Home » 6:00 pm Entries posted on “March, 2013”

Xukuumadda oo Dagaal Ku Bilowday Xisbiga WADDANI,Akhri: Warbaahinta Xukuumadda oo Qortay: WADDANI Ma Waxa Uu Noqday Ilmihii Agnaanka ahaa Ee Ku Tiraabay Waxaan Laaqiga ahayn?

Hargeysa Mar 21,2013(SDN)-Xisbiga WADDANI oo ah guri dambayska xisbiyadda Somaliland oo mudadii uu jiray ay tahay hal sano oo kaliya, waxa uu saaxada siyaasadda ku soo galay oo uu dhaqan ka dhigtay qunyar socodnimo siyaasadeed iyo deganaansho ay ku tanaadeen, isla markaana ku dhaafeen shantii urur siyaasadeed ee cusbaa ee ka qeyb galay doorashadii Goleyaasha […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta Yeeshay Kulan Xasaasi Ah (Warsaxaafadeed)

Khamiis, March 21, 2013—-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen qorshe loogu magac daray “The New Deal”, Arrimaha Amniga, iyo soo celinta hantidii dowladda gaar ahaana Warshaddihii dalka. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Faallo:Maxaa Keenay Wakhtigan Inuu Guddoomiyaha Kulmiye Miciin-Sado Shir-Beeleed? Halkay-Se Iska Shabahaan Shirarkan Iyo Is-Bahaysiyadii La Eeday Ee Ba-Hooyinka U Qaybiyey Beesha Galbeedka Iyo Waqooyiga Hargeysa?

Qofkasta oo wax ka yaqaana taariikhda ay bulshaddani soo mareen marka ugu horaysa ee uu maqlo magaca Shir-beeleed, waxa markaaba Maskaxdiisa ku soo dhacaya ama uu qaadanayaa dareen aan fiicnayn, isla markaana waxa uu xasuusanayaa Cahdi ay dadkani la noolaayeen dhibaatooyin, tabashooyin dhexdooda ah iyo godobo siyaasadeed, waxaanu qofkaasi qirayaa hadii Shir-beeleed meesha soo galo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Aktarka Reer India ee Sanjey Dutt oo Xukun lagu Riday Maxay Sababtu?

Maxkamada sare ee dalka India ayaa xukuntay mar kale acterka caanka ah ee Bollywoodka ee loo yaqaano Sanjey Dutt in dib loogu soo celiyo Xabsiga,sabab la xariirta doorkii uu ku lahaa Qarax ka dhacay Magaalada Munbai ee dalka hindia 1993. Jilaaga ayaa damiin ku maqnaa tan iyo sanadkii 2007-dii markii uu racfaan ka qaatay xukunkiisii […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Shirweynihii Dalada SONSAF oo Hargaysa lagu Soo Gabo Gabeeyay iyo Hogaan Cusub oo ay doorteen

Hargaysa 21.March (SDN)  Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa Maanta Soo Gunaanadaay Shirweynihii Sadexaad ee Dalada Ururada aan Dawliga ahayn ee SONSAF isla markaana lagu doortay hogaankii Daladaas ee Labada Sanno ee soo Socda . Shirweynahan oo ka socday Huteel Ambassador ee Magaalada Hargaysa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Khabiir Ka socda Qaramada Midoobay

Muqdisho March 21 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga Qaramada Midoobay uqaabisaln xuquuqda aadanaha oo maalmahan booqasho ku joogay Magaalada Muqdisho. Kulan labada dhinac ay wada qaateen kadib ayeey siwadajir ah ula hadleen saxaafada iyaga oo sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha ay kawada hadleen.Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Barnaamij cusub oo habeenka khamiista ka bixi doona universal tv 6:00 ilaa 7:00 fiidnimo oo la magac baxay iiwad sheekada waxa idiin daadihinaysa Fananada Nimco Degan iyo Maxamed Saxaaf Dawasho wacan

London 21March13(SDN)Barnaamijka II Wad Sheekada ayaa ah barnaamij cusub oo ay si wada jir ah u daadihin doonaan saxafiga da’da yar ee Maxamed Siciid Asahaaf iyo fanaanada Nimca Degan. Barnaamijkaan ayaa ah mid si gaar ahaaneed looga soo shaqeeyay oo ay gacan ka geysteen maamulka iyo shaqaalaha Universal TV iyo weliba farshaxaniistaha Soomaaliyeed ee Amin […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Maayar Ku Xigeenka Caasimada oo Kulan la Yeeshay Gudiyada Nabad galyada ee Hargaysa

Hargaysa 21.March (SDN)   Maayar ku xigeenka caasimaadda Hargaysa ahna ku simaha Duqa caasimadda ayaa maanta kullan la yeeshay  gudoomiyayaasha dagmooyinka iyo guddiyadda nabadgalyadda caasimadda. Kulanka oo ay ka soo qayb galeen Taliyayaasha ciidankla bilayska qaybaha Bariga iyo galbeedka  caasimada Hargeysa iyo Hogaanka howl-gelinta ciidanka Booliska, Waxa ugu horayn halkaasi  war-bixino   maayir ku xigeenka ku siiyey  […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Xuska Maalinta Biyaha Adduunka oo Somaliland si weyn looga Xusay Xili lagu Jiro abaar Xoogan

Hargaysa 21.March (SDN)  Munaasibad  lagu xusayey Maalinta Biyaha aduunka oo kubeegan maalinta berrito ee Jimcacaha ah,    ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa. Munaasibada Xuska maalinta Biyaha aduunka  oo ay ka soo qayb galeen wasiirka wasaarada Beeraha , Agaasimaha Guud ee wasaarada Qorshaynta,ku simaha agaasimaha Guud ee wasaarada Mac-danta iyo biyaha iyo […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Booliska Zampia oo gacanta ku dhigtay Muhaajireen Soomaali iyo Ethiopian isugu jira

Lusaka March 21 2013 (SDN)– Ciidamadda ammaanka ee wadanka Zambia ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 11-muhaajiriin Soomaali oo si sharci-daro ah ku soo galay dalkaasi. Muhaajiriintaas ayaa lagu qabtay Tuuladda Nakonde, xilli ay doonayeen inay kaga sii gudbi lahaayeen Caasimadda dalkaasi ee Lusaka.Gaariga ay la socdeen Muhaajiriintaas ayaa waxaa jidka u galay askar ka […]

Posted in Uncategorized | Read More »