Home » 4:33 am Entries posted on “June, 2012”

Shabaabka oo ka baxaya aaga Afgooye iskuna urursanaya Kismaayo

Afgooye June 16 2012(SDN)-Meliishaadka kooxda Al Shabaab ayaa maalmihii u Danbeeyay ka guranayay aagag ay hore mudo sanado ah gacanta ku hayeen ka dib kolkii culeys ciidan uu uga yimi dhinacyo faro badan. Ciidamada kooxda Shabaabka ayaa barna u galeen ciidamada dawlada halka bar kalena ay isku urursanayaan magaalada Kismaayo oo ay difaac ka galeen. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Hargeysa: Suldaan ka hadlay xadhiga ilaa 45 qof oo in muddo ah beeshiisa kaga xidhan magaalada Jig-jiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Hargeysa 15, June 2012 (Qurbejoog.com)- Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah salaadiinta deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana ka soo jeeda Somaliland, ayaa si weyn u majeertay horumarka iyo mashaariicda wax-qabad ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxaanu madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mr. Cabdi Muxumed Cumar ku sifeeyay masuul isku hawlay inuu wax […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Israacii Somaliland iyo Somalia ma sharci ayuu ku fadhiyay mise sharci-darro?

Malintii Somaliland heshay madaxbanaanida 26 June 1960, malintii ku xigtay ee 27 June, golihii  xeerdajinta (Parliament)Somaliland waxay saxeexeen xeerkii israaca labada qaybood “ Union of Somaliland and Somalia law ”, oo noqonlahaa aasaaskii israac sharci iyo midnimo siyaasadeed, haddii dhinaca kale ee Somalia saxeexi lahaa. Hase ahaatee  taaasi ma dhicin oo dhiggii Somalia ma saxeexin. […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasiirka Duulista Hawada Somaliland oo heshiis la galay Shirkada Itoobiyaan Airline oo dhawaan duulimaadyadeeda dalka ka bilaabaysa

Addis Ababa, 15 June 2012 (SDN)- Wasiirka Duulista Hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa heshiis la saxeexday shirkadda Itoobiyaan Airline la xidhiidha sidii Shirkadaasi si toos ah ugu bilaabi lahayd duulimaadyadeeda Somaliland. War-saxaafadeed kazoo baxay Wasaaradda Duiulista Hawada Somaliland ayaa lagu faahfaahiyay nooca heshiiskan ay wada galeen Wasiirka iyo shirkada Itoobiyaan Airline, waxaanu u dhignaa […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Jaalliyada Somaliland ee dalka Maraykanka oo munaasibad ku qaabilay Wasiirka Caafimaadka

Washigton, 15, June 2012 (SDN) Jaaliyada Somaliland ee nawaaxiga Washington DC ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Dr.Xuseen Muxumed Maxamed, Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland. Wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa Jaalliyada Maraykanka ee Somaliland uga warramay guud ahaan xaaladda iyo horumarka uu dalku gaadhay, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka. Wasiirku wuxuu faahfaahin dheeraad  ah ka bixiyay mashaariic tiro […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Kulanka Qorsheynta Xasilinta Soomaaliya oo maanta ka furmay Djibouti

Djibouti, 15 June 2012-(SDN) Waxaa maanta magaalada Djibouti, Hotelka Kempinsk ka furmay kulanka Qorsheynta Xasilinta Soomaaliya oohalkaas ka socon doono muddo 4-cisho ah. Kulankan waxaa soo qabanqaabisay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaana Guddiga u qaabilsan Xasilinta iyo dib u heshiisiinta (National Steering Comittee). Barnaamijka ayaa waxaa fududeeyey Hay’adda mucaawinadda Mareykanka ee USAID. Kulankan waxaa ka […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Boobe Yusuf Ducaale oo Kacaankii ka dheereeyay

Hargeysa June 15,2012(SDN)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md Boobe Yuusuf Ducaale ayaa dhawaan shir jaraaid oo uu xafiiskiisa ku qabtay waxa uu uga waramay hadalo dhawaan ka soo yeedhay raiisul Wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Md Cabdiweli Gaas. Wasiir Boobe oo ka jawaabayay hadal ahaa in Somaliland iyo Soomaaliya wadahadaladoodu ku saleysnaan doonaan sidii labada dhan […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Mahiga:Qaramada Midoobey waxaay Shirka Odey-dhaqameedyada u soo Direysaa Wefdi Caalemi ah

Muqdisho June 15,2012(SDN)-Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan dalka Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa sheegay in shirka Soomaalida ee lagu qabanayo dalka dhawaan ay ka qeyb-gelidoonaan ergo caalemi ah. Shirkan Muqdisho ee dhawaanta dhacaya ayaa waxa ka qeybqaadan doona Odeydhaqameedka Soomaalida oo soo xulidoona Baarlamaanka dalka. Mahiga oo wareysi siiyay Iddaacada Shabeele ee magaalada Muqdisho […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Gaboose Xukun Ka Fog

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato. Waxa cajib ah nin siyaasi ismood ah oo ka so bixi kari waayay xil wasiirnimo ba raaba kursiga ugu saaraya ee dalka kaas oo ah madaxnimada !?,dalku miyuu xamili kara nin kolba xil ka cararaya oo mawadiniinta is qab qabanaya mar walba kaas miyuu ku haboon yahay madaxweynimo!? ma nin hanti […]

Posted in Uncategorized | Read More »

Nin u dhashay dalka Eritrea oo Maxkamad Maraykan ah u qirtay inuu gacan siiyay Al-Shabaab

Washington 14, June 2012 (Qurbejoog.com/GPost)- Maxkamad ku taala dalka Maraykanka, ayaa dambi u heshay nin u dhashay dalka Eritrea, kaasoo qirtay in kooxda Al-Shabab ay tabobar Milateri siisay. Ninkan oo la yidhaahdo Mohamed Ibrahim oo 38 jir ahi, waxa uu u dhashay dalka Eritrea, wuxuuna si buuxda u degenaa dalka Sweden, ka hor intii aan […]

Posted in Uncategorized | Read More »