Yemen oo madaxweynaha cusub maanta la dhaariyay
Sanca Feb 25,2012(SDN)-Madaxweynaha cusub ee Yemen Cabdo-Rabbo Mansuur Haadi ayaa saaka oo sabti ah lagu hor dhaariyey baarlamaanka dalkaasi, ka dib markii uu guul ka soo hooyey doorashooyin degdeg ah oo todobaadkii u dambeeyey la qabtay, kuwaasoo soo afjaray xukunkii 32 sano ahaa ee Cali cabdallah Saalax oo isagu isla saaka dib ugu soo noqday magaalada Sanca.
Khudbad uu dhaarta ka dib halkaa ka jeediyey ayuu ku tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la sameeyo dib u heshiisiin qaran oo wadana lagu illawsiinayo mushkiladii uu ku jiray sanadkii 2011.
Madaxweyne Haadi waxa uu tibaaxay in shacabka reer Yemen aanay diyaar u ahayn waxii hadda ka dambeeya in dhiigoodu daato isla markaana la dhiso dawlad uu garsoorku hogaaminayo.
Sida la ogyahay Doorashooyinka Yemen ka dhacay oo 60% ay dadku u soo baxeen waxay sababeen in Madaxweynahii hore Cali Cabdallah Saalax oo isagu saaka ku soo noqday Magaalada sanca isagoo daawo ku soo qaatay dalka Maraykanka uu noqdo Madaxweynahii afraad ee Carbeed ee lagu rido kacdoonka shacabka muddo sanad gudihiisa.
SDN-Sanca