|

13 Arday Soomaaliyeed oo la gudoon siiyey abaal marino Qaali ah wadanka Uk Daawo Sawirada

London Feb 11,2013(SDN)-13 Caruur Soomaali ah oo ku nool wadanka Uk ayaa helay abaal marino qaali ah kuwaasi oo shan ka mid ah ay ku mutaysatay xifdinta quraanka kariimka halka sideeda arday oo kale ay iyagane kaalmaha koowaad ay ka galeen iskuulada ay dhiganayeen isla markaana ku wanaagsan barashada diinta islaamka.

Goobta ay xaflada ka dhacday oo ahayd ayaa soo buux dhaafiyey boqolaal qof oo isugu jira Siyaasiin u dhalatay ingiriiska iyo wasaarada waxbarashada Uk iyo weliba Waaliidiin, aqoon yahano iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed kuwaasi oo dhamaantood sheegay in ay barnaamijkani uu yahay kii ugu weynaa ee ebed ka dhaca wadanka.

Abdi Hafiid Mohamud Jaamac oo ah madaxa barnaamijka Arimaha Bulshada ee Tv-ga universal oo aan qadka taleefoonka kula xariiray in ardayda Soomaaliyeed ay noqdeen sanadihii lasoo dhaafay kuwo kaalmaha koowaad ka galo wadanka Uk isla markana Ardayda ay yihiin kuwo ku wanaagsan Dhanka Diinta Islaamka iyo Maadiga.

Barnaamijkani oo abaal marin lagu gudoonsiinayey 13 Arday Soomaaliyeed ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Tv-ga Universal gaar ahaan barnaamijka arimaha bulshada wuxuuna ahaa barnaamijkii ugu weynaa uguna horeeyey ee lagu qabto Magaalada London.

W/Q Mohamed Muse Noor (Deeq Darajo).

Comments are closed