‘’Yaan Xisbiyada Lagu Taageerin Qabyaalad, In Gudoomiyaha Xisbiyada Toos Loo Amaanayo Waa Ku Ceeb Marar Badana Way Ka Hadleen Ee Halaga Daayo Waayo Waxay ka Tuuraysaa Meel daran’’ Wasiirka Caddaalada DAAWO
Hargaysa 25. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland Mudane Axmed Faarax Cadare ayaa ka digay halista xisbiyada oo loogu ololeeyo hab-qabiil oo keena qabyaalad.
Axmed Caddare sidoo kale waxa uu ka digay amaanta xad-hdaafka ah ee madaxda, sida u heesida oo aynu aragnay iyadoo heeso loo qaadayo madaxweynaha iyo musharax Muuse, waa heeso sidiidii Jaale Siyaad oo kale! – Wasiir Caddare waxa uu xusuusiyey in ay fogayso amaanta madaxdu.
“Qaran baynu nahay oo xisbi iyo xukuumad ayaynu nahay oo madaxweyne ayaa hoggaamiya shaqsiyada gaarka loo amaanayo ee ama madaxweynaha ama guddoomiyayaasha xisbiyada toos loo amaanayo waa ku ceeb marar badana way ka hadleen ee halaga daayo.” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay “Xisbiga ha la amaano,qaranka ha la amaano oo xukuumada ha la amaano, tan tooska ah ee aad gaarka u weeraraysaan ma jeclaystaan oo waa waxyaabaha qofka jarka ka tuura, qofka gaar meel u maamula haddii la amaano way taraarisaa, aynu ka dayno oo aynu cadaalad ka samayno, waxii wanaagsan ee ay qabtaan halagu amaano, laakiin amaantan tooska ah ee casriyaysan aynu ka ilaalino.”