Home » 1:35 pm Entries posted on “August, 2013”

Somalia: It’s a Hard Task to Prevent Violation of Human Rights – PM Shirdon

Mogadishu Aug 22, 2013 (SDN) — The prime minister of the federal republic of Somalia Abdi Farah Shirdon has raised concerns of human rights violations in Somalia. “A lot of weapons out there and Alshababs presence in some parts of the country are the factors that contribute to increased violation of human rights” said Mr. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Gudida Academy-ga Daryeelka Af-soomaaliga {DHAGAYSO}

Hargaysa 22.Aug 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku qaabiley Gudida, Academy-ga Daryeelka Af-soomaaliga. Gudidan oo ka kooban 13 xubnood balse ay madaxweynaha la  kulmeen 5 xubnood oo ka mid ah gudidaasi oo kala ah. Gudoomiyaha Guddida Academy-ga Daryeelka Af-soomaaliga Dr. Maxamed Daahir […]

Posted in Uncategorized | Read More »

“Mar haday Aqalkayga Hadii laga Adkaadiyo Hadaan Raystay Idhaahdaba Marlay oohin u Tay bal maxaan Istafiiday ” Dardaarankii Abwaan Gaariye {DHAGAYSO}

Hargaysa 22.Aug 2013 (SDN)- Waa Maanso Xili kasta oo dhiilo Colaadeed ka dhex dhacdo Umad walaalo ah kana dhaxayso dhiig iyo Dhalasho loo adeegsado waa Maanso uu Alle ha u Naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye curiyay 1993kii Wakhtigaas oo uu dagaal sokeeye ka Socday Magaalada Berbera kaas oo u dhexeeyay beelo walaalo ah. Waa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweyne Siilaanyo oo dhanbaal tacsi ah u diray Ehelkii uu ka baxay Marxuun Suldaan Bare Warsame

Hargaysa 22.Aug 2013 (SDN)-Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Golayaasha Qaranka, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsi-yadaynaaya geerida ku timid SULDAAN BARRE WARSAME SHIRE oo Xalay ku geeriyooday 21/08/2013 Shil-baabuur oo daad ku qaaday Dacar-budhuq isagoo Marxuumka ka mid ahaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xaalada Deegaanka God Heeli ee Gobolka Sanaag oo Maanta Degen kadib dagaalo Shalay iyo Xalay ka Dhacay Jiidaas

God Heeli 22.Aug 2013 (SDN)-Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa si adag gacanta ugu qabtay isla markaana isku balaadhiyey deegaanadii ka tirsanaa bariga Somaliland ee ay ku dagaalameen labo ardaa oo walaalo ah oo isku deegaan ah. Iyadoo dhanka kalena ay halkaa gaadheen wufuud ka tirsan dawladda iyo ergooyin madax dhaqameedo ah. Wararka aanu ka helayno deegaanka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xadhiga ka Jaray Dugsiga Farsamada Gacanta

Muqdisho 22.Aug 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray dugsiga farsamada iyo tababarka Soomaaliyeed kaasi oo laga hirgeliyay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Dugsigan ayaa waxaa iska kaashaday dhismihiisa dowladda Denmark iyo Midowga Afrika waxaana ku baxday lacag gaareysa $147,600 dollar (Boqol afartan iyo todobo kun iyo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wafti Ballaadhan oo uu Hogaaminayo Wasiir Waran-cadde oo u sii jeedo Deegaanka Shaqaaqadu labada Beelood ku dhex martay Ee Gobolka Sanaag

Hargeysa:22-Aug-2013-(SDN)-Wafti ballaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa habeenkii xalay goor dambe ka ambabaxay Magaalada Hargeysa. Waftigan ayaa ku sii jeeda Deegaan ka mid ah Gobolka Sanaag oo shaqaaqo ku dhex martay laba beelood oo reer Somaliland ah, iyadoo ay xubno ka mid yihiin Salaadiin, wasiiro, Taliyayaal,aqoonyahanno iyo wax-garad […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo mar kale ku kala qeybsamay xaalada Syria

New York Aug 22,2013(SDN)-Gollaha amaanka ee QM aaa kulan deg dega oo ay ka yeesheen qarax dad badani oo caruurina ku jirto ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Dimishiq ee dalka Syria. Qaraxan ayaa mucaaridka Syria sheegeen in ay uu ahaa mid ay ay dawlada Syria isticmaashay hubka sida weyn wax u gumaada ee […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Weerarkii Haweenayda Reer Sweden oo Fadeexadi ka dhalatay

Muqdisho:22-Aug-2013-(SDN)-Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida ayaa saacado kadib waxay  Saacado ka dib markii ay Haweenaydaasi dhaawacantay ayey ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugiddu Gudaha u galeen Xarunta Jaamacad oo ahayd Goobtii lagu weeraray; Baadhitaanno ay ciidanka Nabad-sugiddu sameeyeen, ayaa sidoo kale lago Ogaaday inaanay jirin cid ka tirsan xukuumadda oo ka war haysay imaanshiyaha Haweenaydan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasaarada Arimaha Dibada Sweden oo ka hadashay haweeneydii lagu dhaawacay Muqdisho

Stokeholm:22-Aug-2013-(SDN)-Dowladda Waddanka Sweden ayaa xaqiijisay in haweeney Swedish ay ku dhaawacantay  weerar koox dabley ah ay magaalada Muqdisho ka geysatay, kaasoo sidoo kale lagu dilay laba qof oo kale oo Haweenaydaas la socday.   Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee  Sweden oo lagu magacaabo Camilla Akesson Lindblom, ayaa sheegtay  in dhaawaca haweeneyda la geeyay […]

Posted in Uncategorized | Read More »