Home » 6:35 pm
Entries posted on “June, 2012”
Hargeysa 6, June 2012 (Qurbejoog.com)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maamule cusub iyo laba kuxigeen u magacaabay Kastamka Berbera. Sida lagu sheegay degreetada magacaabista ah; wasiirka Maaliyaddu waxa uu maamulaha cusub ee Kastamka Berbera u magacaabay Mr. Maxamed Cabdi Gurxan, iyadoo uu laba xubnood oo kala ah; Cabdullaahi Caydiid Jaamac iyo Saleebaan Goox […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Kabul 06, June 2012 (Qurbejoog.com/VOANews)- Qaraxyo lamaan oo dad ismiidaamiyay loo adeegsaday, ayaa ruxay magaalada Kandahar oo ku taala dhinaca Koonfureed ee dalka Afgaanistaan. Siday faafisay VOANews, qaraxyadaas waxa ku dhintay inka badan 22 qof, iyadoo ugu yaraan 50 kalena ku dhaawacmeen. Mid ka mid ah qaraxyadaasi waxa lala eegtay goob lagu badan yahay oo […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Aniga oo ah muwaaddin reer Somaliland ah, had iyo jeerna ka shaqeeya hawlaha samafalka, gaar ahaan arrimaha bulshada intooda badan mooggan yihiin, waxa aan isku xilqaamey lixda bilood ee ka hadhay sannadkan 2012 in aan ka shaqeeyo arrin dan guud ah oo aan aaminsanahay inay muhiimad weyn u leedahay guud ahaan ummadda Somaliland, taas oo […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa 06, June 2012 (Qurbejoog.com)- Shirguddoonka golaha Wakiilada Somaliland, ayaa qoraal wargelin ah u diray mudaneyaasha golahooda, iyadoo lagu adkeeyay inay waqtiga dhawraan. Qoraal kooban oo xambaarsan wargelin loo jeediyay xubnaha golaha Wakiilada, waxa lagu sheegay in kal-fadhiga 18aad ee golahaas oo muddooyinkii u dambeeyay fasax ku jiray, wuxuuna qoraalkaas wargelinta ahi u dhignaa sidan; […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Hargeysa, 06, June 2012 (SDN)- Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta loo qaybiyay ajandaha kalfadhiga 47aad ee golahaas. Fadhigii maanta oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac ayaa waxa loogu qaybiyay ajandaha kalfadhiga 47aad ee Golaha Guurtida oo ka kooban lix qodob. Waxaanay mudanayaashu gudagali doonaan qodobadaas maalmaha soo socda. Qodobada […]
Posted in Uncategorized | Read More »
London June 06,2012(SDN)-Kulan ay dhawaan isugu yimaadeen Qurbejooga beelweynta Gadhxajis ayaa waxa looga wada hadlay ficilka ay xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo isga hortaagtay Beesha Habar-Yonis kulan aayo ka tashi ah oo ay iclaamisay beeshu in ay isugu timaado magaalada Ceerigaabo. Beesha Gadhxajis ee kulankan ku yeelatay London ayaa waxa looga arinsaday sida ugu haboon ee […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Dharoor June 06,2012(SDN)-Shirkada Shidaalka ee Horn Petrolium oo hore uga hirgelisay ceel degaanka Dharoor ee degaanka Puntland ayaa maanta shaacisay in ay ceel labaad ka qodayaan degaan aan ka fogeyn kii hore. Ceelkii hore ee Shabeele ayaa qodaalkiisa waxa soo wejahay caqabad dhanka shidaal soo saarka ah. Shidaalka oo gaabis noqday iyo dhegexaan is hortaagay riigii […]
Posted in Uncategorized | Read More »
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO Dhamaan Jaaliyadaha reer Soomaaliland iyo Soomaaliya ee ku abtirsada Beel-weynta Irir Samaale ee ku dhaqan Qaaradaha Dunida khaasatan ta Woqooyiga America ayaa waxaa ay hamabalyo meher u dirayaan suldaanka guud ee Samaale Suldaan Abdikariim Farah iyo marwada uu Calmaday ee Marwo Sagal Hassan Ibraahim oo meherkoodu ka dhacay Hargeysa . Hadaba inagoo kala ah […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Ururka siyaasiga ah ee Hiil Qaran ayaa xaflad weyn ku qaban doona magaalada Ottawa ee caasimada Canada. Munaasabadaas oo dhaci doonta bishan Juun 23 keeda, waxaa ka soo qaybgalaya Madaxda sar-sare ee Hiil Qaran gaar ahaan Professor Axmad Ismaciil Samatar oo ururku u igmadey inuu uga qayb galo tartarka jagada Madaxweynaha Dalka Somalia. Ururka Hiil […]
Posted in Uncategorized | Read More »
Lawya-caddo 05, June 2012 (Qurbejoog.com)- Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ee gobolka Awdal, ayaa gacanta ku dhigay maandooriyaha Xashiishada loo yaqaan iyo laba nin oo siday. Siday idaacadda dawladdu ku warantay, labadaa nin waxay Maandooriyahaa ka soo talaabiyeen dhanka dalka Jabuuti, waxaana gacanta lagu dhigay xilli dambe oo xalay ah. Waxa la sheegay in xaddiga Maandooriyaha la […]
Posted in Uncategorized | Read More »