Barakacayaasha iyo Agoomaha Magaalada Laascaanood oo Gargaar kala duwan loogu Qaybiyay Magaalada Laascaanood (SAWIRRO)
Laascaanood,15july,2015(QJ/SDN)-In ka badan 300 oo Agoonta lagu xannaaneeyo xerada Agoonta ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ka mid ah ayaa loo Qaybiyay dhar si ay uga Qayb-qaataan maalinta Ciid Al-fidriga ee foodda nagu soo haysa.
Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Maamulaha xarunta Agoonta Degmada Laascaanood, Sh. Jaamac Xasan Maxamed oo faahfaahin ka bixiyay cidda ugu deegday dharkan lagu ciidsiinayo Agoonta xarunta Laascaanood. Isagoo yidhi. ”Maanta Halkan Waxaan ku guddoonsiinaynaa 300 oo Agoon ah isuguna jira wiila iyo gabdho dharkii ay ku ciidi lahaayeen. Deeqdan oo ka kooban noocyada kala duwan ee dharka caruurtu ku labisto, waxaa Alle dartii ula baxay muxsiniin sadaqo bixiyayaal ah, kuwaasoo doorbiday inay ka farxiyaan caruurta Agoonta ah ee aanu gacanta ku ahyn, dadka la baxay deeqdana waxay ku kala nool yihiin qaar ka mid ah dalalka caalamka.”
Sidoo kale, waxaa iyagana halkaas ka hadlay Qaar ka mid ah Culummada Diinta oo ay ka mid ahaayeen; Sheekh Aadan Weli Cabdi Xuseen iyo Sheekh Aadan Cali Nuur oo dhammaantood sheegay sida ay ugu Qanasan yihiin talaabada agoontan looga farxiyay. Iyagoo intaas ku daray inay soo dhaweynayaan dadaallada lagu caawinayo agoonta iyo dadka jilicsan oo sii kordhaya sanadba kan ka dambeeya.
Waxaa iyaguna hadlay Qaar ka mid ah Waalidiinta iyo Agoonta iyagoo muujiyay dareen-kooda ku aaddan sida ay ula dhacsan yihiin deeqda lasoo gaadhsiiyay oo ahayd mid waqti ay baahi weyn u qabeen lagu soo beegay.
Dhinaca kale, Hay’adda HASS Foundation oo Hoostagta Shirkadda Shidaalka ee HASS Petrolium oo fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa iyana deeq raashin ah ugu qaybsay Magaalada Laascanood dad kasoo cararay colaadaha dalka Yemen ka socda.
Barakacayaashan loo qaybiyay gargaarka ayaa ahaa 58-Qoys, kuwaasoo muddo ku sugna Magaalada Laascaanood, iyagoo raashinkan oo isugu jiray; Bariis, Bur, Baasto, Saliid iyo Timir, kaasoo ay ku deeqday hay’adda Hass.
C/Casiis Axmed Cismaan oo ah Mas’uulka Hay’adda Hass Foundation ayaa xusay inay diyaar u yihiin inay dhibka la Qayb-sadaan Walaalahooda kasoo barakacay colaadaha dalka Yemen; isagoo ugu baaqay dadka iyo Hay’adaha kaleba inay dadkan caawiyaan.
Ugu dambeyn, Qaar ka mid ah Barakacayaashii ka faa’iideystay deeqdan ayaa u sheegay iyaguna warbaahinta inay soo dhaweynayaan deeqda, ayna u mahad-celinayaan hay’adda HASS oo soo gaadhsiisay deeqdan raashinka ah.