|

YUSUF GULED GOOD BEENALE WADAL BEENALE DR CAGAWEYNE WAA NIN JIRA EE KA MADAXWEYNAHA IYO QARANKABA BEENTA!!!!

Salaan ka dib. Wuxuu yidhi Caydilihii reer Burco Dahab Shiil baa bad galey…. Walee mid nacasa oo wax soo malmaluuqey ayaa bad galey!!!!

 

Anigoo ku tashadey inaan iska seexdo, ayaan ileyn waa la iigu daw galaye waxaan soo qaatey Lap Top yar oo meel halkana yaaley.  Sidii caadadu ii aheyd waxaan is idhi bal hada isha sii yara mari mari wararka iyo faalooyinka ama fariimaha ama, war iyo wacaal wixii ay qoreen ama sii daayeen imanadii Alla yaqaamada ahaa ee maamuli jirey mareegaha aadka loo akhristo sida Hadhwanaag, Qarannews, Oodweyne,qurbejoog, togdheer, Halbeeg, Boramanews, iyo qaar kale oo badan sida kuwa maagista u sameysan sida waagacusub iyo meel kale oo afaf kale wax ku qorba!!!.

 

Muuse Biixi oo odayeeyey, Kii Waagacusub oo yidhi D.shiil baan maxkamad kaga garhelay, Qarannews  oo soo qortey islaan odaygeedii oo Madaxweyne ah ku leh dadkii oo gadoodsan ayaa inagu wareegsan ee meeshan Qasriga ah inaga soo eri iyo odeygii oo runta is diidsinaya, Hadhwanaag oo sidii lagu yaqaaney dhawr Wareysi oo diirdiiran soo dhigtey.

 

 

 

Anigoo iska baashalaya ayuunbaan arkey wax akhlaaqada qoraalka iyo ashaxa dadnimada ka fog oo mid aan is idhi malaha lamaba dhalin uu qorey. Waa fariin iyo aragti uu nin masuula oo Qaranka xil u haya si fool xun ugu wareerayo. Maalin kasta dadka xilka haya waa la wareera oo anigaygan cid iga weeran badani ma jirto, lakiin tiisu waa inan gumeednimo, waa wixiishnimo, waa akhlaaq xumo waa edab daro. Wuxuu si indha la`aan u qoray wax ka reeban anshaxa Saxaafada iyo akhlaaqada suuban. Diinta islaamka iyo dadimadaba ka baxsan

 

Magaciisa wuxuu ku sheegay Yusuf Guled Good…!!! Oodweynenews oo ka mida mareegaha loogu akhriska badan yahey inta Somalilandersku qoraan ayaa iyagoo tix galinaya qofnimadiisa waxey sii daayaan fariintiisa uskaga ah. Lakiin xaga hoose ayey kaga afeefteen in fariintu isaga u gaar tahey.

 

 

 

Waxaan is idhi wuxuu ahaa  tuugta meelaha wasaaradaha ah ku kalahda ee lacagta xaaranta ah ka qaadata dabeed Agaasimaha Wasaarada Dr. Cagaweyne ayaa qoorta ku dhegay oo ku yidhi “ Ka Fuq Alle ku soo qabaye xoolaha umada”

 

Wuxuu qoraya erayo aanan ku dhicin inaan halkan ku qoro, balse kala garanmaysaan inuu Oyayo, inuu Cabanayo, inuu xaasid yahey, inuu wax barayayo. Wixiisu waa boorash, caana boodhe, dhuxul, saliid iyo taydh la isku waalaqey.

 

 

 

Waxaan ku soo xidhiya,  dr Yusuf Guledow beenale wadal beenale ayaad tahey, Agaasimaha Wasaarada Xanaanada Xooluhu waa nin Dr, ah waa nin xora oo aan dan ka laheyn oohintada, Waxan iyo reerahan aad magacooda meesha ku qoreyso ee aad leedahey wuxuu yidhi Sacad Muuse iyo Ciise Muuse ayaa meesha cuni jirey, hadii ay jirto oo Sacad Muse iyo Ciise Muuse ay meesha dadka kaga badanayeen waa xaq inuu dadka dalka leh u qaybiyo shaqooyinka meesha yaala, hadii aad taa diido waxaad tahey nin dulmi iyo cadaalad daro u doodaya, mana soconayso.

 

Waxaan ku leeyahey ka daa Madaxweynaha beenta aad u sheegayso iyo oohintan aad barooranaysoo, weliba ceebtadan aad qorayso ee qaybtii kowaad ilaa tii 5aad soo wado ee wasmada iyo cayada iyo qoodho la jaqayo ku soo qoreyso iska jooji oo wax nin weynu ku hadlo ma aha ee kala jooji!!!!.

 

Alla mahad leh

 

Osman Omar Dool

 

Oslo Norway

Comments are closed