|

Maayarka Caasimada Hargaysa oo Furay Tartan Ciyaareed oo Abwaan Xaaji Gujis lagu Maamuusayo

qq
Hargaysa 18 july (SDN/QJ)- Maayirka Caasimadda Hargeysa, C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa xalay furay tartanka kubadda kolayga ee caasimadda Hargeysa, kaas oo uu ugu deeqay koobkii ay ku tartamayeen. Tartankan ayaa lagu maamusayey Abwaanka Caanka ah Xuseen Jaamac Rooble Gujis, kaas oo ay sheegeen inuu ka mid ahaa bahda ciyaartoyga, isla markaana dhalinyaradda dhiirigalin jiray, sidaa darteed ay ugu talogaleen in tartankan lagu xasuusto guubaabaddii dhalinyarada uu u hayey. Munaasibadda lagu furayey tartankaasi ayaa waxa ka soo qaybgallay maayirka Hargeysa, xildhibaanada golaha deegaanka iyo golaha Wakiiladda, agaasimaha ciyaaraha iyo dhalinyaradda, la taliyaha wasiirka ee arrimaha Ciyaarha iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha xidhiidhkaKubadda Kolayga Maxamuud Xuseen Cabdilaahi ayaa sheegay in tartankan ka qaybgallayo toddoba kooxood oo ka mid ah kooxaha ka jira caasimadda Hargeysa, waxaanu xusay in sanad walba tobaneeyadda dambe ee Ramadaan la furi jiray tartankan. Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda Kolayga Maxamuud ayaa sheegay inuu Maayirku qayb libaaxle ka qaaday bixinta khrashkii lagu tagay tartankii caasimaddaha Bariga Afrika ee Taansaaniya ka dhacayey kaas oo xulka magaaladda Hargeysi ka qaybgashay,isla markaana uga mahad celinayo taageerada uu siiyo kubadda Kolayga oo uu sheegay inuu hore maayirku uga tirsanaan jiray. Agaasimaha wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyaradda Maxamed Xuseen Dhabeeyo ayaa maayirka uga mahadnaqay taageerada uu mar walba la garabtaagan yahay ciyaaraha, waxaanu yidhi “aad baan ugu faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo tartankan lagu xusayo abwaankii caanka ahaa ee Xaaji Gujis oo ka mid ahaa abwaanada taageerada weyn u geysan jiray ciyaaraha, waxa kale oo aan uga mahadcelinayaa taageerada uu maayirka Hargeysa la garabtaagan yahay ciyaaraha, waxa kale oo aan u mahad celinayaa xildhibaan Ismaaciil Cago yare oo qayb weyn ka qaatay hirgalinta koobkan” Maayir Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa sheegay inuu bahda CIyaaraha u hayo garoomo badan oo lagu ciyaaro, isla markaana dhowaan ku wareejin doono wasaarada ciyaaraha, sidoo kale waxa uu sheegay inuu gacanta ku hayaan Garomada Maxamuud Haybe, gacan libaax iyo garoonka Biyo dhacayga Sare oo laga dhigi doono garoomo KUbadda Kolayga. Ciyaaraha qayb weyn baanu ka qaadanaa, ciyaaraha Basketka waxaanu wadnaa garoonkii Maxamuud Haybe oo waxyari ka hadhsan yahay dhamaystirkiisa, garoonkii biyo dhacayga sare isaguna qiimeyntiisa ayaanu wadnaa, kuwo kubada cagta garoonkii xawaadle waanu dhisnay, imika waxaanu gacanta ku haynaa kii gacan libaax oo lagu xigsiin doonaa ka Maxamuud Haybe” “Run ahaaniti dhul badan ayaanu ugu talogalay in laga dhigo garoomo, anagu dhul Garoomo lag dhigo waanu idin haynaa ee dhaqaalahayaga oo koobandarteed ma wada dhisi karnoee waa inaad qayb qaadataa dhismayasha garoomadda, Abwaankan lagu xusayna markii igu horeysya e aan arko garoonka timacada cade ayuu dhex taagnaa, garoonka lagu ciyaaraha Abwaan Timacad lagu magac daray marka waa inaynu mar walba xasuusano Abwaanadeenna”ayuu raaciyey hadalkiisa Sidoo kale waxa uu sheegay in ciyaartoygii ka qaybgalayey tartanka caalamiga ahaa ee Taansaniya inay kharashkeedad iska kaashadeen Dawlada HOose, Madaxweynaha iyo wasaarada CIyaaraha. Sidoo kale, XIldhibaan Ismaaciil Cago yare oo ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka Hargeysa,xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo kamid ah ciyaartoygii kubadda kolayga, ayaa dhamaantood u mahad celiyey dadkii ka qaybqaatay ee uu Maayirku hormoodka u ahaa furitaanka tartankan. Intaas ka dib maayirku waxa uu koobkii ku wareejiyey gudoomiyaha xidhiidhka kubadda kolayga   Hargeisa SDN/QJ Maxamed Aadan Qurbe jog Concat@somalidiasporanews.com

Comments are closed