|

13-kamid ah Dadkii Dhawaan Ku Dhaawacmay Hutel Central Oo Saaka Dibadda Loo Diray

lisMuqdisho:March,01,2015(SDN/QN)-Xukuumadda Somalia, ayaa saaka diyaarad gaar ah ku qaadday 13-qof oo kamid ahaa dadkii dhawaan ku dhaawacmay Qaraxii Hutel Central, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad aad u liidatay.

Saaka ayaa dadkan laga qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana loo qaaday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo xaaladooda caafimaad lagu soo dabiibaayo, maadaama dhaawacyadooda ay cuslaayeen.

Wasiirka caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed oo Saxaafadda kula hadashay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixisay sidii dadkan ay u heli lahaayeen caafimaad dalka dibadiisa ah.

Waxa ay sheegtay in ugu dambeyn maanta dadkan loo qaaday dalka Imaaraadka Carabta oo lagu soo daaweynaayo, waxa ayna ALLAH uga barisay inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Sidoo kale Wasiirka Arimaha dibada Soomaaliya C/salaam Cumar Hadliye, ayaa dhankiisa sheegay in Garoonka Muqdisho ay ku sii sagootiyeen dad gaadhaya 13-ruux oo shacab  u badan oo ku dhaawacmay weerarkii Shabaabka ay ka geysteen Hoteelka Central 20-kii Bishan.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa hore u balan qaaday inay dalkeeda u qaadeyso dadkii ku dhaawacmay weerarkii Abaabulnaa ee Hoteelka Central oo madax iyo shacab intaba dhibaato ay kasoo gaadhay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed