|

Yuhuudda Oo Ku Dhawaaqday Tallaabo Cuno-qabatayn Horleh Lagu Saarayo Falastiin, kadib Horumar Siyaasadeed Oo Dawladaha Carabtu Bilaabeen

Jerusalem:Jan,04,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Yuhudda, ayaa ku dhawaaqday tallaabo hor oo lagu ciqaabayo Dawladda iyo shacabka reer Falastiin, taas oo ah inay Gebi ahaanba joojinayso lacago cashuur ah oo ay u ururin jirtey Falastiiniyiinta.

tahrYuhuudda, ayaa tallaahadan cuno-qabataynta ah Sabab uga dhigtay iskudayga ay Falastiiniyiintu ku doonayaann inay xubin kaga noqdaan Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC-da.

Xukuumadda Israa’iil ayaa ballan qaaday in ay tallaabo degdeg ah arrinkaa ka qaadeyso, waxaana ay marka hore badhtilmaameedsatay dakhliga Falastiiniyiinta.

Israa’iil ayaa ururisa canshuuraadka u soo xarooda maamulka Falastiiniyiinta, waxaana taasi ay qeyb ka tahay heshiis kumeel gaadh ah oo ay labada dhinac hore u galeen.

Canshuurtaasi oo bil waliba gaadha in ka badan boqol milyan oo dollar, ayaa ah dakhli aad muhiim ugu ah maamulka Falastiiniyiinta.

Shaqaalaha maamulkaasi ayaan hadda heli doonin mushaharkooda bishii December, maadaama ay Yuhuuddu ku Gooddiday inay lacagtaas joojisay.

Saacib Erekat oo ah mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Falastiiniyiinta ayaa tallaabada Israa’iil ku tilmaamay ciqaab wadareed sharci darro ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiaporanews.com

 

Comments are closed