|

2-qof oo Shabaab lagu eedeyay oo Kenya lagu dilay

Nairobi May 20, 2013(SDN)-Saraakisha booliska wadanka Kenya ayaa sheegay in toogasho ay ku dileen labo qof oo mid ay aheyd ruux haweynee ah oo la sheegay in ay ka danbeyen weeraro qaraxyo bambaano ah oo ka dhacay wadankaasi Kenya.

Booliska ayaa shegay in weerarka labadasi qof lagu doon donayay ay soo bilaabmatay maalinti sabtiada ayna suurta gashay maalinti axada in toogasho lagu dilo iyagoo isku dayay in ay dagalaman.

Ogastin Nthumbe taliyaha boliska eedegaanka Kasaraani ee magalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya oo shir jaraid ah qabtay kadib howlgalkaasi ayaa shegay inay hayeen maclumaadka ku aadan in labadasi qoqf ay maleegayeen weeraro ka dhaca gudaha wadankasi Kenya.

Labadasi qof oo guri ay ku jireen ay booliska ugu tageen ayaa diday in ay albaabka ay furan waxana ay weeraro bambaanoyinka gacanta lagu tuuro ku wareren saraakil howgalka wax ka hogaaminaysay taas oo sababtay in in qaar kamid ah askartii booliska ay ku dhawacmaan.

Nthumbe ayaa waxa uu sheegay in labadaasi qof ay ahaayen dad xirir la leh Xarakada al-shabab.

Xarakada al-shabab ee Somalia ayaa iyada waxa ay horey wacad ugu martay inay qal qal galin doonto amaanka wadanka Kenya tan iyo ciidamada Kenya markii ay soo galeen Somalia.

Comments are closed