Yurub Oo Diyaaradaheeda Rakaabka Wax Ka Beddelaysa Kadib Halaaaggii Ka Dhashay Diyaaraddii Germanwings
Frunkfort:Mar,27,2015(SDN/QJ)-Kadib masiibadii ku Habsatay Diyaaraddii Germanwings eek u dhacday Buuralayda Alps ee Waddanka Faransiiska, ayey qaarkamid ah Shirkadaha diyaaradaha Qaaradda Yurub shaaciyeen inay wax ka beddelaan shuruucda ay raacaan Duuliyayaashu.
Baadhitaano la sameeyay kadib ayaa la xaqiijiyay in Diyaarada Germanwings si ula kac ah uu usoo riday duuliyaha labaad ee diyaaradaasi, kadib markii uu albaabka ka xidhay Duuliyaha koowaad oo musqul u baxay xiligaasi .
Shirkadaha Diyaaradaha ayaa hore usoo saaray sharci la xidhiidha in la xidho qolka ay duuliyaasha diyaarada ka wadaan wixii ka dambeeyay weerarkii 11-septemper ee ka dhacay Dalka Mareykanka, weerarkaa oo diyaarado loo adeegsaday.
Qaar kamid ah Shirkadaha Diyaaradaha Dalalka Yurub ayaa hada shaaciyay in ay wax ka badal ku sameynayaan nidaamkii hore ee ahaa in la xidho qolka diyaarada laga wado maadama ay soo baxday cabsi la xidhiidha in halka duuliye ee ku hadha qolkaasi uu gudaha ka xidhan karo uuna halis abuuri karo.
Shirkado diyaaradeed ay kamid yihiin Norwegian, EasyJet iyo Air Berlin ayaa shaaciyay in ay badalayaan nidaamkii hore u dagsanaa , waxa ayna shirkadahan sheegeen in hada kadib aan la ogolaan doonin hal duuliye looga tago qolka laga wado Diyaaradaha.
Qaar kale oo kamid ah Shirkadaha Waa weyn ee Diyaaradaha ayaa iyagana sheegay in ay ka fekerayaan in ay isbadal sameeyaan, waxaana jira shirkado iyana sheegay in ay kusii adkeysan doonaan nidaamkii hore.
Diyaarada Germanwings ee ku dhacday buuraha Alps ee Dalka Faransiiska waxaa ku dhintay 148-qof uu ku jiro duuliyihii ka dambeeyay in ay diyaaradaasi dhacdo, waxaana hada jirta cabsi hor leh oo lasoo daristay dadka diyaaradaha ku safra.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com