|

2-Qof Oo Dhimatay Qaniinyada Masas iyo Abeesooyin iyo 14-kale Oo Dhaawacyo La Ildaran Deegaano Ka Tirsan Xeebta Somaliland

Boon:Aug,22,2014(SDN/QJ)-Degmada Boon ee Gobolka Awdal wax aka taagan qaylo dhaan la xidhiidha Bahalahaa  Qaniinyada wax ku dila oo daka Halkaas Deggen faro baas ku Haya.

abeesSida ay sheegayaan wararka kasoo baxayaana waxa Qaniinyada Masaska iyo Abeesooyinka u dhintay lab aka mid ah dadka deegaanka Halka ay dhaawacyo halis ahna u jiifa 14-kale oo isla dadka halkaas ku dhaqan ka mid ah.

Dadka dhintay ayaa la sheegayaa inay kala ahaayeen Haweenay 45-ji ah ahay iyo Nin kale oo isagana Da’diisa lagu sheegay 59-jir, kuwaas u Geeriyooaday suntii masaska iyo Abeesooyinka qaniinay.

Dadka ku nool degaanka Boon oo u dhaw Magaalada Saylac ayaa Nooca Masaskan u yaqaano Kubra yare iyo Abees gaab, waxana ay tilmaameen in dadka ay qaniinaan ay adagtahay inay Bad-qab ku kacaan.

Dadka Degaanka Ayaa Aaminsan in Masaskan Godadkooda ay ka soo saareen Biyo la’aan ka jirta Deegaanka iyo Kulaylka wakhtigan, waxana dadkan dhintay ay Bahalahani Qaniineen Xilli ay Hurdeen.

“Anigoo Socoto ah oo Habeenkii sii guuraynaya, ayuunbaan ka dul dhacay Bahalka(Maska), markaas ayuu igu dhuftay, markuu Qac igu siiyay ayaana miyir iigu dambeysay. Waxa uu igaga dhuftay Boqonka Lugta waxaanan  dareemay Dawakhaad iyo Kubabyo,Markaa waxa  I qaaday Niman ila socday oo Xanaanada I geeyay” Ayuu Axmed Cabdi Oo Mas dhaawacay u  Warbaahinta.

Abiib Axmed oo Deegaanka Boon ku noolaa in ka badan 40 Sano ayaa sheegaya in dhaawac iyo dhimashada tirada badan ee wakhtigan Masku gaystay tahay arin ku cusub degaanka,Waxan uu Tilmaamay in dadka Masku waxyeeleeyey u dhexeeyaan da’aha 45 ilaa 60 jir.

Waxa uu DR Cabdiqani sheegay inay dadkaasi kula tacaalaan Daawooyin kor u soo qaadaya Garaaca wadnaha iyo dawooyin ka badhxaya qofka suntan. Waxa uu sheegay inaanay hayn dawo ku filan dadka islamarkaana aanay gargaar meelo kale uga yimaad helin.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed