|

” Yaa ka Danbeeyay Weerarkii Daaraha Mataanaha ee Maraykanka? Ma CIA-da Mise Al-Qaacida? DAAWO

Hargaysa 10. October 2016 (SDN/QJ):- Sidaan la socono weerarkii lagu qaday dalkaasi Maraykanka 2001-dii, ee diyaaradihii Geeridda lagu magacaabay lugu dhuftay daarihii mataanaha( Twin Towers ) ee dalkaasi Maraykanka, waxaa ku geeriyooday dad gaaraya 3,000 Oo qafood kuwaasi oo kazoo kala jeeday shucuubo kala duwan kuwaasi oo kala aamin sanaa diimo kala duwan.
Hadaba Baaritaan dheer uu sameeyay Wariyaha caanka ah Yusri Fuuda ee u dhashay Dalkaasi Masar, ayaa weeraradii kadib wuxuu u dhaqaaqay in uu xiriir la sameeyo xubno ka mid ahaa Ururkii Al-Qaacida oo ku sugnaa Dalalka Pakistaan iyo Afgaanistaan.
Yusri Waxaa u suura gashay in uu helo xogtii ugu horeysay oo warbaahin caalami ah ay hesho, wuxuu sidaasi oo kale barnaamijkaani ku ogaaday in weerarkaasi ay wax ka ogaayeen laamaha amaanka dalkaasi Maraykanka ida CIA iyo FBI-daba.
Ugu danbeyntii Barnaamijkaani ayuu wuxuu ka sameeyay afar qeybood oo xiiso leh oo aan ku ogaan doono sida dhabta ah ay wax u dhaceyn, waxaan kaloo ka ogaan doonaa cida abaabushay ragii weerarkaasi ka gaystay dalkii ugu awooda badnaa oo Al-Qaacida ay ku magacaawday Maska Abeesadda Madaxdooda.

Comments are closed