|

11kii April iyo Furashadii Boqorkii Shinnida!

Waxaa Maanta oo ay bisha 12ka April goobo Xamar ku yaala looga dabaal degayaa waxa loogu yeedhay maalintii aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidankaas oo maanta la xusayo oo badi shacbiga Soomaaliyeed ay u aqoon san yihiin kuwii masuulka ka ahaa qaran jabkii ka dhacay dalkeena, iyada oo ay ka baaqsadeen inay dalka hooyo ka qabtaan kaligii taliyihii haligmay ee Siyaad Barre. Sidoo kale Ciidankaas xoogga dalka la odhan jiray waxa ay sumcadiisii dhimatay markii uu shacbigii uu difaaci lahaa dib ugu soo jeestay ee uu xasuuqay in badan oo shacbiga Soomaaliyeed ka mid ah. Hadaba maqaalkan hoose waxaan ku xusi doonaa dhacdo yaab leh oo Magaalada Hargeysa ka dhacday habeen loo dabaal degayay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed taariikhdu markay ahayd 12kii April 1983kii.

Waxay ahayd dhamaadkii sanadkii 1982kii markii ay Itoobiya ka abuurmeen dhaqdhaqaaqii xaq u dirirka ahaa ee ururkii SNM, xiligaas waxaa Itoobiya isugu yimi saraakiil door ah iyo siyaasiyiin debadaha ka yimi oo ay ujeedadoodu ahayd sidii ay u bilaabi lahaayeen halgan lagaga hor tago xukuumadii haligantay ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa oo xasuuq iyo xumaato ku la dhaqmaysay shacbigii ku noolaa wixii loo yaqaanay gobalada waqooyi xiligaas.

Si hadaba uu ururka SNM u helo taageero gudaha ah iyo mid debada ahba, una muujiyo awoodiisa ayaa waxa uu go’aansaday in uu hawlgalo milatari ka fuliyo dalka gudahiisa, waxaana qorshayaasha dagaal ee laga fulinayo gudaha dalka ay ujeedadiisu ahayd naafaynta cadawga, argagax galinta dawlada iyo muujinta la muujinayay in aan shacbiga gobolada waqooyi marnaba raali ka ahayn xasuuqa iyo xad gudubka ay xukuumadii siyaad barre ku haysay shacbigeedii miskiinka ahaa. Hadaba Ururkii SNM waxa uu go’aansaday inuu talaabooyin milatari ku fuliyo qaar ka tirsan madaxdii dhagar qabayaasha ahayd ee shacbiga xasuuqaysay, waxaa markaas SNM ay gudahii dalka usoo dirtay saraakiil milatari oo SNM ka tirsanaa.

Bishii Decembar ee sanadkii 1982kii ayaa waxaa Tuulaha Gaashaamo oo Bariga Itoobiya ku taala ay SNM ay kasoo dirtay laba sarkaal oo kala ah: Mujaahid Cabdi Salaan Turki Maxamuud oo imika dalkan UK ku nool iyo Mujaahid Cabdilaahi Askar Barkhad oo dhawaan ku geeriyooday Hargeisa.

Waxa labadaas sarkaal ee naftood hure ay soo mareen dhulka hawdka ah, waxaana ay dhinaca koonfureed kasoo galeen Magaalada Burco, muddo gaaban kadibna waxay usoo dhaafeen dhinaca magaalada Berbera, iyaga oo markii danbana usoo gudbay Magaalada Hargeysa. Ujeedada ay labadaas sarkaal Hargeysa u yimaadeen waxay ahayd laba ujeedo oo kala ah:

A. Inay isku habeeyaan oo isku dubarridaan saraakiishii ciidanka dawlada ku dhex jiray ee ay filayeen inay dawlada kasoo horjeedaan, iyaga oo waliba bar tilmaameed ka dhiganayay inay qadiyda SNM ka dhaadhiciyaan saraakiishii milatariga ahayd ee asal ahaan kasoo jeeday beelihii taageeri jiray ururkii SNM.

Ujeedada kale ee ay u socdeen labadaas sarkaal waxay ahaayeen inay khaarajiyaan taliyihii qaybta 26aad ee waagaas oo ahaa Gen. Maxamed Xaashi Gaani oo dhawaan dalka Kenya ku geeiyooday.

Hadaba muddo afar bilood ku dhow markii ay magaalada Hargeysa ku dhuumaalaysanayeen ee ay hawlahoodii si fiican oo qarsoodi ah ay u wadaan, laba habeena ay ka hadhsan tahay inay khaarajiyaan Maxamed Xaashi Gaani ayaa nasiib darro dhacday oo waxa ay Dawladu si lama filaan ah ay gacanta ku dhigtay Muj. Cabdilaahi Askar Barkhad, taariikhduna waxay ahayd sagaalkii bishii April ee sanadkii 1983kii.

Waxaa taasi ay noqotay dhacdo argagax badan oo ay ka murugoodeen dadweynihii taageeri jiray ururkii SNM, waxaana ay guul lama filaan ah u noqotay maamulkii dawlada, gaar ahaan taliyihii qaybta 26aad gacan ku dhiigle Maxamed Xaashi Gaaani oo markiiba u damaashaaday inuu gacanta ku dhigay wax uu ku magacaabay BOQORKII SHINIDA oo uu ula jeeday Cabdilaahi Askar oo ahaa sarkaal sare oo SNM ka tirsanaa. Gaani waxa uu markiiba damaashaadkiisa gaadhsiiyay maamulkii muqdisho gaar ahaan kaligii taliyihii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Markiiba talo ayaa ku cadaatay dadkii taageeri jiray SNM waxaana ay aamineen in maalmo yar gudahood Cabdilaahi Askar badhka la taagi doono oo toogasho lagu dili doono, nasiib darro dadweynahaasi may lahayn wax awood ah oo ay ku caawin karaan Maxbuuskaas SNM oo iyaga ayaaba xasuuq iyo xadgudub lagu hayay. Cabdilaahi Askar waxaa markiiba loo qaaday Xarunta Miiska saraakiisha , waxaana lagu wareejiyay ciidan xoog u hubaysan oo laga soo kala qaaday xeryihii kala duwanaa ee qaybta 26aad ay ku lahayd magaalada Hargeysa.

Waxaa markiiba Cabdilaahi lagu bilaabay jir dil iyo garaacis aad iyo aad u daran, taasoo xanuunkeeda aanuu qiyaasi karin qof aan gacanta u galin askartii naxariista darnayd ee loo carbiyay ku tumashada xuquuqda aadamaha ” mar kaliya ayay igu boobeen qoriga dabadiisa iyo caaradiisa, waxay igu garaaceen kabahii waaweynaa ee ay xidhnaayeen, daqiiqado gudahoodna jidhkayga oo dhan dhiig ayaa ka dareerayay, waxaanan dhulka galgalanayay aniga oo miyir doorsoomay” sidaas waxaa yidhi Danjire Cabdilaahi Askar oo aan ka waraystay sidii loo jir dilay ee loola dhaqmay markaas la qabtay.

Waxaa jidhkiisa lagu gubay dab ololaya, waxaa laga garaacay Ilkaha waxaana markiiba laga soo tuuray todoba ilig, waxaana la jabiyay shan feedhood iyada oo si naxariista ka fog looga garaacay xididada iyo xubnaha dareenka, waxaa taasi u dheeraa tiiq-tiiqsi iyo ku digasho uu Gaani la dul yimi Cabdilaahi oo dhiig ka da’ayo.

“Waxaad ahayd sarkaal bilad haysta oo xorayntii Goday masuul ka ahaa, waxaanad ka tagtay Ciidankaagii kuliyada milatariga ee Ameerika kuu diray, maxaad iga filanaysaa” Sidaas waxaa yidhi gacan ku dhiigle Gaani oo ul yar gacanta ku haysta waardiyayaashiisiina ay la socdaan ayuu yidhi Cabdilaahi Askar

Cabdilaahi Askar oo taahaya jidhkiisuna uu aad u damqanayo ayaa ugu war celiyay Bilada geesinimaan ku helay ee been been la iima siin, waxbarashada Maraykan la iigu dirayna imtixaankaan baasay ayaan ku tagay ee garab iyo qabyaalad toona la iiguma dirin, Ilaahay ayaanan wax ka fishaa ee aadami waxba kama fisho ayuu Cabdlaahi cod hoose ku yidhi.

Waxaa markiiba uu Gaani wargeliyay afartii waaxood ee Hargeysa ka koobnayd waxaana uu u sheegay in uu gacanta ku dhigay Boqorkii Shinida ee SNM, waxaana uu dadweynihii reer Hargeysa Gaani u balan qaaday inuu Maxbuuskaas keeni doono Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Magaalada Hargeysa oo lagu qaban jiray xaflada debaaldega wixii loo yaqaanay xuskii 12ka April oo ahayd Maalintii la aasaasay wixii la odhan jiray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee majaro habaabay.

Xiligaas dadweynaha reer Hargeysa ee isu diyaarinayay inay xafladaas ka qayb galaan waxay badidoodu sii diyaarsadeen dhagxaan, budad iyo Middiyo si ay ugu dagaal galaan habeenkaas intii taagooda ah, taasina waxay ahayd talaabo is miidaamin ah oo halis ahayd.

Xadhigaas Cabdilaahi Askar waxa uu ka cadhaysiiyay Geesigii Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo ahaa Gaashaanle Dhexe oo ka tirsanaa xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM.

” Ilaah ha u naxariistee Ibraahim Koodbuur waxa uu si qarsoodi ah uga tirsanaa ururkii SNM, waxaana uu ahaa nin haybad leh oo ay tix galin jireen ciidamadii dawladu” Sidaas waxaa yidhi Cabdilaahi Askar oo aan waydiiyay su’aal ku saabsanayd in Ibraahim Koodbuur uu xidhiidh hore la lahaa SNM iyo in kale.

Xaalada rajo ama filasho ee Cabdilaahi uu filanayay waxa uu cawaaqibkiisu noqon doono markaas uu miiska saraakiisha ku xidhnaa oo aan su’aal ka waydiiyay Cabdilaahi waxa uu ku jawaabay ” Qadarka Ilaahay waa meeshiisa, laakiin anigu waxaan ahaa oo aan filanayay in jeelkan aan ka bixi doono iyada oo aan ku kalsoonaa in aan leeyahay rag awood u leh inay naftooda u huraan badbaadintayda” waxaana uu Cabdilaahi ii sheegay in uu mar walba sugayay goorta ay albaabka kasoo gali doonaan geesiyaal badbaadiyaa.

Laba Cisho markii uu Cabdilaahi ku xidhnaa miiskii saraakiisha ee ay taariikdu ahayd 11kii April ee sanadkii 1983kii saacaduna ay tahay shantii iyo badhkii galabnimo ayaa waxa rumowday riyadiisii.

Waxaa xeradii soo daf yidhi ciidan uu Hor kacayo Ibraahim Ismaaciil Koodbuur oo uu la socdo Cabdisalaan Turki Maxamuud oo isaga markii hore ay Cabdilaahi Askar wada socdeen, waxaana markiiba bilaabmay muran gaaban oo dhex maray Ciidankii Ibraahin Koodbuur watay iyo kuwii dawlada ee miiska saraakiisha ilaalinaayay, daqiiqado gudahoodna waxaa bilaabantay xabad aad u kulul oo
dhex martay labadii Ciidan.

Waxaa goobtii ku naf waayay sodomeeyo ciidankii dawlada ka tirsan, Ciidankii Ibraahim Koodbuur uu hor kacayayna waxaa ka dhintay Ilaah naxariistii jano ha siiyee geesigii Biixi Xaaji Xasan oo ku dhintay meel ku qabsan huteelka Hargeysa Kilaab. Waxaana dhaawacmay geesigii kale ee Siciid Cabdi Dalabay.

Markiiba qolkii uu ku jiray ayaa Cabdilaahi ay kala soo baxeen waxaana ay ku soo qaateen gaadhigii ay wateen, waxaana ay kor usoo qaadeen wadada tagta Isha Boorama iyaga oo ka soo dhex dhacay dalcada Ina naxar, wax yar ka dibna waxay uga sii gudbeen Masalaha halkaas oo dhinaca koonfureed kaga beegan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxaana goobtaas ay ku tukadeen laba ragcadood oo salaatul-shukrri ah.

Hadana waxay kor usii qaadeen dhinaca Gumburaha iyaga usii gudbay dhinaca tuulaha Gumar halkaas ayaanay isga hor yimaadeen ciidankii dawlada oo kasoo kala baxay tuulooyinka Bali Cabane iyo Bali Gubadle, goobtaas ayaanay dagaal la galeen ciidamadii Dawlada, waxaana halkaas ay ku dileen lix askari oo ciidankii dawlada ka tirsan.

Markii danbe ayay soo gaadheen tuulaha Xarshin ee ku yaala gudaha wadanka Itoobiya, halkaas ayuu ku dhintay geesigii dhaawaca ahaa ee Siciid Cabdi Dalabay Rabi naxariistii jano haka waraabiyee.
Halkaas ayaana Geesigii Ibraahim Koodbuur iyo kooxdii la socotay ay ka sii wadeen halgankii xaq u dirirka ahaa ee SNM, waxaana uu Ibraahim Koodbuur ku geeriyooday tuulaha Rabaso ee dalka Itoobiya sanadkii 1987kii Rabi Naxariistii jano haka waraabiyee, waxaana uu noqday oo uu muujiyay geesinimo aad u sarraysa isaga iyo geesiyaashii kale ee la socday, dhacdadaasina waxay taariikhda reer Somaliland ka gashay baal dahab ah.

Waxa dhacdadani ay qalbi jab iyo naxdin ay ku riday Gaani iyo Maamulkii Siyaad Barre oo kui fashilmay in ay Cabdilaahi Askar qabashadiisa ay ku faanaan.

Taariikhdan iyo taariikho badan oo kale waxay iftiiminayaan dariiqii dheeraa ee loo soo maray Xorriyada ay Somaliland maanta haysato.

Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
kaysar@europe.com

FG: Macluumaadka qoraalkan ku jiraa waxa uu ku dhisan yahay Waraysi aan la yeeshay Allah ha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Askar Bishii April ee sanadkii 2002 xiligaas oo Marxuumku ahaa Safiirka Somaliland u fadhiyay dalka Itoobiya, waxaana uu ku sugnaa marka aan warysiga ka qaaday.

Comments are closed