14 Sanno Kadib oo Gacanta Xukuumada Somaliland la soo Geliyay Gacan Ku Dhiigle Dilay Taliyihii Saldhiga Booliska ee Oodweyne
Oodweyne 14.March 2014 (SDN)- Gacan ku dhiigle Cabdi Jaamac Bide 14 Sanno ka hor dilay Taliyihii Ciidanka Booliska ee Magaalada Oodweyne ayaa Maanta loo soo Gacan geliyay Xukuumada Somaliland.
Gudoomiyaha Gobolka Daad Madheedh Jamaal Xuseen Hure oo Khadka Telefoonka ugu Waramayay Shabakada Wararka ee Qurbejoog.com ayaa Sheegay in Soo Gacan Gelinta Gacan ku dhiiglahani ay ka danbeeyeen Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani , Madax dhaqameedka Reerka uu ka soo Jeeday Gacan ku dhiiglahani, kuwaas oo Go’aansaday in Gacan ku dhiigle Cabdi Jaamca Bide lagu soo wareejiyo Xukuumada Somaliland.
Gudoomiyaha Gobolka Daad Madheedh Jamaal Xuseen Hure Waxa uu Xusay in markii uu Gacan ku dhiiglahani dilay Taliyahaas Wixii ka danbeeyay ay dhaceen laba dil oo aano ah waxaanu Gudoomiyuhu u Mahadceliyay Cid kasta oo ka qayb qaadatay hawshan waxaanu sheegay in bulshada ku dhaqan Gobolkaasi ay si Weyn u soo dhaweeyeen u soo Gacan gelinta Xukuumada ee Gacan ku dhiiglahan oo fure u noqon doona sidii aano danbe uga dhici lahayn gobolkaas.
Gudoomiyaha Gobolka Daad Madheedh Waxaa kale oo uu Sheegay in Dilkii u danbeeyay ee ka dhacay Degmada Xaaji Saalax loo hayo 7 Xubnood oo uu ku Jiro Gacan ku dhiiglihii dilka Gaystay.
Saddex dan dil ee aanada ah ayaa laba ka mid ah loo kala dilay laba taliye iyo qof ganacsadde ah .
Oodweyne SDN.
Qurbejoog.com