Yuusuf Cabdi Gaboobe Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Tallaabada Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland Ku Oggolaadeen In Websayt-kii Haatuf.net Hawada Laga Saaro
Hargeysa:18-April-2014(SDN)-Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Xayiraadda Xukuumaddu Dabada ka Riixayso ee ay Shirkadaha Isgaadhsiintu Hawada Kaga Saareen Websayt-kii Haatuf.net oo uu wargeysku lahaa.
Yuusuf Cabdi Gaboobe oo u warramayey idaacadda VOA-da ayaa sheegay inaan Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa uu waraaq u qoray Shirkadaha, taas oo uu ugu sheegayo inay si degdeg ah Hawada uga Saaraan Websayt-kaas, taasna ay si yar u aqbaleen shirkadaha is gaadhsiintu.
Waxa uu xusay Yuusuf inaan waxba maamul ahaan aan lagala socod siini xayiraadda la saaray Websayt-ka oo uu ahaa Go’aan u dhexeeyey Shirkadaha isgaadhsiinta iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Faysal Dhagodhago, “Nalooma keenin wax qoraal ah oo lagu sheegayo xayiraaddan dambbe ee Websayt-ka la Saaray. Xukunka nalagu riday iyada oo aan gartayadii la qaadin, ilaa imika maxkamad nalooguma yeedhin, ciddii mudiciga nagu ahayd ayuun baa la dhegaystay oo nalagu xukumay, annagana waxba cidi nama ay weydiinin, Nalama siin fursad aanu wax ku caddayno,” ayuu yidhi Yuusuf cabdi gaboobe.
Guddoomiye Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa uuTallaabooyinkan is daba yaallay ee xukuumaddu albaabada ugu laabtay Wargeyska iyo shabakaddiisiiba ku tilmaamay mid lagu curyaaminayo xorriyatul-qawlka iyo madax bannaanida saxaafadda Somaliland, waxana uu yidhi
.“xalka waxanu u aragnaa in dawladdu ay joojiso tacaddigan ay ku qaadayso xorriyatul qawlka Somaliland. Tallaabadan u dambaysayna waxanu u aragnaa tallaabo nacasnimo ah”
Tallaabada ay xukuumadda Somaliland Albaabada ugu laabtay Wargeyskii Haatuf ayaa ahayd mid si weyn looga cambaareeyey Meelo baddan oo caalamka ah, waxase u qaadan waa Noqotay middan Haatan ay shirkaduhu ku qaateen Amarka Maxkamadda ee Websayt-ka Hawada Somaliland lagaga Saarayo.
S.D.N/QJ
Hargeysa