Home » 3:23 am Entries posted on “August, 2012”

Dastuurka Cusub ee Soomaaliya oo kafaalo qaadaya xuquuqda asaasiga ah ee Ubadka Soomaaliyeed

Muqdisho Aug 09,2012(SDN)-Dastuurka cusub ee dalka Soomaaliya ee dhawaanta ay ansixiyeen madax dhaqameedka Soomaaliyeed ayaa xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed si cad difaacidiisa u qeexaya. Dastuurka Cusub ayaa oranaya waa in caruuta Soomaaliyeed aan loo isticmaali karin dagaalada,lagu shaqeysan kareyn,la dili ama jir dili karin,xaqna u leh in ay helaan waxbarasho ilaa dugsiga sare ah. Sidoo kale […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Soomaaliya oo markii u horeysay yeelaneysa Suuqa Saamiyada Ganacsiga

Nairobi Aug 09,2012(SDN)-Soomaaliya ayaa yeelanaysa suuqa saamiga ganacsiga kii u horeeyay ebid oo laga furayo dalka Kiinya dhawaan ka dibna la qorsheynayo in loo raro gudaha dalka Khaasatan Muqdisho. Ciid Maxamed oo ah safiir ku xigeenka xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa sidaa saxaafada ugu sheegay magaalada Nairobi in ay dhawaan suuqan hirgelinayaan. “Soomaalidu waa dad […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Barnaamijkii Suaalaha iyo Jawaabaha Diiniga iyo Maanta

Berlin Aug 08,2012(SDN)-Akhristeyaal waxa aan maantana halkan idiinku heynaa barnaamijkii Suaalaha iyo Jawaabaha oo aanu uga faaideysano kororsiga aqoonta diinteen Islaamka. 1-Su�aal Sheeg xilligii ay kulmeyn C/laahi Binu Xudaafa iyo Boqorkii Xukumi jiray Ruum ee Qaysar? 2-Su�aal Sheeg kumaa yiri qof walbo oo Muslim ah waxa waajib ku ah inuu dhunkado madaxa C/laahi Binu Xudaafa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Hargeysa: Madaxweyne Siilaanyo oo qaabilay Saleebaan Xagla-toosiye iyo ergo la socota (Daawo Sawirada)

Hargeysa 08, August 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergo uu horkacayo hoggaamiyihii kooxda SSC Mr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), kuwaasoo ka yimi magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray afhayeenka Madaxtooyada Mr. Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Madaxweyne Siilaanyo waxa uu weftiga uga mahadnaqay, […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Brazil oo 3-0 Ku Khaarijisey Japan (Semi Final Olympics)

  Old-Trafford-London-Olympics-July-08-2012-qurbejoog.com-Saaxiibayaal qormadeena ciyaaraha waxaynu ku lafagureynaa ciyaarahii Olymbikada wali sidii loogu talagay uga socda cariga Ingiriiska. Wayadan waxaynu ku mashquulsaneyn xagga atleytikada ama orodada bal aynu maanta jaleecno kubadda cagta iyo xaal halkuu marayo iyo wadamadii isku soo hadhay semi finalka. Haddaba ciyaarihii oo gabo-gabo ku jira ayaa waxaa Semi finalka iskugu soo hadhay […]

Posted in Sports | Read More »

Khudbadii Ra’iisul wasaaraha oo ku dhawaaqay musharaxnimada xilka Madaxweynanimada Soomaaliya

Muqdisho 08, August, 2012, waxaa  si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharaxanyahay xilka madaxaweyananimada.  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi weli Maxamed Cali Gaas, waxaan uu ka hor akhriyey kumaanan qof oo ka soo qayb gashay xaflada khudbad aad uu qiimo badan oo ka hadlaysa waxqabadkii xukuumadiisa Badbaado Qaran iyo waxa u qorshaysan inuu qabto […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Saddexda Wasiir ee Isku Jeeniga ah: Allif Kaa Qalloocdaa, Al-baqruu ku Dhibaa!!!!!Faallo W/Q. Xasan-Keef-keef

“Waxa iga su’aal ah oo aan weydiinayaa xukuumadda, haddii gogosha  ee intaas oo jeer ay dhigeen ciddi uga iman weyday, colaaddii lagaga soo horjeeday sii xoogeysaneyso,  ilaa iyo goorma ayey sii oolleysaa  gogosha nabadda ee xukuumadda Siilaanyo?. Madax-salaaxa Siyaasaddeed & Saddexda Wasiir ee Isku Jeeniga ah: Allif Kaa Qalloocdaa, Al-baqruu ku Dhibaa!!!!!  Madax-salaaxa Siyaasadeed, Dawo ma u Noqon […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Ugaadha oo Duyuurado dagaal ku weerareysa Kismaayo

Kampala August 08,2012(SDN)-Ciidamada dalka Ugaandha ka jooga Soomaaliya ee ugu tirada badankuwa ka socda Africa ee AMISOM ayaa maalinimadii shalay ukeenay Muqdisho horudhaca ciidamo cirka ah oo duyuurado dagaal ku hubeysan. Ciidamada AMISOM ayaa fulinaya qorshe qeyb ka in Soomaaliya bishan loo dhiso dawlada rasmi ah oo aan KMG aheyn. Afhayeenka ciidamada cirka ee dalka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Buugii cagaaraa ee kulmiye ku balanqaaday waa laga faa’iday boqolkiiba (90%) waanay fuleen!!!

Marka hore waxaan salaamayaa warbaahinta qiimaha badan ee noo kala tebisa wararka marka xiga waxaan dhawr jeer oo hore ku baahiyey warbaahinta in xukuumada Axmed M.siiraanyo ay gudatay waajibkeedii loo doortay kaasi oo ahaa kii ay ku balanqaaday wakhtigii doorashada ay gelaysay kuwaasi oo dhamaantood ku qoraa buugii cagaaraa ee uu soo saaray kulmiye wax […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Mahiga oo ka waramay ka bixidii madaxweyne Sheekh Shariif ee shirkii Roadmapka iyo khilaafka soo xulida xildhibaanada Beesha Dhulbahante

Niarobi August 08,2012(SDN)-Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa dhaleeceen weyn u jeediyay saxaafada Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka been sheegeen in madaxweyne Sheekh Shariif isaga baxay shir dhawaan ay Niarobi ku yeesheen sexeexayaasha dhabaha Roadmapka loo yaqaan. Shirka ayaa saxaafdu qoraal iyo muuqaalba ku soo saartay in […]

Posted in Uncategorized | Read More »