Xuutiyiinta Yemen oo weeraray markab ka shiraacday Jabuuti
Djibouti April 30, 2024 (QJ) – Markab ka soo shiraacday dekedda Jabuuti ayaa lagu weeraray biyaha dalka Yemen, xilli uu markabkaasi ku sii jeeday dekedda magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.
Xuutiyiinta Yemen ayaa lagu soo waramayaa inay saddex gantaal ku dhufteen markabka oo ku sii jeeday magaalada Jiddah, iyadoo la sheegay in mid ka mid ah gantaalladaasi uu ku dhacay markabka oo khasaare geystay.
Shirkadda ammaanka badda ee Britain ee ku lugta leh dhacdadan ayaa sheegtay in markabka lagu weeraray saddex gantaal, taasoo keentay burbur xooggan.
Markabka la weeraray ayaa ka babanayay calanka Malta, waxaana mas’uuliyadda weerarka si toos ah loogu eedeeyay fallaagada Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen.
Mucaaradka ayaa si aad ah u bartilmaameedsada maraakiibta ganacsi ee isticmaala badda cas, iyadoo dhowr jeer la sheegay in ay dhaceen weeraro, kuwaas oo qaarkood ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.