|

15-Kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Uganda Ugu Jira AMISOM Oo Shaqada Laga Caydhiyey

Kampala:Nov,06,2014(SDN/QJ)-Hoggaanka Guud ee Militeriga Dalka Uganda, ayaa shaqada ka caydhiyey ugu yaraan 15-sarkaal oo ka tirsanaa ciidankooda ka midka ah AMISOM, iyadoo sababtuna tahay Musuqmaasuq lagu eedeeyey.

maskSaraakiishan oo u tababarnaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxaa qaarkood lagu hayey inay Ciidamada Uganda ee ku biiraaya Amisom ay lacago badan kaga qaataan, si ay uga mid noqdaan Xoogaga Amisom ee mushaarkoodau bixiso Beesha Caalamka.

Saraakiisha kale, ayaa iyana lagu helay inay la seexan jireen haweenka ka mid ah askarta reer Uganda ee Amisom ku jira, waxana arrintaas si weyn uga Biyo diiday Hoggaanka sare ee ciidamada AMISOM.

Taliyaha Ciidanka Militariga ee Uganda General Katumba Wamala, ayaa waxa uu xaqiijiyay in 15 ka mid ah Saraakiisha Militariga Uganda shaqada laga joojiyay, masuqmaasuq ay ku kaceen awadeed, sida uu sheegay.

Taliyaha oo u waramay Warbaahinta afka Dowladda Uganda ku hadasha, ayaa sheegaaya in Saraakiisha shaqada laga eryay ay ka mid yhiin Taliyaha Dugsiga Tababarka ee Singo Brigadier Jack Bakasumba iyo Taliyaha Tababarka ee Kolonyada Gaashaaman, Brigadier Francis Chemonges.

Uganda, ayaa billihii ugu dambeysay waday baadhitaano ka dhan ah Saraakiishaan, iyadoo ugu dambeyna ay shaqada ceydhisay, markii ay Maxkamadi ku heshay cadeymo la xidhiidha eedeymihii loo heystay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed