|

Wasiirka Cayaaraha Oo Warbixin Ku Saabsan Nidaamka Cayaaraha Siiyey Gudida Arimaha Bulshada ee golaha Wakiilada

qqaadd

Hargeysa 2/9/2014 (SNN/QJ)- Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in Wasaaradda ahaan ay u qorshaysan tahay Siyaasadda cusub oo lagu maamulayo Nidaamka Ciyaaraha Somaliland. Wasiirka oo kulan wax lagaga weydiinayay Masuuliyaddiisa Maanta la yeeshay Guddida Arrimaha Bulshadda ee Golaha Wakiiladda ayaa kulankaasi ka dib TVga KALSAN warbixin ka siiyay qodobadda lagaga wadda-hadleen kulankaasi. Geesta kale Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshadda Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ayaa sheegay in Guddi ahaan uu Wasiirku warbixin ka siiyay wadda-shaqaynta ka dhaxaysa Dhalinyaradda . Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa horaantii Sanadkan si ku meel-gaadh ah u magacawadday todoba Xubnood oo masuul ka ah Ciyaaraha Olanbikadda Somaliland.

Hargeisa SDN/QJ

Maxamed Aadan@Qurbejog.com

Concat@somalidiasporanews.com

Comments are closed