|

1-sanno oo laga joogo dilkii Ikraan Tahliil oo Soomaaliya muran ka dhaliyay

Habeennimo 26 June oo saacadu aheyd 8-dii Fiidnimo ayaa Ikraan la waayay, xilligaas oo ay ka soo baxday guriga ay deganeyd oo ku dhow Xarunta Nabadsugida ee Habar Khadiijo ee magaalada Muqdisho, markaas oo ay Kaamirada Qarsoon soo qabatay, iyada oo gaari sii galeysay.

Gabadhan oo madax ka ahayd qaybta dambi baadhista internet-ka ayaa waxaa soo shaac baxay warar sheegaya in la dilay.

Hay’adda NISA oo ay ka tirsanayd ayaa lagu eedeeyay in ay dilkeeda mas’uul ka yihiin, inkastoo ay dhankooda iska fogeeyeen. Xog kasoo baxday Nisa ayaa lagu sheegay in baaritaanno la sameeyay lagu ogaaday inay Ikraan afduubteen Al-Shabaab kaddibna dileen.

Hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeedana beenisay inay ku lug lahayd maqnaashaha iyo dilka gabadhaas, taasoo sababtay in uu jah wareer badan hadheeyo  kiiskan.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee ay la kulantay dowladdii hore ee Soomaaliya oo sabab u noqday in xilka laga qaado Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, iyadoo Kiiska Ikraan uu wali ka furan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana ka jira isku tuur tuur badan oo dilkeeda iyo waayitaankeeda.

Sanad guurada koobaad ayaa imanaysa xili NISA uu madax ka yahay Mahad Salaad oo kiiska gabadhan si wayn ugu ololeeyay, balse goor danbe dilka gabadhaa isaga laftiisa uu ku eedeeyay agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Comments are closed