Home » 12:24 pm Entries posted on “December, 2013”

Xukuumada Somaliland iyo Gaadiidlayda Booyadaha oo Isla Qaatay in Wada hadal ay ka Galaan Korodhka Cashuurta laga Gadooday

Hargaysa 28.Dec 2013 (SDN)- Wasiirka arimaha gudaha Somaliland  Mudane Cali Maxamed Waran-cadde Iyo Gaadiidlayda Booyadaha ee Caasimada Qaybo ka mid ah Gaadhsiiya Biyaha ayaa ku Heshiisiyay in Si Wada Jir ah ay uga wada Xaajoon doonaan Korodhka Cashuurta ay Cabashada ka Muujiyeen iyadoo la Isla qaatay in dib ay u hawl galaan Gaadiidka booyaduhu si […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Mudaharaadyo Lagaga Soo Horjeedo Surmiga Biyo La’aanta oo ka socda degmadda Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargeysa

Hargaysa 28.Dec 2013 (SDN)- Mudaharaadyo lagaga soo horjeedo biyo ;a’aan soo food saartay degmooyinka Maxamuud Haybe, Axmed Dhagax iyo Gacan-libaax ayaa ka socda degmadda Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargeya , waxaana kala xidhan jidka Total, mana jiro wax gaadiid ah oo u gudbaya dhinaca Calaamadaha iyo Sayladda midna. Dadka Mudaharaadaya ayaa walaac ka muujiyay biyo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Kulan lagu darsayo Sidii Macluumaad Sugan looga Heli lahaa Heerka ay Faro Xumaynta Haweenku ka Marayso Somaliland oo Hargaysa ka Furmay

Hargaysa 28.Dec 2013 (SDN)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa maanta magaalada hargaysa ka furtay aqoon isweydaarsi ku saabsan sidii xog sugan looga heli lahaa heerka ay Somaliland ka marayaan faro xumaynta haweenka iyo ku taccadiga caruurta. Aqoon is weydaarsigan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka suxufiyiinta ee WIJAayna ka qayb qaadanayaan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Mareykanka oo sheegay in ciidamo uga xiran yihiin Liibiya

Washington(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa markii u horeysay shaacisay in Liibiya ayaa xabsiga u taxaabtay tiro ka mida ciidamadeeda ku sugan magaalada Tripoli. Wasaarada Arrimaha Dibbedda ee dalka Mareykanka ayaa soo bandhigtay ismaandhaafka ku xeeran xadhiga ciidamadan. Afhayeenka wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka Jen Psaki ayaa sheegtay in aaney dawladeeda u cadeyn sababta ciidamadan loo xidhay. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Lagu Yasay Nairobi iyo Masuuliyiinta Kenya Oo Ka Muquurtay Soo Dhaweyntiisa

Nairobi:28-Dec-2013(SDN)-Madaxweynaha Dawladda Federlka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo khamiistii ka Degey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Nairobi, ayaan ka Helin wax Soo Dhaweyn ah Dawladda Kenya.   Madaxweynaha ayaanu haba yaraatee Hal masuul oo ka Tirsax Dawladda Kenya kaga Hortegin garoonka uu ka soo degay, waxana kaliya la arkayey iyadoo ay soo dhaweynayaan masuuliyiinta […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Dawlada Suudaanta Konnfureed oo Xabad joojin aqbashay madax mucaaridka ka midana sii deysay

Nairobi Dec 28,2013(SDN)-Dawlada dalka Koonfurta Suudaan ayaa sheegtay in ay aqbashay xabad joojin ay soo jeediyeen madaxda dawladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD. Dawlada Koonfurta Suudaan ayaa sheegtay in ay hakineyso hawlgal balaaran oo ay dib ugu qabsaneyso gobolka Unity State ee shidaalka qaniga ku ah. Soojeedinta xabad joojinta ee madaxda IGAD oo laga soo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Nabad-doon Xalay La Khaarajiyey iyo Xaaladda Deegaanka Afgoye oo Saaka Kacsan

Afgoye:28-Dec-2013(SDN)-Wararka ka soo Baxaya  Deegaanka Afgoye ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu dilay Nabadoon caan ahaa ee Deegaankaas u dhashay.   Shacabka halkaas ku dhaqan ayaa sheegaya inaan si fiican loo aqoonsan cidda ka damabysay dilka Nabaddoonka, waxana  ay sidoo kale tilmaameen inay saaka dhulkaas ka taagan tahay cabsi baahsan oo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

ALADII WASIIR WARANCADE IYO TABAALADA CISBITAALKA MAANDHAYE EE BURCO

“War xumi dugsi ma fahdiisto.” Soomaalida ayaa ku maahmhaada marka uu war foolxun oo dhiilo lihi yimaado.   Waxa Somaliland dhawaan ka baxday dhakhtaradii kali ahayd ee ku takhasustay cudurada maskaxda (dhimir ka) oo ka hawl gali jirtay cisbitaalka Maandhaye ee magaalada Burco. Dr Faadumo Sh Cali Jimcaale oo wadamada Yurub wax ku baratay, ka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Djibouti Oo Ku Dhawaaqay Inay Ciidan Dheeraad ah Diri Doonaan Somalia

Djibouti:28-Dec-2013 (SDN)-Iyadoo uu kor u kacayo Dagaalka ay ciidanka Djibouti ku hayaan  Kooxaha Al-shabaab ee Somalia ka Dagaalama,  ayuu mar Kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sheegay inuu ciidan dheeraad u diri doono.  Madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ciidamadaas ay ka ambabixi doonaan dalka Jabuuti laba ama Saddexda toddobaad ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Caynaanshaha Madaxtooyada Cabdiyada (CMC)

Horaantii Sanadkan aynu ku jirno ee 2013 ka. Anigoo arrimo badan tixgalinaya. Anigoo Sifooyin muhiim ah  xeerinaya. Anigoo qaadaa dhig, shaandheyn iyo gorfeyn qoto dheer adeegsanaya. Anigoo baadhitaano iyo daraasado ku soo wada koobay Hogaamiyeyaasha ka arrimiya amaba soo maray Gayiga Soomaalidu dagto ee Geeska Afrika, ayaan gaba-gabadii iyo gunaanadkii waxaan si niyad sami iyo […]

Posted in Uncategorized | Read More »