Yaabka Dunida: Telefishan aanay Dadku Daawanayn oo Mareykanka laga furay!! (Yaa Daawanaya toloow?)
Washinton: Aug-11-2013(SDN)Xayawaanka Eyda ayaa iminka helay Telefishan iyaga u gaar ah oo laga furay Dalka Mareykanka, waxaana uu Telefishinkani soo gudbinayaa Barnaamijyo ku saabsan Nolosha iyo Maaweelinta Eyda.
Telefishankan waxaa la yidhaa Dog TV, waxaana laga daawan karaa Internetka, iyadoo bilowga Tabintiisuna ay noqonayso mid Lacag la’aan ah Labada Toddobaad ee ugu horeeyso Bisha iminka socota.
Dog TV wuxuu beegsanayaa Suuq aad u ballaadhan oo lagu qiyaasay 46 Milyan oo Guryo Mareykanka ku yaalla, halkaas oo marka ay ugu yartahay Hal Eey uu joogo.
Sidoo kale Mashruucan ayaa ka faa’ideysan doona kororka Wacyiga Dadka Daryeela Xayawaanka Dab-joogta ah, kuwaas oo qaba iminka aragti ah inaan laga maarmeyn in loo raaxeeyo Xayawaanaadkaas, gaar ahaanna Waqtiyada dheer ee kaligood loogaga tagayo Guryaha oo Dadkuna ay Shaqooyinka aadayaan.
Mashruucan waxaa la bilaabay ka dib Cilmi-baadhis dheer oo lagu sameeyay Midabada la isticmaalo oo Casaan iyo Cagaar u badan, maadaama aanay Eeydu kala saari karayn Midabada Jaalaha(Huruudda) iyo Buluugga ah, iyo waliba Qaababka Codadka, si loo adeegsado Codadka ay Dhagaha Eeydu maqli karaan iyo arrimo kale oo badan.
Arrintan ayaa ah mid si ah looga soo dhaweeyey dalka maraykan oo isagu leh Eyda ugu badan dunida, waxana haatan ay dadka Eyda Haystaa safaf dhaadheer u gelayaan sidii ay Guryahooda u dhigan lahaayeen Telefishankan loo sameeyey maaweelada Eyda guryaha u joogta.
Somalidiasporanews.com