|

Yemen Oo Ethiopia U Gacan Gelisay Hoggaamiye Ka Tirsanaa Mucaaridka La Raadinayo

Sanca:July,06,2014(SDN/QJ)-Andaragajew Tesige ooh ore Xoghaye ugu ahaan jirey Kooxkii Mucaaridka Ethiopia ku ahayd ee  Gimbot 7, isla-markaana si weyn loo raadinayey ayaa la sheegayaa in haatan Dawladda Yemen u gacan gelisay dhinaca Ciidanka Ammaanka Ethiopia.

gimboShabakadda Wararka ee Sidama National Regional State   Network ayaa qortay inay Dowladda Yemen sheegtay in Mas’uulkaas magaciisa laga helay dad la baadigoobayey.

Hoggaamiyahaasi Mucaaradka ku ah Dowladda Ethiopia oo haysta dhalashadda dalka Britain, ayaa   si weyn looga raadinayey dalka Ethiopia, waxana dawladaha ay saaxiibka gaarka ah yihiin Ethiopia hore ugu dirtay codsiyo ay ku doonayso in loo soo gacan geliyo ninnkaa.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay dalalka deriska Dowladda Ethiopia u gacan geliyaan xubno ka tirsan Kooxaha Mucaaradka ku ah, waxana Dowladda Kenya  ay  Dowladda Ethiopia ugu gacan gelisay Hoggaamiyayaal Mucaarad oo ay ka mid yihiin Bashiir Makhtal, Sulub Axmed iyo Ali Xuseen oo dhammaantood ka tiranaa Kooxda Mucaaridka ah ee ONLF.

 

 

 

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed