|

10 Qodob Oo Heshiiska Wareejinta Guddoomiyenimada Xisbiga Waddani (Cirro Iyo Jirde) Kaga Wanaagsanaa Heshiiskii Dhiggiisa Ahaa Ee Kulmiye (Siilaanyo & Muuse Biixi)

Hargaysa 25.October 2016 (SDN/QJ):-Heshiiska Guddoomiyaha Ku Meel-gaadhka ah Ee Xisbiga WADDANI loogu wareejinayo Mustaqbalka dhaw Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde waa guul siyaasadeed oo u soo hoyatay guud ahaan Qaranka, gaar ahaanna Gobollada Hawd & Maroodi-Jeex.

cirro-iyo-cabdiqaadir-jirdeHadaad barbar dhigto Kii dhiggiisa ahaa ee Xisbiga KULMIYE la galay Gobolka Gabiley iyo Maroodi-jeex ee Muuse Biixi kula wareegayay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Waxaan eegi doonaa 10 qodob ama arrimood oo heshiiska WADDANI kaga wanaagsanaa kan KULMIYE waxaanay kala yihiin:

  1. Labadda heshiisba waxay ahaayeen doorashooyin Kadib. (Inkastoo muddo kordhin iyo teeram dabadii iyo waliba dagaal ba’an kadib Mujaahid Muuse Biixi Cabdi guddoomiyenimada lagu wareejiyay).
  2. Heshiiska Kulmiye waa lagu kala jabay halka ka WADDANI abuuray xulafo cusub iyo dardar hor leh oo xisbinimo.
  3. Heshiiskan waxaa si rasmi ah looga ansixiyay Golaha dhexe ee WADDANI halka kii Kulmiye ahaa mid afkuun laba siyaasi ka wada galeen oo aan haba yaraatee marin wax nidaam xisbi ah.
  4. Heshiiska Kulmiye Uma Ogolaan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Guddoomiye Ku Meel-gaadh ah Halka Jirde uu sii noqonayo Guddoomiye ku-meel-gaadh ah doorashada ka hor.
  5. Heshiiska Jirde wuxu dhacay iyadoo beeshiisu hore aanay Xulafo uga ahayn Waddani halka Kii Muuse Biixi Cabdi uu dhacay iyadoo Beesha Muuse Biixi ilaa 2003-dii oo Kulmiye dhacay ay ahayd udub-dhexaadka iyo taageerayaasha xisbiga.
  6. Heshiiska Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde wuxuu galay iyadoo xisbiga WADDANI aanu hal tartan-gelin halka Ka Kulmiye uu Yimid isagoo Axmed Siilaanyo dhacay oo doorashadii hore ku guul darraystay.
  7. Heshiiska Xisbiga WADDANI ee Xildhibaan Jirde wuxuu yimid iyada oo aanay jirin Fursad Kale Oo Meel Ka bannaani, Kaalintii beesha Hawd ku lahayd Xisbiga Kulmiyena la dafiray isla markaan Xisbigii Xaqsoor hadhistiisii uu Kulmiye ku lug lahaa. Halka heshiiskii Kulmiye la galay Muuse Biixi ay jireen fursado kale.
  8. Haddii heshiiska Xisbiga Waddani ee Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ay Ku lammaan tahay jago xisbi oo la yidhaa “Hogaamiye” lana qeexay shaqooyinkeeda, heshiiskii Kulmiye Muuse Biixi la galay waxa wehelinaysay Jago Qayru-dastuuri ah oo ahayd “Raiisul Wasaarenimo”.
  9. Heshiiskii Kulmiye sidiisii iyo waqtigiisii toona lama fulin halka ka Waddani ay tahay in la dhowro waqtiga.
  10. Heshiiska jirde ee Waddani beesha uu ka soo jeedo Xildhibaan Jirde si kal iyo laab ah ayay u soo dhawaysay halka Beesha Muuse Biixi aanay xataa xilligaa la galay wax badan ka odhan heshiiska Kulmiye.

Sidaa markaa tahay waan ku hambalyeynayaa Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde sida waayo-aragnimada siyaasadeed iyo miisaanka leh ee heshiiska u galay. Sidoo kale waxaan bogaadinayaa niyadsamida iyo Kalsoonida uu Waddani u muujiyay.

Mana jirto sabab loo liido heshiiskaas ama loo dacaayadeeyo marka aynu ognahay heshiiskii Kulmiye la galay Muuse Biixi ee isna ahaa doorashadii 2010 kadib, siduu ku fulay iyo taariikhdiisana aynu ognahay.

Dacaayadaynta heshiiska ee taageerayaashaa Kulmiye waxa weeyi keliya inay og yihiin saamaynta togan ee arrinkani ku yeelan doono ololaha Xisbiga Waddani.

Waxaanan Kula talin lahaa xisbul xaakimku inuu waqtiga kooban ee hadhay kaga fikiro istaraatiijiyado uu kaga gaashaanto waranka guusha ee ay Waddani, Jirde iyo reer Hawd soo ganneen.

 

“Waxba Yuu Xeerkay Ii Marin Xoolana i Siine, Xaasha’e Nin libin kaa xisdiyay Xumihii Waa Yaab”.

Qalinkii: Xamse Cabdiraxmaan Khayre

Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI

Hargeysa, Somaliland

Comments are closed