Zambia : Dad aan la garanayn oo Dhismayaasha dawlada Gubaya iyo Xukuumada oo Xaalada Degdeg ah ku talo jirta.
(Todobaad gudihii waxaa la gubay boqolaal meheradood iyo tobaneeyo dhismayaasha dawladda ah)
Zambia 23. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka Zambia Edgar Lungu ayaa ku dhawaaqay dhamaadkii Todobaadkan in uu ku soo rogi doono wadankaa xaalad degdeg ah hadii aanay dadku joojin dhismayaasha dawlada ee ay waxyeelaynayaan.
Madaxweynaha oo u Waramayey Wargays ka soo baxa Caasimada waxa uu sheegay in mudooyinkii dambe ay soo baxeen dad doonaya inay cabasho ka muujiyaan xukunkiisa, kuwaas oo dariiqo khaldan u maraya isla markaana dab qabadsiinaya xarumaha dawlada iyo xafiisyada ay xukuumadu shacabka ugu adeegto, waxana hadaladiisii ka mid ahaa sidan: ‘ hadii ay sii socdaan falalkaasi kama hakan doono in aan xaalad degdeg ah ku soo rogno wadanka, ka dibna xabsiyada loo taxaabo dhamaan kuwa falalka kharbudaada ah ku dhaawacaya maslaxadda guud ee qaranka’. isagoo intaa raaciyey in hadii dadkaasi moodayaan inuu isagu kaftamayo ay sii wadaan gubitaanka dhismayaasha dawladooda ka dibna ay ogaadaan waxa dhaca.
Hadalka madaxweynaha ayaa jawaab u ahaa falal muddo todobaad ah ruxay guud ahaan dalkaasi kuwaas oo lagu waxyeeleeyey qaar ka tirsan dhismayaasha Dawlada oo la gubay, iyadoo illaa 120 meheradood oo suuqyada caasimada Luzaka ku yaallay dab la qabadsiiyey, sidoo kalena la gubay shan dhismayaasha maxkamadaha ah oo ku yaalla meelo ka mid ah wadankaasi, iyadoo dhismahii u dambeeyey ee la gubo uu ahaa mid ay lahayd Maxkamada Magaalada Mongu ee Gobolka Galbeedka Zambia, Booliskuna waxay sheegayaan in dabkan oo ay bilaabayaan dad aan la garanayn ay dalka ku keeni karto xaalad argagax leh, iyaguna ay ku talo jiraan inay baadhitaanada ay wadaan ugu dambaynta ku ogaadaan dadka ka dambeeya falalkan.