|

17-burcad badeed Soomaali ah oo lagu Maxkamadeeyay dalka Yemen

Mukalla Feb 05 2013 (SDN)– Maxkamad ku taala magaalo xeebeedka koonfur bari dalkaasi ee Mukalla ayaa xukun ku riday gelinkii dambe ee shalay 16 ka mid ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Xukunka 16-ka burcad badeeda ayaa la sheegay inuu yahay 10 sano oo xabsi,waxaana xukunka uu yimid kadib markii ay qirteen inay weeraro ka geysteen biyaha dalkaasi Yemen,sida ay qortay wakaalada wararka ee Saba ee dalka Yemen.

Sidoo kale dhalinyaro kale oo Soomaali ah ayaa waxaa lagu xukumay xabsi gaaraya 5 sano oo xariga ah kuwaasi oo iyagana burcad badeednimo lagu eedeeyay.

Eedeysanayaasha ayaa qirtay inay afduubteen doon kaluumeysi oo laga leeyahay dalkaasi Yemen iyo shaqaalaheedii taasi oo maraysay biyaha dalka Yemen ee gacanka cadmeed.

Laakiin wakaalada wararka ee dalka Yemen SABA ma aysan cadeyn dhalinyaradaasi burcad badeeda ah xiligii ay qabteen ciidamada badda ee dalkaasi Yemen.

Dowlada Yemen ayaa xertay dad badan oo Soomaali ah kuwaasi oo lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo sanadii lasoo dhaafay ku xooganaa biyaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

Sanadkii lasoo dhaafay bishii May ,dowlada Yemen ayaa sheegtay inay qabatay 14 burcad badeed Soomaali ah,iyaga oo ku xiran xeebaha Jaziirada Socotra oo ku taala gacanka cadmeed.

Ku dhawaad 25 kun oo markab ayaa sanad kastaa mara biyaha gacanka cadmeed,waxaana biyaha xeebaha waqooyi ee dalka Soomaaliya loo aqoonsaday dunida inay tahay halka ugu daran ee kooxaha burcad badeeda ka geystaan afduubka maraakiibta.

Comments are closed