|

20 June: Maalinta Qaxoontiga Caalamka Iyo Hadalka Haay’ada Qaramada Midoobay U Qaabilsan Qaxoontiga Ee UNHCR

UNHCRHargaysa:20,June,2014(SDN/QJ)-Iyada oo Maanta Laga Xusayo Guud ahaanba Caalamka 20 June,oo ah Maalinta  Qaxoontiga Aduunka,ayaa Haay’ada Caalamka u qaabilsan Qaxoontigu waxay sheegay in Dagaaladda  Aduunka ka soconaya ay sanadkan oo kaliya ay ku barkeceen dad gaadhay 50 Milyan oo Qof,oo ah tiradii ugu badnayd,uguna saraysay tan iyo waxii ka danbeeyay Dagaal Weynihii  Labaad ee Dunida.

Waxa kale oo ay Haay’adu intaas ku daraysaa in 33 Milyan oo qof oo kalena ay intay Goboladoodii ka Barakaceen ay Magan galeen Gobolo kale oo ay dulsaar ku yihiin.

Somaliya-na tan iyo Sanadkii 1991-kii markii ay Jabhado Hubasani ay Xukunkii ka tureen Dawladii Milatariga ahayd,ayaa Kumanaan Kun oo Qof waxay Noqdeen Qaxoonti u kala Hayaamay Dalalka Jaarka ah iyo Kuwa Caalamkaba.

Dalka Kenya waxa ku Taala Xirada Qaxoonti ee Caalamka ugu Weyn inta la Xasuusan yahay oo ay Ku jiraan Qaxoonti Somaliyeed,oo rajo dhigay inay dib ugu noqdaan Dalkoodii Hooyo,oo ay halakeeyeen Dagaalo iyo Khilaafyo siyaasadeed oo dhamaad lahayn.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed