraakiisha Ehtiopian-ka. Dhacdadaas oo ay Ethiopia ku sheeganayso in lagaga Shubtay Macluumaad muhiim ahaa, ayaa hore loogu yeedhay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland si arrintan wax […]

Posted in Uncategorized | Read More »