|

Zambia: Hogaamiye Mucaaradka ah oo La xidhay (Gaadhigiisa ayaa wadada u furi waayey gawaadhidii siday Madaxweynaha)

Zambia 16. April 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha Guud ee  Xisbiga Mucaaradka ah ee UPND ee dalka Zambia ayaa lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay booqashada mamnuuca ahayd ee uu jeelka ugu tegay gudoomiyihii Xisbiga Hakinde Hichilema oo xidhan.

Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UPND waxa uu warbaahinta u sheegay in Boolisku qabteen oo xidheen Xoghayahii guud ee Xisbigaasi Steven Katuka, xilli uu ku sii socday saldhig booliska lagu tababaro uu ku xidhn yahay Gudoomiyihii Xisbigoodu Mr Hichilema.

Geoffrey Bwalya Mwamba, Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka Zambia waxa uu ka deyriyey xaalada caafimaad ee Gudoomiyaha,isagoo ku eedeeyey Xukuumada in loo diiday dawooyinkii uu Mr Hichilemau baahnaa.

dhankeedana gabadha afhayeenka u ah Booliska wadankaasi Easter Katongo waxay sheegtay in mamnuucida la saaray booqashada gudoomiyaha mucaaradka ahi ay tahay mid aan rasmi ahayn, laakiin ay tahay xeelad lagu kala horayo oo lagu fududaynayo dadka faraha badan ee doonaya inay hal mar soo wada booqdaan Hogaamiyaha mucaaradka.

Hogaamiyaha Mucaaradka Zambia, Hichilema iyo shan xubnood oo ilaaladiisa gaarka ah ayaa lagu eedeeyey in gaadhigoodu haad siin waayey oo wadada u furi waayey kolonyadii gawaadhida ahayd ee gelbinaysay gaadhiga madaxwenaha  Edgar Lungu bishan 8-deedii xilli uu booqanayey magaalada Limulungu oo ilaa 12 Mile u Jirta Magaalada Mongu, oo ah xarunta gobolka Galbeedka Zambia.

Comments are closed