|

Yididiilada Qarameed Madaxweyne Siilaanyo Ha Ku Lammaaneeyo Ficil Dhab Ah!

Hargaysa 23. February 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Sabtidii todobaadkan waxa uu magacaabay Guddi ka kooban 17 xubnood oo aqoontooda iyo khibradooda uu ugu xulay  oo uu u igmaday inay noqdaan Guddida aqoonsi raadinta Somaliland.

Guddi-la-magaacabayGuddidan la magacaabay  oo ka kooban 18 qof oo xul ah waxa guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha dibadda Sacad Cali Shirre, waxa ku jira xubno ka mid ah Wasiirradii hore ee wasaaradda khaarajiga soo maray. Waxa shacbiga naruuro gelisay in lagu soo daray Guddidan Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Xoghayaha warfaafinta xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaalle (Boobe) waxaanay arrintani bixisay yididiilo qarameed oo la xidhiidha inaanu madaxweynuhu ka eegin Guddidan indho xukuumadeed ama xisbiyeed. Guddidan waxa  xidig u ah oo  xubin ka ah Prof. Axmed Ismaaciil Samatar. Waxa iyaguna ku jira  sharci yaqaano iyo masuuliyiin jaamacadeed.

Guddidan waxa loo xil saaray  masiir ummadeed oo sida ay iskaga xil saaraan taariikhda ay u geli doonto. Waxase daruuri ah in xukuumaddu dhawaaqa Guddidan ay ku lammaaneyso ficil dhab oo ay ka mid tahay inay u hurto dhaqaalihii wax ku ool ah oo ay ku waajahaan  waajibaadka culus ee loo magacaabay.

Ergadan xulka ah waxa hor yaalla inay iyaguna sameeyaan daraasado dhab ah oo ay diirrada ku saarayaan halka sahanka loo diray ay kaga biyo gaadhi karaan. Waxa Guddidan looga fadhiyaa inay waajibka culus ee loo xambaariyay ay fududeeyaan oo ay shaqada kala qeybsadaan isla markaana xoojiyaan isku xidhnaanshahooda xoojiyaan maadaama oo ku kala sugan yihiin daafaha dunidda.

Waxa Guddidan xilkooda ka mid ah inay ka tallo-bixiyaan  wada hadallada cago daaliska ah ee sannadkii 2012-kii u bilaabmay Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddidu Waa  inay isku dubo-ridaan maskaxda iyo xooga qurbo-jooga Somaliland oo u noqon kara danjireyaal kala shaqeeya qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland ee qaran ahaan Somaliland raadinaysay muddo 25 sannadood ah, waxa la doonayaa inay helaan mafaatiixdii waaweyn ee Prof Axmed Ismaaciil Samatar sheegi jiray.

 

 

“Mudanayaal iyo Marwooyin,Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.

Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka tallo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map),”ayuu  Madaxweynuhu ku yidhi digreetadii uu ku magacabay Guddidan.

Magacyadda Guddida

  1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Sacad Ali Shire Guddoomiye
    Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi
    3. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ictiraaf Raadinta iyo Wada-hadalka Somaliland iyo Somalia, Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil)
    4. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdoo Axmed Aayar
    5. Wakiilka Wareega ee Somaliland Mudane, Raabi Axmed Mohamed
    6. Wakiilka Somaliland ee Turkiga Mudane, Cali Axmed Cismaan
    7. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Marwo, Edna Aadan Ismaaciil
    8. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Prof. Maxamed Siciid Gees
    9. Wasiir Hore, Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
    10. Wasiir Hore, Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)
    11. Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed
    12. Professor, Macalester College, Minnesota Prof. Axmed Ismaaciil Samatar
    13. Dean, Kuliyadda Sharciga ee Jaamacadda Hargeysa Mudane, Maxamuud Xuseen Faarax
    14. Garyaqaan, Shuruucda Caalamiga ah Mudane, Ibraahin Xaashi Jaamac
    15. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Wakilada Dr. Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe
    16. Guddoomiyaha Guddida Arr. Dibedda ee G.Guurtida Mudane, Axmed Daahir Jirde
    17. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe
    18. Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Aqoonyahan C/raxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe)

Comments are closed