|

20-Mudane Oo Soo Dhaweeyey Xilka-qaadistii Sambaloolshe, Qoddobana kasoo Saaray

Nairobi:Sep,10,2014(SDN/QJ)-Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi,  ayaa si weyn usoo dhaweeyey xilka-qaadistii Ra’isal wasaare Cabdiweli dhawaan ku sameeyey Agaasimhii Hay’adda Nabadsugidda Somalia Cabdilaahi Sambaloolshe.

agIlaa 20 Xildhibaano oo maalintii shalay kulan ku yeelatay Magaalada Nairobi, ayaa waxay kulankoodan ka soo saareen mowqifkooda ku aadan go’aankii Golaha Wasiirada ee xilka kaga qaadeen Sanbaloolshe iyo taageeradii uu taageeray Guddiga Amniga ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) oo Saxaafada la hadlay isagoo ku hadlaaya magaca 20-ka Xildhibaano, ayaa wuxuu daaha ka rogay inay taageersan yihiin xil ka qaadista lagu sameeyay Sanbaloolshe.

Waxa uu Saxaafada u akhriyay ilaa afar qodobo oo ay ka soo saareen fadhigii ay yeesheen, waxayna qodobada ka turjumayaan waxa ay kaga horyimaadeen Sanbaloolshe.

Qodobada

1 – In uu geystay falal ku xudub ah Dastuurka Somaliya, isla-markaana uu xidhay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

2 – Inay soo dhaweynayaan xil ka qaadistii ay Golaha Wasiiradu ku sameeyeen Sanbaloolshe

3 – Inay soo dhaweynayaan raaligelintii ay Golaha Wasiiradu ka bixiyeen xadhigii Xildhibaanka

4 – Inay taageersan yihiin baaqii shalay ka soo yeedhay Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Somaliya ee lagu taageeray xil ka qadista Sanbaloolshe.

Xildhibaan Goodir, ayaa cadeeyay in xil ka qaadista lagu sameeyay Sanbaloolshe uu qabo Dastuurka Somaliya, maadaama uu ka horyimid ku dhaqanka Dastuurka, sida uu  sheegay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed