|

Zimbabwe: Kuma Ayaa Bedeli Doona Robert Mugabe

Zimbabwe 13.Dec 2015 (SDN/QJ)-Shirweynahii sanadlaha ahaa ee Xisbiga xukuma Dalka Zimbabwe ee Zanu-PF party ayaa Maalintii Doraad ee Jimacaha ka furmay  caasimada dalkasi iyadoo dhaqaale burburka dalkaasi ka jiraa noqon doono ajendaha ugu weyn ee lagaga hadli doono shirweynaha, waxase’ halkaa ah su’aasha iska soo dabo noqonaysay ee ah ‘kuma ayaa Mugabe Uga dambaynaya Kursiga Madaxweynaha?’

ZimbabweIllaa hadda ma jirto cid la isla wada ogyahay oo dastuurku sii magacaabay, iyadoo ay jirto in aanu Madaxweynuhu sii wadan Karin hawlahiisa.

Madaxweyne Robert Mugabe waxa uu Maalintii Arbacada sheegay in xisbigu khatar ugu jiro inuu qaybsamo oo kala jabo, isagoo ku eedeeyey garabyada xisbiga ee iska soo horjeeda inay mas’uul ka yihiin kala qaybsanaanta xisbiga ku soo fool leh, yagoo isu diyaarinaya inay ugu dambaynta isaga uga dambeeyaan shaqada.

 

Isaga oo aan cidna magaceeda soo hadal qaadin, Madaxweyne Mugabe waxa uu u sheegay gudiga dhexe ee Xisbiga ZANU-PF inay jiraan kooxo guruubo ah oo dhoolatuskooda si cad iyo si qarsoodi ahba u soo bandhiga, kuwaas oo danaynaya inay xejistaan boosaska muhiimka ah, dareenadaas oo uu ku sheegay madaxweynahu inay werwer ku hayaan kartida xisbiga, isagoo arintaa ka hadlayayna waxaa hadaladiisii ka mid ahaa sidan: ‘waxaa la sheegayaa inay kooxahan xisbiga ka wada tirsani noqdeen kuwo ka dambeeya hogaaminta xisbiga, Hogaamintooda oo aan si rasmi ah u caddayn, iyagoo jecel inay arkaan iyagoo ah hogaanka Xisbiga, markay taasi jito waxaynu waajahaynaa dhibaato keenaysa in xisbigu khatar u yahay kala qaybsanaan’.

 

Warbaahinta maxalliga ah ee Dalka Zimbabwe ayaa maalmahii u dambeeyey faalooyin ka bixinaysay arintan iyagoo badankoodu isku raacay in Xaaska Madaxweynaha oo lagu magacaabo Grace Mugabe ay dabo taagan tahay oo la shaqaynayso ololaha ay wadaan xubnaha lagu magacaabo G-40 oo ah dhalinyarada xisbiga  ka tirsan oo ka mid ah dhinacyada xisbigu u qaybsan yahay iyada oo ku dhiirrinaysa inay galaan tartanka loogu jiro buuxinta booska odaygeeda marka uu ka baxo, si ay u fashiliyaan madaxweyne ku xigeenka Emmerson Mnangagwa.

 

Mnangagwa,oo ah siyaasi leh naanayso kala duwan oo ay ka mid tahay “Yaxaaska” oo sanadkii dhowaa jagada Madaxweyne xigeenka ka bedelay ninkii xilkaa uga horeeyey ee Mujuru ayaa weli loo badinayaa inuu yahay ninka qaban doona shaqada Robert Mugabe, laakiin Mnangagwa, oo 73 jir ahi waxa uu rajaynayaa in musharaxnimadiisa doorashooyinka Madaxweynanimo ee 2018 shirweynaha lagaga dhawaaqo.

Madaxweyne Mugabe oo xiligan 91 jir ah ayaa soo xukumayey dalkaasi tan iyo markii uu xornimadiisa ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska sanadkii 1980, iyadoo xisbiyahanada Zanu-PF weli sii danaynayaan in Madaxweyne Mugabe uu mar kale tartamo, inkastoo weriyaha Al-jazeera qaybta hoos tagta shabakadda African Media Agency Haru Mutasa  oo ku sugan biyo dhacyada Victoria oo shirku ka socdo uu ku soo waramayo in aanay dadweynaha caadiga ah ee wadankaasi kalsooni ku qabin caafimaadka hogaamiyaha ugu wakhtiga dheer Afrika.

Bishii December ee sanadkii hore ayay ahayd markii madaxweyne Mugabe uu xilka ka tuuray ku xigeenkiisii ay tobanka sanadood wada shaqaynayeen oo ahaa nin isu dhigay inuu bedeli doono Mugabe, isagoo xiligaa eedayn looga dhigay inuu xisbiga kooxo u kala saarayo, eedayntaas oo uu diiday Mujuru.

 

Comments are closed