Yuusuf Garaad Oo Ka Damqaday Sawirrada Dhiifta Leh Ee Warbaahintu Adeegsato
Muqdisho:July,04,2014(SDN/QJ)-Saxafiga/siyaasiga Caanka ah ee Somaliyeed Yuusuf Garaad Cumar Axmed, ayaa ka Hadlay Sawirrada aan Murugada leh ee Marmarka qaarkood ay saxaafadda Soomaalidu baahiso.
Yuusuf Garaad ayaa wax laga murugoodo ku tilmaamay in saxaafadda somalidu si fudud oo xilkasnimo darro ah iskaga Adeegsato sawirro qof dhintay oo waliba jidhkiisu googo’ay amaba dhex yaalla Goobo aanay Haboobayn in dadku ku dhex arkaan, isla-markaana Agagax iyo fajac gelinaya qofka arka.
Waxa uu kala dardaarmay wariyayaasha Soomaaliyeed inay ka fiirsadaan sawirrada ay baahinayaan, maadaama ee dhibka iyo murugadu ka muuqato, isagoo kala dardaarmay inaanay marnaba si fudud Baraha internetka u gelinin muuqaallo dadka dareenkooda wax yeellay, isla-markaana ay xurmeeyaan Xuquuqda qofka dhintaa leeyahay.
Warbixinta Yuusuf Garaad ayaa sidatan u qornayn:
Maalmahaan la sooman yahay ayay soo bateen dilalka Muqdisho. Dhowr iyo toban ruux ayaa Muqdisho lagu dilay dhowrkii maalmood ee bishan Barakaysan ee Ramadan. Waxaa u dambeeyay, Xildhibaanka Shalay la dilay. Dhammaantood Allah ha u naxariisto.
Qofku marka uu dhinto wuxuu leeyahay xuquuq ay ka mid tahay in sharafta iyo heybaddiisa la dhowro.
Waxaan sawir qaadayaasha oo ay ku jiraan weriyayaasha, booliiska iyo goobjoogayaasha sita mobile-ka caaqilka ah aan u soo jeedin lahaa in ay ka fiirsdaan sawirrada ay qaadayaan iyo sida ay u adeegsanayaan.
Ma ahan in wax aanad raalli ka ahaateen in lagugula kaco ad adigu kula kacdo qofka dhintay oo aan isagu yac iska dhihi karin.
Ma ahan in sawirro laga qaado qofka oo dhiig dhex yaalla, indhuhu ay rogan yihiin, afka kala haya amaba dhambacaad u dhacay ama laga yaabo in uu si kale oo aan munaasab ahayn u yaal, meel aan munaasab ahayna dul yaal.
Haddii ay dhacdo in sawirro noocaas ah ama kuwo ka sii xun aad qaaddo fadlan ha soo dhigin baraha internetka.
Tan labaad waa in laga fiirsado goorta iyo sida loo sii deynayo ama loo shaacinayo magaca marxuumka.
Waa in la isku dayaa in ehelkiisa la wargeliyo, ka hor inta aan saxaafadda laga sii deyn magaca marxuumka.
Ilaaheey naguma keeno, ee bal qiyaas adiga oo internetka iska dhex mushaaxaya in uu kugu soo baxo sawirka aabbahaa, hooyadaa, walaal, xaaskaaga, ninkaaga ama saaxiibkaa oo ay haddaayay kuugu dambeysay laakiin hadda dhiig dhex yaalla aadna arkeyso in uu meyd yahay?
Mas’uuliyaddan waxaa iska leh saxaafadda, howlwadeennada caafimaadka, booliiska iyo dowladda. Sidoo kale shacabka oo dhan ayay tahay in ay ka qeyb qaataan xaq dhowrka marxuumka iyo ehelkiisa.
SDN/QJ